SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku Dhawaaqdey Ha’yad Samafal oo Lagu Magacaabo Hormuud Telecom Foundation

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telcom oo mar waliba looga bartey in ay Caawiso Qaybaha kala duwan ee Bulshada islamarkaana ka qayb qaadatada Dhibaatooyinka ka dhaca dalka sida Abaaraha , Fatahaada, la tacaalida Dhaawacyada, Barakacayaasha iyo wixii la mid ah ayaa ku Dhawaaqdey Hayad Samafal oo loogu Magacdarey Hormuud Telecom Foundation.

Munaasbada lagu Furayey Hayadaas ayaa waxay ka dhacdey Magaalada Muqdisho waxaana ka qaybgaley Xubno ka socdey Qaybaha kala duwan ee Busshada sida Culimaudiin , Hayadaha Samafalka, Odoyaasha Dhaqanka , Waxgarad Shirkadaha Ganacsiga ee ka jira Dalka iyo Marti Sharaf kale waxaana ugu hioreeyn halkaasi ka Hadley Madaxa Hayada Hormuud Telecom Foundation, Cabdulaahi Nuur oo sheegey in sababaha loo Aas-Aasey Hayada in ay tahay in Shacabka ka gacan siiso Dhibaaato kasta oo la soo Gudboonaata iyo in ay mar waliba hayadu ka warqabto Baahida Bulshada Soomaaliyeed

Xubnhii kale ee halkaas ka haldey waxaa ka mid ahaa Maamulaha Guud ee Shirkadda Hormuud Telecom Maxamed Aadan Faarax oo ugu horeyn u Mahadceliyey intii isku soo dubarida Abuurida Hayada Hormuud Foundation isagoo sheegey in Talooyin ka yimid Shacabka Soomaaliyeed lagu Abuurey Hayadaan wuxuuna uu u soo jeediyey Hayadu in ay deg deg uga jawaabto hadba marka Shacabka la soo Gudboonaadaan Dhibaatooyin si loo samatabixiyo

“Waa wax lagu faraxo in Hayada Soomaali leedahay maanta lagu dhawaaqo , marka Dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan ayey kaga maarmi karaan Caawinadaha Dibadaha looga keeno” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka qayb galeu Munaasabadaas Xariga looga jarayey Hayadaas oo sheegey in Hormuud uu ku Amaanay in ay ahayd inta aan la Aas-Aasin Hayadaan mid Dadkeeda u Gurman jirtey marka ay Dhibaatooyin la soo Gudboonaadaan marka waxaan leeyahay Hormuud Telecom Foundation in ay halkaas ka sii wado Hawlaha loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed

Shirkadda Isgaarsiita Hormuud Telecom oo ka mid ah Shirkadaha ka hawlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa hore gacan uga geysatay wax ka qabashada Dhibaatooyinkii dalka ka dhacay oo ay ka mid ahaayeen Fatahaadihii Baladweyne, Jowhar & Abaarihii sanadkii 2011 ku Dhuftay inta badan Gobolada Dalka. sidoo kale waxey Shirkaddu sameysay Gaadiid Dab Damis oo wax weyn ka qabtay DababkiiDdhibaatooyinka ba'an u geysan jiray Hantida Dadka ku nool Magaalda Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;