QADIYADDA GOONI-ISU-TAAGGA SOMALILAND IYO CAQABADAHA DHABTA AH EE HORYAALLA
(Qeybtii: 1-aad)
- Soomaaliya Soomaali Baa Leh
- Midkii Kala Saar Lahoow
- Midkii Kala Sooc wadoow
- Midkii Si Xun U Fekeroow
- Sareeda Hadeey Ku Waarto
- Hadii Silac Iyo Dhib Gaaro
- Samaanteed Iyo Xumaanteed
- Soomaliya Soomaali Baa leh
HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena
Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Aqristaha sharafta badanoow, bal aan ku horeeyo’e, Gobollada Waqooyi ee
Soomaaliya waxaa daga dad walaalo Soomaaliyeed ah, Dhaqan, Diin, Luqad, Dad iyo
Dalba aan wadaagno.Waa meelaha ugu nabada roonaa burburkii dalka kadib. In
bandan oo Soomali ahna eey u hayaameen, kuna badbaadeen. Waa meelo ugu yaraan
madaxdu xukunka isuku wareejineeysey iyadoo aan xabada la isa surin. Waxaa ka
jira Maamul mudo soo jirey oo wanaagiisa iyo dhaliishiisaba leh, balse shaqeeya
oo umad badani dugsato. Hadaan sookoobo, waxaa ka jira Gobolladaa Waqooyi ee
Soomaaliya, in badan oo wanaag ah, oo eey tahay in aan ugu hambalyeeyno
walaalahaa, Allaahna uga barino in uu ubarakeeyo, ileyn waa walaalo
Soomaaliyeede oo wanaag dhamaan aan la jecelnahaye. Balse mushkilada ugu weyn ee Gobolladaa ka jirta ayaa ah “Kala Goynta Dalkeena
Hooyo”, ama waxa loogu yeero, “Gooni-Isu-Taag”, Cadaalad darro iyo “Sad-Bursi”
baahsan oo gobolladaa ka jira. Hadaan toos u galo qormada, aqristoow waxaan ku
jirnaa 2013, xaqiiqdiina Gobollada Waqooyi ee Soomaliya isbadal aad u xoog badan
ayaa ka dhacay, maadaama iyadoo isbadalkaa xaqiiqiga ah ee aan la inkiri karin
uu ka jiro Waqooyi ayaa “18-May” waxaa si gaar ah muhiimad dabaaldageed usiiyey
“Qeyb gaar ah” oo ka mid ah walaalaha Reer Waqooyi la isku yiraahdo, ee
waqooyiga wada daga gobolladaas, sidaa daraadeed waxaan is iri bal qormadan ka
samee, ee Akhirtoow kusoo dhowoow dhuuxa qormadii adigoo mahadsan. Waxaan rabaa in aan qaab Mandiq/Logic ama caqliyeysan oo cidkastoo caadifad ka
fogi eey caqli nadiif ah ku garankarto, ee bal aan su’aalo iga dhex guuxayaahi
idinla wadaago aqristayaashoow. Aan ku bilaabo’e, Dhulka Soomaaliyeed ee
Gobollada Waqooyi waxaa wada daga Beelo dhowr ah (Isaaq/Beesha Dhexe,
Dhulbahante, Samaroon/Gadabiirsi, Warsangali, Ciise, Gabooyo, iyo Faqashinni) oo
Gumeystihii Ingiriisku uu midba si gaar ah/gooni-gooni ah heshiis ula galay,
marka laga reebo Beesha Dhulbahante oo iyadu aan heshiis la galin Gumeeystaha.
