Bulshada Baargaal oo Iskaa Wax U qabso Ceel Macaan u qodanaysa

Waxaa maantay Magaalada Baargaal Ka bilowday Olele balaaran oo iskaa wax u qabso ah oo ay hogaaminaayeen odayaasha iyo waxgaradka Baargaal oo lagu qodaayo ceel macaan kadib markii ceelashii macaanaa ee horay u qodnaa baahida biyood ee magaalada buuxin kari waayeen , iyo qaybtoodii badnyad ceelashaas oo biyahoodii bad noqdeen sida ceelkii waynaa ee riiga ahaa iyo ceelal gacmeedyadii kale ee ku dhawaa
Talaabadan ay bilaabeen odayaasha iyo waxgaradka magaalada oo si fiican loo soo dhaweeyay , ayaa la rajaynaayaa in lagu qodo ceel gacmeed degdeg ah si looga baxo dhibaatada biyo yaraanta ee deegaanka ka jirta , taas oo ay sababtay abaar muddo dheer deegaanka ka jirtay Ugu danbayntii odayaasha Shaqada Ceelka bilaabay ayaa ugu baaqay Dadwaynaha iyo ganacsatada kasoo jeeda degmada Baargaal iyo degaanada hoos yimaada iyo ahlu khayrka inay ka qayb qaataan wixii itaalkooda ah xoog iyo maal , qodida iyo dhismaha ceelka oo muhiimad weyn u leh Bulshadadeegaanka. Maxamed Ibraahim Axmed
La xiriir baargaal@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2013
|