Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan
Midowga Africa
Muqdisho, 22, May, 2013.... Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka xafiiskiisa ku
qaabilay wafti uu hogaaminayo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maxamed
Saalax Anaadif iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee Amisom.
Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay wakiilka ayaa waxaa diirada lagu saarayey
arrimaha amniga iyo horumarada ay ka sameeyeen ciidanka Amisom iyo kuwa dowladda
dagaalka ay kula jiraan kooxda xag-jirka ah ee Alshabab.
Markii uu soo idlaaday kulanku waxaa saxafada si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul
Wasaaraha iyo wakiil Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya.
“Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay midowga Africa oo maalmo ka dib u
dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo asaasay midowga
Africa, Soomaaliya waxay hormuud ka ahayd wadamadii asaasay Midowga Africa.
Waxaan leeyahay hambalyo waxaan ururka ka rajaynayaa inuu sii xoojiyo sidii loo
heli lahaa Africa oo gaarta horumar dhab ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid
oo dhanka kale xusay inuu u mahadcelinayo wadamada Africa ee ciidamadu ka joogaa
Soomaaliya.
Wakiil Midoga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida ay uga
go’antahay Midowga Africa sidii uu qayb libaax uga qaadan lahaa sidii nabad
loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.
“Midowga Africa waxay u dabaal dagayaan 50 guuradii ka soo wareegtay asaaskii
midowga Africa, waxaana muqdisho u imid inaan dadka Soomaaliya kala qayb qaato
dabaal daga Ururka, waxaana muqdisho barito lagu qabanayaa xaflad balaaran” ayuu
yiri wakiil midowga Africa oo dhanka kale sheegay in ay Ra’iisul Wasaaraha ka
wada hadleen horumarada ay sameeyeen mudooyinkii danbe ciidanka Soomaaliya iyo
kuwo AMISOM.
Magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa 25 bishaan ku kulmaya
madxweynayaasha wadamada afirca iyagoona u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo
wareegtay markii la asaasay midowga Africa, waxaana lagu wadaa in
madaxweynayaasha Afirca shirkooda ay diirada ku saraan arrimaha Soomaaliya
DHAMAAD
Xafiiska Warbaahinta Ra'iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Email: media@opm.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2013
|