SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Mudane Xildhibaan Ka Digtoonow “Qeybi oo Xukun” oo ah Sunta Midnimada

“Baaq Qaylo Dhaan ah”

Xubno ka tirsan Xildhibaanada Beelaha Hawiye waxaa shalay 25/05/2013 u gudbiyeen Afhayeenka Barlamaanka mooshin lagu codsanayo in dalka laga saaro ciidamada Kenya, waxaa taa iyana ka dabo qaatay xubno ka tirsan Xildhibaanada Beelaha Daarood oo iyana diyaarinaya mooshin lagu codsanayo in dalka laga saaro ciidamada Jabuuti & Ugaandha. Waa ayaan daro in 23sano ka dib inaan weli garan la’nahay waxa inoo dan ah Aduun & Aakhiro,.

Mudanayaal Ummadda Soomaaliyeed idinkey isku kiin haleynaysay oo guulo wax ku ool ayey idinka barteen markii Madaxda Sare iyo qeybo ka tirsan Golaha wasiirada iibsadeen dalka bad iyo beri ayagoo heshiisyo been abuur u saxiixay dowlado shisheeye kuwaasoo aan labada Gole la ogeysiin ama laga ansixin xilliyadii ku meel gaarka.

Waxa ka hortagay oo labo goor difaacay waa Xildhibaanada Qaranka, weli damaca Badda iyo boobka kheyraadka Soomaaliya wuu taagan yahay, Hey’adda ay Ummadda Soomaaliyeed isku haleynayso waa Baarlamaanka, haddaad idinku qeybsantaan oo la kala safataan ciidamada shisheeye, dalka soo gacanta ka bixi maayo. Mudanayaal dib u Xusuusta erayadii C/Laahi Suldaan Timo Cadde: “Dugsi Ma leh Qabyaaladdu Waxey Dumiso Mooyaanee”

Mudanayaal dib u xusuusta markuu Nabigeena Maxamed(cs) uu arkey Asxaabiitsa oo fidno qabiil dhex timi oo uu ku yiri: {Ma anigoo idin dhexjooga ayaad jaahilyad u yeeraneysaan}.

Xaalad abuurka maamul u sameynta Jubbada hoose kuwo ogol iyo kuwo diidanba aad mooddo waxa lagu kacayo waxyaalo ubadka 10 jirka ah ay ka xishoodaan, ayadoo weli uu taagan yahay damca Norway & Xulafadeeda ay ku damaacinayaan in Badda Soomaaliya oo cabirkeeda yahay 350 nautical miles laga dhigo 12 nautical miles.

Xisbiga SYPL waa markii ugu horeysay uu go’aansado inuu wax ka dhaho khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Federaalka iyo Dadweynaha Reer Jubbaland ee Maamul goboleed halkaa kaga dhawaaqay, khilaafkaas Dowladda Federaalka wuu ku dabo dheeraaday wuxuuna illowsiiyey Howshii Qaran ee loo idmaday taasoo ku sii riixeysa in dagaal sokeeye uu dalka dib uga qarxado hadaan loo heli waxgarad kala badbaadiya.

Waxa u muuqda Xisbiga SYPL waxaan u muuqan labada dhinac ee is haya waa dowladda & Maamul goboleedka cusub taasoo ah in damaca Norway iyo xulafadeeda ay ka shaqeeyaan inta ka harsan degaanada Jubbooyinka oo ay Ashabaab gacanta ku hayaan in inta lala qabto oo markaa ay ku yiraahdaan :waa taa Xukuumadiina Federaalka qabiil ahaan ayey idin diidan tahay, 23sano ayaa la marayaa markaa soo idin lama gudboona inaad goosataan oo aad ku biirtaan dalka Kenya, soo ma aragtaan in NFD & Somali Galbeed ay ka kala tirsan yihiin Kenya iyo itoobiya waxeyna ku heystaan halkaas barwaaqo, bash bash & horumar la taaban karo, haddey arintaasi dhacdo eedda waxaa wada leh xukuumadda iyo degaanka oo iyaga had iyo gooraale ku celceliya iney ka mid yihiin Dowladda Federaalka oo iyana qabta shaki aan loo meel dayin, iyo iney hooskeeda ka carareyso.