Ma aaney jirin wax isku duuban oo ka maamul ahaan uu Ingiriisku heshiis ula
galey. Magaca hada Gobollaa Waqooyi loogu yeerana waa mid uu Ingiriisku iskii
ula baxey, micnahuna uu ahaa oo kaliya: “Dhulkii Soomaaliyeed ee Gumeystaha
Ingiriisku Gumeysanjirey”, sidaa daraadeed, Hadii Beelihii dhamaan marka laga
reebo Hal beel, "Beesha Dhexe", oo iyadu danteeda u gaarka ah darteed Ictiraaf u
raadsaneeyso, macquul ma noqoneeysaa iyadoo Beelihii kale ee gobolka la wada
daganaa wada diidanyihiin in Aqoonsigaa la helo? Oo waliba waxa diidanna eey
yihiin Odayaashii dhaqanka oo dhan, Aqoonyahankii, Siyaasiyiintii ugu caansaneyd
iyo dhamaan Indheer-Garadkii Beelaha kale oo mideysan, kaba sii darane gobollada
qaarna hadadan la taaganyahay eey xabbadu ka socoto, oo Nabadiiba gobolku ku
caanka ahaa aaneyba maanta meesha oolin. Hadiise xaqiiqdu sidaa tahay, soow
Xaalka dhabta ah ee “Ictiraaf” noqon maayo mid dhalanteed aan muran ka taagneeyn
ah, iyo laablakac iska caadifadeed? Ileyn caalamku wuu garankaraa in “Hal Beeli”
aaney dowlad noqon karine, iyadoo Aduunweynuhu uu waliba ka cabsi qabo in Beel
kastaahi ee Soomaaliyeed iyana “Gooni-Isu-Taag” ku dhawaaqdo, oo kumanaan
dowlado Soomaaliya ka wada dhexjira xaalku isu wada badalo, oo Albaabkii eey ku
bilaabanlaheyd mushkiladaana fure u noqoto, taasoo cawaaqib xumadeena aaneey
Soomaaliya oo kaliya ku ekaan doonine, u gudbidoonta Qoowmiyadaha faraha badan
ee kala duwan ee dhamaan simideeysan ugu wada nool wadamada Deriska la ah
Soomaaliya, iyo waliba guud ahaan kuwa geeska Afrika?

Caalamku wuxuu jawaab maqcuul ah u la’yahay sababta iyo logic-ga
“Gooni-Isu-Taagan!” iyo “Ictiraf Raadintan!” Ma waa la ina laayeybaa? Ma
cadaalad darro ayaan Soomaalida Koofureed katirsaneynaa baa? Ma kala Diin,
Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midab beynu nahay baa? Aan ku horeeye’e caalamku wuu ka
dharagsanyahay in aan isku wada Diin, xitaa Mad-had, Dhaqan, Luqad, Isir iyo
Midaba wada nahay, taasoo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee
“Gooni-Isu-Taaga”. Hadiise xaalku Maamulbaa ina laayey tahayna, caalamku wuxuu
taaganyahay Maamulkii dhibkaa geeystey wuu tagey, waliba waxaa la dagaaley
Soomali oo dhan, isla Soomaalida Koofureed ayaa ridey, ee Waqooyi Madaxtooyada
Muqdisho ma aaney ugu tagin, iyagaa Koonfureed ayuu laayey, oo cidkastoo
maamulkaa mucaarada ayuu la dagaalamayey, waliba dadkii dad ugu dhawaa ayuu
laayey, sida Beelihii Jabhadii ugu horeeysey ku aasaasey ee SSDF, iyo kuwii ku
xigey sida: USC, SDM iwm. Caalamku wuxuu la yaabanyahay, hadii shalay "Beesha
Dhexe" ee walaalaha waqooyi eey laheyd Maamulkii Millatarigii ayaa beel ahaan
inoola dagaaley oo ina xasuuqey-Ileeyn waqooyi iyo koofur cidi uma aaney
dagaaline-, soow xaqiiqdu ma aha in waxaa ka dhacay gobolladaa waqooyi eey
ahaayeen laba Xasuuq: 1-Mid waxaa geeystey Dowladii Milletery-ga, oo eey shacab
badan iyo Jabhadii hubeysneyd ee SNM ee “Beesha Dhexe” qeybo ka mid ah eey ku
dhinteen, kadib markii dagaalku magaalooyinka noqdey, oo Jabhadu magaalooyinka
soo dhex gashey, oo xaalku noqdey in shacabka lagu dhex dagaalo, taasoo sababtey
in eey dhacaan qaladaad iyo gafaf badan oo xaqiiqdii dowladaa Millatery-ga ee
markaa jirtey eey gashey, gaar ahaan isticmaalkii diyaaradaha IWM.
Qofkastoo
Muslim ahna Maras dilkood ma ogolaankaro, kaba sii daran walaalo Soomaaliyeed’e.
