Warar:
- Axmed madoobe: Dawladda Federaalka faraha hakala baxdo Kismaayo
- Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha oo ku saabsan Kismaayo
- Qoraalkii ka soo baxay Shirkii IGAD
- Puntland oo warsaxaafadeed ka soo saartay cidda shaqada ku leh
khayraadka Dabiiciga ah ee dalka
- Khudbadii Madaxweynaha DFS ee shirka IGAD
Axmed Madoobe oo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u soo jeediyey in ay
faraha kala baxaan Arrimaha Kismaayo
Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Modoobe) oo dhawaan Taageeryaashiisa Magaalada
Kismaayo ugu doorteen Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubb land ayaa ka hadlay
arrimo fara badan oo uu ku dhaliilayo Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dawladdu si la tashi la’aan ah ay Gobolkaas ugu
soo dirtay Wufuud uu sheegay in ay ka socdaan Dawladda kuwaasoo uu sheegay in ay
ka shaqaynayaan abuuritaanka Xiisado iyo Colaado.
Axmed Modoobe ayaa intaa ku daray in Dawladdu ay ka shaqaynayso Fadqalaloouyin
halkaa ka dhaca iyadoona gaartay in dadkii ay u qayb qaybiyaan Qabiil Qabiil
isla markaana Ciidamada ay dhax galeen kuna dhaliyeen in ay dagaalo qaadaan
Axmed Madoobe ayaa ku adkaystay in Shacabka ku dhaqan Goboladaas ay samaysteen
Maamul ay iyagu leeyihiin isla markaana aysan ka noqon doonin Maamulkoodaas
isagoona hoosta ka xarriiqay in Dawladda ay aqoonsan yihiin.
Sheikh
Axmed Madoobe ayaa ugu yeeray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay ilaaliso
Dastuurkii ay ku timid isla markaana aqoonsato Maamulda Federaalada ah ee jira.
“wafdigii naloo sheego inuu imaanayo waan soo dhaweyneynaa laakiin ciddii
Daaqadda ka soo gasha marnaba lama kulmeyno” ayuu si kulul u yiri Axmed Madoobe
isagoona ku sheegay wufuudda ka socota dhinaca Dawladda in dhamaantooda aysan
ogeyn goor ay yimaadeen keliyana ay maqlaan Wufuud ayaa timi Magaalada.
Shir Doraad ugu soo dhamaadey Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa isku raacey in
aysan aqoonsaneyn Maamulada magaalada Kismaayo looga dhawaaqey , sdoo kale waxay
isku raaceen in arrimaha Kismaayo looga dambeeyo Dowladda Federaalka oo ay
qabanqaabiso Shir Dib u heshiisiin oo lagui dhiso maamul loo dhan yahay ee
Magaalada Kismaayo.
Si kasta ha ahaatee Axmed Madoobe ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku
Eedeeyay in arrimaha Jubbooyinka ay u wajahayso si aan wanaagsanayn, iyadoo
Magaladasi ay haatan ka jiraan ilaa Shan Madaxweyne oo mid uu sheegey in la
doortey taasina waxay sii Cakirey Xaaladda Magaalada Kismaayo , wuxuuna
Maamulada halkaa ka jira ay yimaadeen Xilli Xarakada Alshabaab ay meel aan sidaa
uga dheereyn Kismaanyo ay joogaan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS
Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir
lagu dhisayo maamulada Jubooyinka .
(Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xassan Sh. Maxamuud oo ka qeybalay shirkii Madaxweynayaasha IGAD ayaa
halkaas khudbad taariikhi ah ka jeediyey oo uu sheegey in Shirkii 3da May ee
madaxda IGAD wax badan qabsoomeen, sida shirkii London 7dii May, xiriirka
joogtada ah ee IGAD iyo guddigii IGAD ee booqday Muqdisho iyo Kismayo iyo
shirkii maanta ee Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD.
Madaxweynahu waxuu soo dhoweeyey go’aankii IGAD ee 3dii May, guddigii IGAD ee
booqday Muqdisho iyo Kismayo iyo warbixintii ay maanta hor keeneen shirka IGAD.
Madaxweynahu waxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay
inay xal waara u hesho arrimaha Kismaayo oo uu sheegey inay habboonaan laheyd in
shirka Kismaayo ay mar hore maqlaan baaqyadii isdaba jooga ahaa ee ku wajahnaa
in shirkaas uu noqdo mid waafaqsan dastuurka, isla markaana ay dowladdu
hoggaaminayso iyo in Soomaalida deegaanka ay ka wada qeybgalaan shirka.
Ugu danbeyntii madaxda IGAD waxey isku raaceen in Dowladda Federaalka Soomaaliya
ay Muqdisho ku qabato shir Qaran oo dib u heshiisiin ah oo ay ka soo qeybgalaan
Soomaalida deegaanka Jubbooyinka si loo sameeyo maamul ku meel gaar ah oo ka
shaqeeya sidii dowlad goboleed waafaqsan dastuurka loo heli lahaa oo ay dowladdu
hoggaamineyso.
Madaxda IGAD waxey walaac ka muujiyeen xaalada Kismaayo oo ay ugu baaqeen dadka
deegaanka inay illaaliyaan xasilinooda kana fogaadaan wax walba oo keeni kara
colaado hor leh oo bilowda.
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
##
Halkan ka akhri warsaxaafadeedkii ka soo baxay
IGAD (COMMUNIQUE OF THE 22nd EXTRA-ORDINARY SESSION OF THE IGAD)
Akhri: Puntland Government
Position on Natural Resources in Somalia
Sawirka shirka IGAD
IGAD Statement of President of the Federal Republic
of Somalia
Sawirka hoose waxa uu ka mid ahaa sawirro ay maanta faafisay AMISOM:
AMISOM Pictures: Somalia / AMISOM / Madina Security Operation
Photo: AU-UN IST PHOTO - handout images shot on May 25th and released by
the African Union-United Nations Information Support team. Attached are images
of a security operation that was conducted last night. AMISOM, in support of the
Somali Police Force, cordoned off one and a half square kilometers in the Madina
district of Mogadishu in an attempt to weed out members of the extremist group,
al Shabaab. Many of the area's young men were temporarily detained by the SPF
and then screened in order to determine whether they had any links to the group.
Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2013
|