SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xafladii Jubbaland State of Somalia ee Minneapolis, ee gobolka MN

Waxaa maalintidii Sabtidii ee ay taariikhdu ahayd 05/25/2013 lagu qabtay Hotelka wayn ee la yiraahdo Mariotte City Center ee ku yaala magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota xaflad wayn oo soo qaban qaabiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Minnesota, ee dalka Maraykanka. Xafladaas oo isugu imaadeen dad gaaraaya ilaa iyo labo kun oo qof "2000 oo ruux" sida dadka xaflada soo qaban qaabiyey ee cadeeyeen.

Xafladaan lagu xusaayey dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ka hadleen hogaamiyeyaasha jaaliyadda, aqoonyahano, waxgarad, culimo rag iyo dumarba iskugu jira. Sidoo kale waxaa ka hadlay halkaas dadka laga soo doorto deegaanada ay degan yihiin Soomaalida ee magaagalada Minneapolis, ee gobolka MM. Dadka la soo doortay oo halkaa ka hadlay waxaa ka mida ahaa:

1 - Don Cohen,
2 - Mike Andrew, Minneapolis City Council/mayor Candidate
3 - Don Samuel, Minneapolis City Council/mayor Candidate
4 - Ken Winton,
5 - Diane Hoffstad Minneapolis City Council
6 - Diane Loefflor MN state representative from NE
7 - Liv Walananski Minneapolis park-board
8 - Iyo Abdi Warsame oo ah nin Soomaali ah oo u taagan doorashada City Council ee magaalada Minneapolis ee hadii la doorto loobadinaayo in uu noqdo ninkii labaad ee Somali ah ee xil dowladeed loo doorto.

Dhamaan dadka laga soo doorto xaafadaha ay Somalida u badan tahay oo halkaa ugu bogaadiyey jaaliyadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana dadka reer Jubbooyinka arinta ku saabsan guusha ay dadka reer Jubbaland ku talaabsadeen oo ah mid ay wax ka yaqaaniin madaama dalkoodu, "waa dalka Maraykankee", uu isticmaalaan dowlad ku dhisan habka Federaaliga ah. Sidoo kale waxay ku bogaadiyeen in sida ay wadanka ay dhalashada ka qaateen ay ugu muuqdaan ay sidoo kale ugu muuqdaan, waxna u taraan dhulkoodi hooyo. Inkastoo dadkii Soomaaliyeed ee halkaa isugu yimid ay aad ugu riyaaqayn markii ay arkeen dadkii ay doorteen oo la qaybsanaaya farxadda dowlad goboleedka Jubbaland ee haatan la samayey, hadana dadkii halkaa isugu yimid ayaa aad ugu xumaadeen in martiqaad loo fidiyey mid ka mida State Representativeka laga soo doorto meelaha ay degaan Soomaalida oo aan martiqaadkaasi aqbalin. Dadka qaar ayaa isla dhexmarayey in tiro sadex jeer ah oo marti qaad loo fidiyey uu masuulkaas uuna aqbalin.

Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay oday dhaqmeedyada ka soo jeeda gobolada Gedo, Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe, halkaas oo ka cad in xafladaan loogu dhamaan - dhamaan dadka ka soo jeeda Jubbaland State of Somalia. Ugu danbayntii khadka la iska arko ee loo yaqaan skypeka, ayaa waxaa qudbad qaymo iyo qaayo leh ka soo jeediyey Madaxwaynaha Jubbaland, waxaa uu dadka xasuusiyey in Jubbaland State of Somalia ay tahay dowlad goboleed ka tirsan Somalia, isla markaana ay diyaar u tahay in ay la shaqayso dowlada Federaalka ee Soomaaliyeed sida dowlad goboleedyada kale.

Madaxwayn Ahmed Islam oo markii uu qudbadii dhameeyey halkaa ugu jeediyey mahad celin iyo bogaadin dadkii xaflada ka soo qaybgalay, isoogoo khadka la iska arko ee skypeka ka arkayey dadka tirada badan ee halkaa isugu yimid si ay u xusaan dowlad goboleedka Jubbaland ee taariikhiga ah.

  • Sawirada Halkan ka daawo

    Waxaa qoray: Mohamed Barre - Junlay oo wax ka qora arimaha Soomaalida ee gobolka Minnesota, ee dalka Maraykanka - email junlay99@aol.com.

     

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;