Balse waxaan dadka badanaa aan loo sheegin, in badanna ka qarsoon, da’yartuba ha
u badnaatee, in uu jirey xasuuq kale oo isla Gobolladaa Waqooyi ka dhacay,
midkan dambe waxaa geeystey Maleeshiyadii Jabhadii SNM, oo xasuuqdey Qaxootigii
Galinka 5-aad ee “Ogaadeeniya” kasoo qaxey, oo dowladii Millitery-ga eey dajiyey
Gobollada wooyi, maadaama eey aad ugu dhaweyd masaafo ahaan, iyadoo Jabhada SNM
eey Gobollda waqooyi ku shaacisey in Dadkan aaney qoxooti aheyne dad dhulkan in
eey idinkala wareegaan loo keeney yihiin. Nasiib darada kaloo jirtey ayaa waxeey
iyana aheyn in Dowladii Millitery-ga hubeysey qeybo xaqootigaa ka mid ahaa oo
dagaalkana galisey. Khubarada qaar waxeey leeyihiin nasiib darro! Qaxootigii
dhowrka Boqol oo qoys ahaa wax ka fakadeyba weey yaryihiin, oo qoysas dhan ayaa
sidooda u go'ay, oo dhagta dhiiga si wadareed ah loogu darey iyagoo isugu jire
Maras/Maato iyo Rag nuuckastaba leh, oo lafaha hey'ada caalamiga loosoo bandhigo
inbadan oo ka mid ah waa qaxootigaas ayey leeyihiin, oo waxaa looga
faa'ideeystaa, laba arin: A- Kuwii laayey ayaa joogaa oo garanaya meelihii eey
ku xasuuqeen Maatidaa, B-lafahaa gaalada la tusayo, isma sheegayaan Reeraha eey
u dhasheen, marka waa lagu badsankarayaa, si dareenkooda loo gilgilo, looguna
sii xoojiyo qadiyada “Gooni-Isu-Taaga”. Nasiib darada ugu weynse waa in Maanta iyadoo “Beesha Dhexe” wadata hubkii eey
ka heshey Dowladii Millatery-gii Siyaad Barre, hubkii Ethiopia eey siiyey, iyo
iyadoo isticmaaleeysa awood dhan ee maamul, hadii eey ku leeyneeyso Shacab isugu
jira Caruur, Ciroole iyo guud ahaan Marastaa Biri-Mageeydada ah, kuwaasoo kasoo
wadajeeda isla Beelaha Waqooyiga wax ka dagan, sababtuna tahay oo kaliya in eey
diideen wax la dhoho “Gooni-Isu-Taag”, iyo in eey Maamul ka ahaadaan Raaciyeyaal
oo kaliye, sidaa daraadeedna ku dhawaaqey in eey rabaan Midnimada walaalahooda
Soomaaliyeed, iyagoo sida lawada ogyahayna halgan dheer oo taariikhi ah usoo
marey u dagaalankii Soomaalinimo ee lagula dagaalamayey Gumeysigii Ingiriiska,
rag badana hore ugu waayey, sidaa daraadeedna diidan in eey Taariikhdaa dheer ee
Gobanimo-Doon eey maanta ka talaabsadaan, oo “Hal Bacaad lagu lisey” kasoo
qaadaan. Xaqiiduse soow noqonmeeyso aqristow, in marka aad “Inaga” abuurto, aad
sidoo kale qaab automatic ah u abuurtey, “Iyaga”. Xaqa aad u leedahay in aad cid
baan ka go'ay u tiraahdana, soow cidkastaahina xaq uguma laha in eey adigana
kaasii go'do?  Wuxuu caalamku sidoo kale leeyahay, hadii shalay cadaalad daro eey "Beesha
Dhexe" ee walaalaha Reer Waqooyi ka tirsaneeysey Soomaalida inteeda kale, bal
kawaran hadii isla iyadii eey kula dhaqmeysey waqtigii xoriyada Ingiriiska
gobollada waqooyi ka qaadan rabeen, ee marka laga reebo sadex waziir maahane
Jagooyinkii kaloo dhan “Beesha Dhexe” isku wada qaadatey. Nasiibdarona! Illaa
iyo maantana kula dhaqmeeysa Beelaha kalee ladagan Gobollada Waqooyi, cadaalad
daradii oo aaney waxba iska bedelin. Video-ga Linkiga hoose waxaad ku arkeeygaa
wareysigii Cali Saciid Xasan uu la yeelanayo Saraakiil kasoo wadajeeda Gobollada
waqooyi Gaar ahaan Beelaha Samaroon/Gadabuursi, kala ah: Sareeye Guuto Yuusuf
Talacle, Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame, G/Sare Maxmad Nuur
Faahiye, G/Sare Maxamed oo ahaa Gudoomiyihii Jabhaddii SDA, iyo Eng. Cumar
C/llahi Handi, wareeysigaa uu kula yeeshay Farjano 11-kii Bishii Febraayo 1991.
Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame Wuxuuna yiri: "1959-kii Ingiriisku
markuu Gobollada Waqooyi ka baxayey, wuxuu sameeyey wax la magacbaxey, "Shadow
Ministers" oo 9-Bilood jirayey, Xisbigii Markaa jirey ee SNL ahaa oo "Beesha
Dhexe" eey ugu badnaayeen, ayaa maadaama dadka Waqooyi wada xamaasadeeysnaayeen
oo xoriyad loo dagaalayey bal loo dhiibey oo qeybiya la yiri, Nasiib darro!
Ummadii kale oo dhan ayey ka sadbursadeen. Gobolka Owdal, oo markaa la dhihi
jirey District Borama, waxaa laga siiyey Hal waziir, laascaanood waxaa laga
siyey ma garanayo Hal mise Laba waziir, intii kaloo dhanna waxaa qaatey "Beesha
Dhexe". Nasiirdarro! Siyaasi weyn oo kasoo jeedey isla Beeshaa, Waqooyigana caan
ka ahaa, lana wada garanayo ayaa yiri, "Ma jilibkeeyga oo aan waziir helin ayaa
reer Awdal waziir helikaraan, sidii ayaa kiina looga qaadey Reer Awdal", Markaa
ayey beelihii kaloo dhan ugu wada dhibicdey in cadaalad daro iyo Sad-Bursi
xaalku aanu ka baxeeynin, waliba markaa SNL oo beeshaa u badneyd, Ingiriiskuna
uu aad u taageerayey, waxeey doonayaan "Federation", ama in “Dowlad Gaar” ah la
noqdo, oo iskubiirid marna ma aaneey rabin. Markaa Beelihii kale oo ka
dharagsanaa in waxa kaliya ee xaqooda eey ku helikaraan eey tahay in la raadiyo
Jamhuuriyad Soomaliweyn, si qeybtooda eey u helaan, oo waqooyiga aan loogu
Dominate-gareyn, ayaa waxa eey Beelihii kale bilaabeen in eey sameeystaan
Xirbigii Siyaasiga ahaa ee la dhihi jirey, "USP-United Somali Party" ula
jeedadiisuna aheyd in aan waqooyi gooni isu taagin, ama Federalism aanan lagu
maquunin beelaha kale, balse walaalaha Koonfur iyo Waqooyi la isku daro.
Doorashadii markii la galey, “Absolute Majority” weey heliweeysey "Beesha Dhexe"
oo markaa wadatey urukii SNL, waxaana lagu qasbanaadey in Soomaaliweyn lagu
darsoomo oo la raaco, maadaama aan inagu sidaa u ololeeyneeyney, Cigaalna rajo
uu ka qabey in uu Ra’isulwazaare helayo haduu Madaxweyne waayo. Taas aad ayeey
uga xumaadeen ururkii SNL, waxaana markaa la isku heeystey nin diidan in la
yaso, oo hala ilatashado si cadaalad ahna aan waxkasta u qeeybsanno taagnaa iyo
nin diidanaa. Hadadan oo 1991-kii aan joognana waxaa la ina leeyahay laba Xaaji
Qamsiin ayaa ku filan oo lasoo saarayaa dhamaantood" Akhiristoow, soow maantana isla tii uun waxa taagan ma aha, ileyn waxa keeney in
eey Beelaha kale waqooyi wax kadaga in eey sameeystaan, maamul Goboleedyada kala
ah: Awdal State of Somalia, Khaatuma State of Somalia, iyo Maakhir State of
Somalia, kadib markii sidii horeba caadadu aheyn, “Beesha Dhexe” is laheysiiyey
Jagooyinkii ugu sareeyey maamulka oo dhan, sida: Madaxweynihii, Hogaamiyeyaashii
dhamaan Sadexda Urur ee ugu waaweyn ee Mucaaradka, (ileyn sadexdaa urur ee
waaweyn hogaankooda ayaa uun fursad Madaxweynenimo heli kara’e) iyo xitaa
dhamaan ururada kee jiraba, Bal u fiirso Deegaanada maamulka Gobollda Waqooyi
waxaa 28/11/2012 laga qabtay doorashooyinka golayaasha deegaanka. Waxaana ku
tartamaya doorashada labo xisbi iyo Shan urur siyaasadeed oo marka la isu geeyo
noqonaya 7-urur siyaasadeed. Haddaba waxaa muhim ah in la fahmo toddobada urur
ee doorashadaa ka dhacday ka qeybgalay iyo hogaamiyaashooda Beelaha eey kasoo
jeedaan oo iska leh, taageerana:
- 1- KULMIYE: Hogaanka xisbigan iyo
taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”*, gaan ahaan Jufada:
Sacad Muuse/ Habar Awal.