Waxaan ognahay ineyan xukuumadda u hayn tabar ay xoog dib ugu qabsato degaanada Jubbooyinka, waayo Shabeelada hoose ayey wada qabsan la’dahay ayadoo heysata taageerada ciidamada AMSOM.

Waxa intaa dheer Dowlad Goboleedka Awdal State(Somaliland) oo wada hadal la leh Dowladda Federaalka, si dib loogu soo celiyo xeendaabka Soomaaliya, oo iyana eegeysa khilaafka u dhaxeeya Reer Jubba land iyo Dowladda oo sii fogaanaya, soo oronmayaan marka shir kale la isugu yimaado: intii idin ogoleed ayaad sii kala firdhineysaan waa maxay Midnimada aad inoogu yeereysaan?!!!, ta kale waxa keliya aan isku aamini laheyn waa Federaal, khilaafka idinka & Jubbooyinka wuxuu salka ku hayaa inaad u diidan tihiin Maamulgoboleedka ay kaga qeyb geli lahaayeen Dowladda, soo arintan inoo sii qurxinmeyso goosashadeena.

Dhanka kale Dowlad Goboleedka Awdal State(Somaliland) waxey ku gacmoseyrtay heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya & mas’uulka Heyadda Duulimaadka Rayidka Caalamka(ICAO) oo yimi Muqdisho bishan gudaheeda, waxa la yaab leh in mas’uuliyiinta Awdal State(Somaliland) weligood wax ka difaacin badda Soomaaliya oo ah 350 nautical miles oo shisheeye badan inagu heysteen tan & 2008kii ilaa iyo maanta, balse markey maqlaan wax Soomaaliya laga dhacay sida maamulka duulimaadyada Hawada Soomaaliya maraya ayaa dib loogu soo celiyey dowladda Federaalka isla markiiba wey kugu qabsanayaan sababta heerkaa gaarsiisay oo ah ineyan Shisheeye wax ka dhacsan karin, marka iyaga iyo walaalahood waxa ka wada dhaxeeya la soo dhiciyo, waxey ka shaqeeynayaan sidii sheygaasi dib loogu celin lahaa gacantii shisheeye, waa su’aal da’weyn oo u baahan in jawaab loo helo.

Ka dib markaan baarnay waxa inoo soo baxay in Mas’uulka ICAO ee Muqdisho yimi iyo mas’uuliyiinta Awdal State(Somaliland) xiriir hoose u dhaxeeyo kaasoo oranaya: Dowladda Federaalka waxey nagu wareerisay inagu soo wareejiya maamulka hawadeena, Muqdisho ayaan tegayaa waxaan halkaa ka oranyaa si tartiib tartiib ayaan idinku wareejinyaa, markaan ka soo noqdo idinka ku gacmo seyra waa :Qeybi oo Xukun(Divide & Rule) .

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Xildhibaanada sharafta leh iney dhowraan midnimadooda ayadoo dalku ku jiro marxalad khatar ah oo ay difaaca Qaranimadeena halkeeda ka sii wadaan, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa waxgaradka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ineyan aayaha dalka ku haleyn Xukuumad aan awoodeena gaarsiisneen xuduudaha, oo ay had iyo gooraale talo iyo tusaale la garab istaagaan, oo hadday khalad ku dhacdo ugu hiilliyaan iney ka celiyaan khaladka, haddey wanaag sameysana ku ayidaan, mushkiladda hadda taagan ee Maamulka Jubbooyinka & Dowladda Federaalka la soo dhexgalo inta dalka uusan faraha Soomaaliya ka bixin.Ugu dambeyn waxaan ka codsaneynaa Ummadda Soomaaliyeed iney garab istaagaan Shirweynaha Qaran ee lagu sameeynayo Naadiga “Nabadda iyo Midnimada Soomaaliya”

Sida inoo wanaagsan Aduun & Aakhiro Eebbe ha ina waafajiyo

Xuseen Cali Cilmi

Gudoomiyaha Xisbiga SYPL

+25268333941

Muqdisho-Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;