SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Mooshin ka Dhan ah Joojigitaan Ciidamada Kenyaa ma Hirgeli Doonaa mise kii ka Horeeyey ee Xukuumadda Shirdoon halkii uu Marey Buu Mari Doonaa?

“Qalaalaasaha ka taagan Kismaayo waxay Dan weyn ugu jirtaa Dowladda Kenya”

Iyadoo Maalmahaan ay Jireen Mooshino ay soo Gudbinayaan qaar ka mid Xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka uuna ugu dambeeyey kii laga keeney Xukuumada uu Raiisul Wasaare Saacid uu Hogaamiyo kaasoo markii dambe ku dhamaadey fashil ka dib markii inta badan ay Mooshinkaas ay ka laabteen Xubnaha Baarlamaanka ayaa haatan waxaa la Xaqiijiyey in Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka ay u Gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Joogitaanka Ciidamada Kenya oo Sannadkii 2011 soo galeen qaar ka mid ah Deegaanada Gobolka Jubada Hoose .

Xildhibaanadaan Moshinka Ka keeney Joogitaanka Ciidamada Kenya ayaa sheegey in Ciidamada Kenya ay yihiin kuwa aan ka amar qaadan Dowlada ka dhalatey Dalka Soomaaliya waxay sii raaciyeen “Ciidamada Kenya waxay si Xun ula dhaqmeen Wafuudii kala duwaneyd ee Gaartey Magaalada Kismaayo kuwaas oo qaarkood si Xoog ah loogu soo celiyey Magaalada Muqdisho , kuwa kalena waxay weli ku Xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaanyo “

“Nidaamka Ciidamada Kenya ee ay ku joogaan Soomaaliya waa Amisom hase yeeshee Ciidamada Kenya waa ka talaabsadeen Nidaamkaas ee ay ku shaqeeyaan habka Ciidamada kale ee Amisom”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan Allow oo sheegey in Ciidamada Kenya ay gacan siiyaan jabhado aan u Hogaansaneyn Dowlada Federaalka oo ay la safteen Qabaailka isku hayo Gobolka Jubada Hoose.

Dadka Soomaal;iyeed ayaa ka wada Dheregsan in Ciidamada Kenya ay Soomaaiya ku soo galeen Xoog iyagoo ku Marmarsiyaanaya in ay Baacsanyaan Xarakada Alshabaab hase yeeshee Arrinka Kenya ay ku Andacooneysa waa mid aan waxba ka jirin ujeedda Duulaankoodu uu yahay in ay Difaacdaan Khayraadka Dhinaca Shidaalka ee Dowlada Kenya ka Qodaneyso qaybo ka mid Badda Soomaaliya marka Mooshinka ka dhan ka ha Ciidamada Kenya ma Hirgeli doonaa mise kii Xukuumada Saacid halkii uu marey buu isna mari doonaa

Mid ka mid ah Odayaasha ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa laga soo xigtey mar uu dhawaan la kulmey Saraakiisha Kenya waxaana uu yiri “ Saraakiisha Kenya waxay noo sheegeen in Qalalaasha ka taagan Magaalada Kismaayo ay dan weyn ugu jirto Dowladda Kenya “Haddi Gobolka uu ka dhasho Nidaam iyo kala dambeyn anaga marnaba Faaiido noogama Jirto marka Madaxweynayaasha faraha badan ee laga sameeyey Magaalada Kismaayo waxay dan weyn uga jirtaa Dowlada Kenya sidaa darteed Dadka Soomaaliyeed in ay heshiiyaan aad baan uga soo horjeednaa” waxaa uu sii raaciyey “waxaana uu u soo jeediyey Siyaasiyiinta isku haya Gobolka in ay Qalbiga ku hayaan in Khiaafkooda aysan marnaba Kenya faaiido ugu jirin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;