- 2- UCID: Hogaanka UCID iyo taageerayaashiisuba waxay ka
soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Cidagale/Garxajis.
- 3- WADANI:
Waxay hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan
ahaan Jufada: Habar Yoonis/Garxajis.
- 4- XAQSOOR: Hogaanka ururka Xaqsoor waxaa
uu ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Carab.
- 5- UMMADDA:
Hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan
ahaan Jufada: Habar Yoonis/Garxajis.
- 6- DALSAN: Dadka hogaamiya iyo
taageerayaashiisuba waxay isugu biyo shubanayaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan
Jufada: Sacad Muuse/ Habar Awal.
- 7- RAYS: Dadka dhisay iyo taageerayaashiisuba
waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar-Jeclo.
Waxaa intaa
kuusii dheer, Waziirkii Arimaha Dibada iyo inta badan Waziirada, Hogaamiyaasha
Ciidamada- Si beelaha kale isugu baqaan, “Intimidation”, looguna isticmaalo
markii dani bido, sida gobollada qaar hadda ka socota- Maxkamadii Sare, Madaxdii
Golayaasha Maamulka, Wakiilada iyo Guurtidaba, Dhamaan Wakiilada Dibadaha u
jooga ….IWM. Waa dhamaan awoodii dhabta aheyd ee Maamulka, iyadoo nasiib darro!
Waxa kaliya ee Beelaha kalee Waqooyi waxkadaga loo ogolyahayba eey yihiin "Ku
Xigeeno” in eey Maamulka ka ahaadaan. Dadbaa ku dooda in Mudane Riyaale Kaahin
Madaxweyne mar ka noqdey Maamulka, isaga oo aanan u dhalan “Beesha Dhexe”, balse
xaqiiqda dhabta ah ee dadkaasi iska indhatirayaan ayaa waxeey tahay in Riyaale
ahaa “Ku xigeen”, fursada uu ku heleyna aheyd oo kaliya Geeridii ku timid
(Allaha u naxariistee) Marxuum: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Makula tahay in
Beelo dhan oo Cuqaal iyo Indheer-Garadba leh, in eey maamul waxa kaliya eey ka
noqonkaraan eey tahay raaciyeyaal magac lagu badsado, iyagoo dad iyo deegaanba
Ilaaheey siiyey, walibana muhiim u ah hadii “Ictiraaf” la raadinayo iyo hadii
kalee la hor istaagayaba? Soow marka xaalku noqonmaayo, “Dulmi Diide, Dulmi
Doona ah beeynu aragney”? Mase kula tahay in sidaa cadaaladu tahay, keeneysana
wada jirka Beelaha maamulka wada dhistey, iyo in sidaa “Ictiraaf” lagu helayo,
sidii la rabo “18-May” haloogu dabaal daga'e?

