Cabdiraxmaan Faroole oo ka Hadley Arrimaha Kismaayo iyo Dastuurka Dalka
Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ka
hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Taaba galka Dastuurka iyo
dhamaystirka hawlaha Federalaasiimka ah.Madaxweynaha ayaa ugu horeynba ka
hadlay Dadka Barakacayaasha ah ee ka soo Barakacay Gobolada Koofureed ee
Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in halkaas ay kala kulmeen soo dhaweyn iyo
walaalnimo dhab ah.
Madaxweyne faroole ayaa Barakacayaasha u ballan qaaday in aysan la kulmi
doonin waxyaabaha ay la kulmaan dadka kale ee Barakacayaasha ah ee ku sugan
Koofurta Soomaaliya sida dhaca kufsiga iyo wixii la mid ah halkaana ay ka
heli doonaan Barakacayaasha ammaan iyo Nabad gelyo buuxda ah.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay Maamul Goboleedyada Dalka ka
jira isagoona sheegay in Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu jideynayo in
dalku uu noqdo Federaal isagoona ka digay inaan laga leex leexan Dastuurka
iyo waxa uu qorayo. Madaxweynaha Pontland ayaa si gaar ah u soo qaatay
Maamulka dhawaan looga dhawaaqay JubbaLand isagoona ugu baaqay in Dawladda
federaalka Soomaaliya ay aqoonsato Maamulkaas.
Faroole ayaa ku hanjabay in haddii la aqoonsan Maamulka uu Hogaaminaya Axmed
Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) in Maamulada soo socda kana dhismi doona
Gobolada Bay iyo Bakool iyo Bartamaha Soomaaliya lagu kala tegi doono.
Madaxwyne Cabdiraxmaan faroole ayaa sheegay in Dawladdu Dastuurka ay ku
dhaqanto uu yahay mid aan sax ahayn oo la badeley kii la isku ogaa ee lagu
saxiixay magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoona si gaar ah farta ugu
fiiqay Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo uu sheegay inuu mar ahaa Wasiirka
Dastuurka islmarkaasna uu yahay nin ka shaqeeyey in aan lagu Dhaqmin ki la
wada saxiixay .
Faroole ayaa soo qaatay maamulka SomaliLand oo uu sheegay inay goosteen si
ay u soo noqonayaana uusan garanayn isagoona uga digay Madaxweynuhu Dawladda
Fedeeraalka haddii aysan la shaqayn Maamulada in Soomaaliya lagu kala tegi
doono cid walbana ay gaarkeeda isu taagi doonto.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2013
|