SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dhibaatada iyo xalka, ubadka qurbaha.

Ilmaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaa haysta dhib aad u weyn, oo aan inta badan loo ogeyn ama aan si mudan loo tixgalin, waana tan keenta, in ilmihii qaloocdo, dhaqan ahaan iyo nolol ahaanba, aakhirkana ku dambeeyo, xabsi iyo nolol ka dhac, waxa loo yaqaan.

Dhalinyaradani waxay ku dhex nool yihiin, labo dhaqan oo is diiddan inta badan, intaa waxaa u dheer, waa ilmo la nool waalid daallan jir ahaan iyo maskax ahaan ka dhashay duruufo adag oo ay ka mid yihiin qax iyo qaxootinimo, sidoo kale dal tabyo iyo dad tabyo.

Ilmaha marka uu guriga joogo, waxay maqlayaa inta badan, waxaan waa xaaraam diinta ma ogolo, waxaan waa anshax darro dhaqankeenna ma ogola, marka uu iskuulka joogana, wuxuu la kulmayaa, wixii guriga xaaraanta iyo anshax darrada ka ahaa oo macalimiintii, ardadii iyo bulsha weyntii kalaba dhex dabalanayaan loona arko wax caadi ah. Halkaa ilmihii wuxuu kala kulmayaa jiha wareer saameyn weyn ku leh noloshiisa dambe.

Intaa waxaa usii dheer, waalidiinta oo aan intooda badan xoogga saarin waxbarashada carruurta iyo habkii ay kor ugu qaadi lahaayeen tacliintooda sare oo ah dariiqa kaliye oo ilmaha badbaada u ah.

Waxaan waalidiinta kula talin lahaa gaar ahaan kuwa qurbaha carruurta ku haya, in ay ilmaha ogaadaan in ay la nool yihiin bulsho naga badan, sidoo kalena naga aqoon iyo dhaqaale roon, marka waa in aan heegan galnaa, oo aan waxbarashada ilmaha xoogga saarno, waqti fiicanna siino, maalin walbana hubinnaa inay ka shaqeeyeen casharkii iskuulka looga soo diray, kana caawino wixii ku adkaada, haddii aynaan ka caawin karina geeynaa xarumaha cashar caawinta, sidoo kale haddii ay suura gal tahay inaan ilmaha geeysano iskuulada gaarka ah, gaar ahaan kuwa islaamiga loo yaqaan, waayo ilmuhu waxay ka helayaan dhaqan aad ugu dhaw midka gurigiisa iyo waxbarasho tayo leh, waan aragnay iskuulada guud tayo badan ma lahan.

Ugu dambeyntii, Jaaliyaadka Soomaalida ee ku nool Reer galbeedka, waxaan kula dardaarmi lahaa, in ay dhistaan ama furtaan iskuullo khaas ah, sida ay masaajidyada u dhisanayaan oo kale, haddii aysan awoodinna ay gaystaan carruurta kuwa ay leeyihiin walaalahooda muslimiinta ah ee la nool, dhaqanka intiisa badan diin ayuu xiriir la leeyahay, qofkaad isku diin tihiina waxaa tihiin isku dhaqan, marka waa in ilmaha xagga tacliinta laga waardiyeeyo, waa hubaal in ilmaha aqoontiisu dhisan tahay, ka badbaadayo daroogo iyo dambi sameynba inta badan.



Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;