SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland

  • iyo Muqdisho oo lagu xisay 50 Guuradii Midowga Africa

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha DFS ayaa u qornaa sidan:

Muqdisho, Maajo 23, 2013….. Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanku uga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa dawladda. Waxaa kaloo goluhu ka wada hadleen arrimaha federaalaynta dalka ee la xiriira Jubaland iyo wada xaajoodka Somaliland.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxaafada si toos ah ugala hadlay shacabka Soomaaliyeed kadib markuu dhamaaday shirkii golaha wasiirada. Kadib markuu soo dhaweeyay go,aankii baarlamaanka ee looga noqday mooshinka ka dhanka ahaa xukuumada, waxaa uu ka hadlay xaalada Kismaayo, horumarka gobolada koonfureed iyo magaalda Muqdisho iyo halka ay marayaan wada-hadaladii dawlada Soomaliya iyo maamulka Somaliland. Asagoo ku hormaray mooshinkii guul daraysatay ee ka dhanka ahaa xukuumada ayuu xusay in dawladda wax badan uga kordheen arrintaas.

“Si wada-jir ah baan u xalinay dareenkii xildhibaanadii mooshinka keenay hadaan nahay labada gole ee dawladda. Kala duwanaanta fikirka hadii si fiican loo isticmaalo wax badan baa laga faa’iidaa, waxaana oran karaa, ka dawlad ahaan waan ka faa’iidaysanay mooshinka. Maanta iyo maantii mooshinka la bilaabay maantaan kalsooni badanahay, oo aan dhihi karaa faham buuxa yaan ka qabnaa qaabka wada shaqeynta labada gole,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo siweyn ugu mahad celiyay shacbiga Soomaaliyeed ee taageerada buuxda u muujiyay xukuumada mudadii mooshinku socday.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si kooban uga warbixiyay horumarka arrimha guddaha iyo dhaqaalaha dalka. Waxaana uu sheegay inuu jiro kobac dhaqaale oo yididiilo leh iyo in dalka dib-loogu soo noqonayo muda dheer kadib.



Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu ka hadalay arrimha Kismaayo iyo barnaamijka dawladda ee ku aadan Jubaland. Waxaana uu sheegay ugu horeyn in xukuumaddu leedahay masuuliyada federaalaynta dalka ayna doonayso inay maamul-goboleedyadu ku dhismaan sida dastuurku dhigayo ee ummada Soomaaliyeed heshiiska ku gashay.

“Dariiqa loo marayo waa inuu noqdo dariiqa saxdaa, waa in dawladdu leedahay doorka hogaanka lagu samaynayo maamul-goboleedka. Sidoo kale waa muhiim in shacabka deegaanku u dhan yihiin oo isku waafaqsan yihiin, uuna waafaqsan yahay dastuurka. Waxaa kaloo muhiim ah inaysan hakad galin ladagaalanka argogixisada iyo sidii wadanka nadab loogu soo dabaali lahaa,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Waxaan uu dhanka kale ka hadlay wada hadaladii u dhexeeyay xukuumada iyo Somaliland ee kulankii labaad laysugu soo noqonayo Istanbul bisha soo socota. Waxaa uu sheegay inay wada hadaladaani muhiimad gooni ah u leeyihiin ummada Soomaaliyeed ayna taas ku baraarugsan tahay dawladdu.

“Xukuumad ahaan waxaan doonaynaa inaan gaarno Soomaaliya oo mid ah isla markaana federaali ah. Wadada aan u hayno jidkaas midnimada waa inaan la sharaysan ee nalagu taageero hawsha na loo igmaday. Waxaan doonaynaa Soomaaliya oo mid ah, wax-dheeraad ah ma galinayno, kamana saareyno,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028


Muqdisho oo lagu xisay 50 Guuradii Midowga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu xusayey 50 guurada Midowga Afrika. Xafladan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Safiirka Midowga Afrika, Safiirka Djibouti u fadhiya Soomaliya oo isla markaana ah Madaxa safiirada Muqdisho, Safiirka UK iyo Safiirka EU iyo Diblomaasiyiin kale. Waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banadir.

Madaxweynaha oo khudbad dheer ka jeediyey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid aheyd Aasaasayaashii oo Madaxweyne Aden Abdulle Osman (Aden Adde) uu ka mid ahaa. Madaxweynahu waxuu sheegay inay ahmiyad gaar ah u leedahay Soomaaliya dabaaldagga 50 guurada oo uu sheegay in maanta Soomaaliya ay mareyso marxalad ka duwan markii la aasaasayey ururka Midowga Afrika sanadkii 1963dii.

Madaxweynahu waxuu yiri " 1974tii Soomaaliya waxey marti gelisay shirkii Midowga Afrika oo loo dhisay African Village, ha yeeshee buu yiri 2011kii ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida waxey African Village dib uga xorreeyeen kooxo argagaxiso ah."

Madaxweynahu waxuu sheegay inuu ka qeybgalayo dabaaldegga 50 guurada oo ka dhacaya Addis Ababa isla markaana uu u sheegayo madaxda Africa in loo baahanyahay in qiimeyn lagu sameeyo 50kii sano ee la soo dhaafay, ha yeeshee buu yiri " Waxaa loo baahanyahay in madaxda Afrika ay maanta dejiyaan qorsheyaashii 50ka sano ee socda si loo gaarsiiyo Qaaradda Afrika heer sare."

Madaxweynaha ayaa sheegay in kaalmada Afrika ay u geysatay sidii loo soo celin lahaa karaamadii iyo sharaftii Soomaalida la xusi doono oo aan la illaawi doonin, isla markaana uu Madaxweynahu kula dardaarmi doono madaxda Afrika in loo baahanyahay in shacabka Afrika loo helo mashaariicyo iyo horumar gaarsiin kara horumar baaxad leh.

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho, media@presidency.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;