Hadiise Maanta eey Beelihii kale ee wax ka wada daganaa Gobollada Waqooyi ee
Soomaaliya, ee awal waxa kaliya oo eey ku heshiiyeen aheyd in Maamul lawada
dhisto si nabad loo kala helo iyo in eey ka badbaadaan “Beesha Dhexe” oo hubkii
oo dhan gacanta u galey, maamulkana hormuud u aheyd, beelaha qaar ee Waqooyina
wax ka tirsaneysey, balse waligood aanan ku heshiin wax la dhoho
“Gooni-Isu-Taag”, eey maantana si cad u wada taaganyihiin waxaan ka mid nahay
inta u taagan midnimada Ummada Soomaaliyeed, oo eey gobolladooda uga kala
dhawaaqeen, dowlad goboleedyada kala ah: Maakhir State of Somalia, Awdal State
of Somalia, iyo Khaatumo State of Somalia, kuwaasoo dhamaantood wada ayidsan
Midnimada Ummada Soomaaliyeed. Makula tahay arintii “Gooni-Isu-Taaga” In eey si
xaqiiqo ah u dhimatey, oo eey meeshaa uga baxdey gabi ahaanteedba? Ileyn “Hal
Beel” oo kaliya cidi ictiraaf siinmeeyso’e, iyadoo gobolladii Ingiriisku wada
gumeeysan jireyna aaney u dhameeyne, waliba hadii Beelaha kale siyaabo
siyaasadeed lagu qancinkari lahaa, qaar ayaa meeshii wada hadal nabadeed lagu
qancin lahaa, xabbada la surey, oo Maatadoodii dhagta Dhiiga loodaray, waana
xaqiiq jirta marka wiil aad Aabihii goowracdo, in aad iska sii fogeeysay, kana
sii daran hadii wiilkaasi ku dhaganyahay, halgan hore oo dadkiisu magac iyo
maamuus mujtamaca Soomaaliyeed uga dhexleeyihiin. Ugu Dambeyn, hadii Dowladii Soomaaliya “Kumeel-Gaarkii” ka baxdey, oo Maanta
Ummada Soomaaliyeed dowlad Rasmi ah eey heshey, taasoo January 17, 2013-kii uu
Mareykankuna si rasmi ah u aqoonsadey, IMF-ta, hey’adihii kalee caalamiga ahaa,
iyo dowladihii kalana ku wada xigsaden, iyadoo Madaxweynaheedana uu meelkasta ka
leeyhay: “Waxaan ku dhaartey MIDNIMADA DALKA”-Waloow aan aad uga xumaado marka
aan maqlo isagoo dhahaya cadaadis Diplomaasiyadeed isticmaali meyno, iyadoo
kooxda dalka hala jaridiisa ku howlanina waxkastaahi isticmaalayaan-, Nabadiina
eey si tartiib-tartiib ah usoo noqoneeyso, caalamkiina uu Safaaradihiisii
caasimadii dalka maalinba mid kasii furanayo, kuwaasoo uu ugu horeeyo
Ingiriiskii Ictiraafkaba laga raadinayey in uu hormuud u noqdo, iyadoo dhamaan
caalamku wada muujiyey in Dalka Soomaaliya uu hal hogaan leeyahay, inta kalena
Dowlad Goboleedyo yihiin, caalamkuna sidaa u tixgaliyey, soow taasi Arimihii
Ictiraafka ugu dambeyn rajo beel ma aaneey kusoo gabagabeeynin? GABAGABO, GUNAANAD IYO AFEEF
* Marka aan leeyahay “Beesha Dhexe”, waxaan ka sariiganayaa in aan si toos ah afka
magaca ugu dhufto, waxaana ula jeedadeeydu tahay “Qeyb ka mid ahe” qaarbaa
midnimada taageersan. Hadiise aan dhaliil soo jeedino micnaheedu ma aha, in aan
necebnahay walaalo Soomaaliyeed, oo ah qeyb ka mid ah dalkeena hooyo ee
Soomaaliya. Ma aha in aan cadow kunahay. Mana aha in aan xumaan la dooneeyno.
Waxa aan dooneeyno oo kaliya, waa in wixii khalad ah la soxo, si wax inoogu wada
wanaagsanaadaan, dalkana aan marna lakala jarin. Waxaase intaa fahmikaraya inta
dareensan in qofku xor u yahay ra’yigiisa, xaq buuxana u leeyahay in uu cabiro
aragtidiisa, eeyna tahay in la isku xushmeeyo kala aragti duwanaashaha. Ugu
dambeyn fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji e-mailka hoose adigoo
mahadsan.
Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com REFERENCE
Sawirrada: Amiin Caamir arts iyo Google images search
Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2013
|