Warqad Furan oo ku Socota Hogaanka sare ee Dawladda Soomaaliyeed
- Talo bixin muhiim u ah jiritaanka Qaranimada iyo ilaalinta xuduudaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya
By: Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka MIDNIMO
Somali United party (SUP)
Eng: Ali Hersi Karshe (Ali Kabayare)
KU: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA MUDANE XASSAN SH. MAXAMUUD
KU: RAIISAL BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA MUDANE MAXAMED SH. CISMAAN
JAWAARI
KU: RAIISAL WASAARAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYE MUDANE CABDI FAARAX SHIRDOON
SAACID
UJEEDA: TALO BIXIN MUHIIM U AH JIRITANKA QARANIMADA IYO ILAALINTA XUDUUDAHA
JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA.
Mudane madaxweyne , mudane raiisal baarlamaan, iyo mudane raiisal wasaare,
waxaan idiinkugu doortay inaan warqaddaan idiin soo qoro, maadaama aad tihiin
hogaankii ugu sareeyey qaranka soomaaliyeed, la idinkuna aaminay ilaalinta
shuruucdiisa , qaranimadiisa , iyo difaacidda danaha qaran mid guud iyo mid gaar
ahaaneedba.
Maadaama aad u dhaarateen inaad ilaalin doontaan guud ahaan gayiga Soomaaliyeed,
aadna ruqsad buuxda u haysataan inaad matashaan magaca iyo midnimada umadda
Soomaaliyeed oo aysan jirin maantay cid idinku haysta inaad fagaaraha caalamiga
ah ee quruumaha xorta ah ay ku kulmaan aad ka matashaan una hadashaan dalka iyo
dadka Soomaaliyeed.
Maadaama aan ahay muwaadin Soomaaliyeed aanan ku hadlayo magaca in badan oo
Soomaaliyeed oo fikirkaan ila wadaaga.
Maadaama aan xaq u leenahay inaan ka hadalno aayaha iyo mustaqbalka dalka iyo
dadka Soomaaliyeed.
maadaama ay maantay Soomaaliya ku sugan tahay xaalad qatar ku ah jirintaanka
qaranimada Soomalaiyeed ee aad matashaan.
Maadaama ay soo baxeen kooxo sheeganaya magaca Soomaaliyeed oo u adeegaya dane
shisheeye.
Maadaama dalalka dariska Soomaaliya la ah ay si toos ah faragelin ugu hayaan in
Soomaaliya ay hesho xasilooni buuxda ayna yeelato dawlad hanata danaha guud iyo
kuwa gaar ahaaneed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeedba, si ay u gaaraan
ujeedooyinkooda guracan ee ay ka leeyihiin dalka Soomaaliyeed baddiisa iyo
barigiisaba, ayagoo u adeegaya danaha guud iyo kuwa gaar ahaaneed ee dalalkooda
iyo danaha shacabkooooda.
Maadaama ay shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay shaki ka qabaan in dalalka ay
Soomalaiya ciidamada ka joogaan qaarkood ay daacad ka yihiin shaqadooda ay
Soomalaiya u yimaadeen ee loo soo idmaday, gaar ahaan dalalka Kenya iyo
Ethiopia.
Waxaan soo jeedin lahaa qodobadaan hoos ku qoran.
1. In dhammaan ciidamada wadamad dariska nalaha IGAD Frontline States of
Somalia, ah ee aan daacad ka ahayn xasilinta iyo horumarinta dalka Soomaaliya
laga saaro soomaaliya iyo AMISOM si ay Soomaaliya arimaheeda siyaasadeed iyo
kuweeda amniba ay u noqdaan kuwo ka madax banaan faragelinta ay ku hayaan
wadamada dariska nala ah oo ay naga dhexayso cadowtinimo soo jireena hadana ay
dano dhaqaale iyo mid istiraatijiyadeedba ay Soomaaliya ka leeyihiin.
2. In maadaama aad heshiis amni la gasheen dawladaa aan walaalaha nahay ee
Turkiya, soomaaliyana si ku meel gaar ah loogaga qaaday cuna qabateyntii hubka
ee saarneyd. In aad dawladda Turkiya kaalmo milateri oo toos ah aad warsataan
kana codsataan inay ka qayb qaataan xasilinta dalka Soomaaliya iyo sugida
aminiga . Sidoo kale hubinta inaan lagu soo xadgudbin xuduudaha xorta ah ee
Dalka Soomaaliya uu la leeyahay dalalka dariska ah inta Soomaaliya ay awood ugag
yeelanayso inay ilaashato xuduudaheeda xorta ah.
3. In sida ugu dhaqasaha badan loo dardar geliyo in ciidamada ku sugan gobolka
shabeelada hoose ay u dhaqaaqaan dhanka dhinaca magaalada xeebta ah ee Kismaayo,
si ay meesha ugaga baxdo doorka ay Kenya sheeganayso inay dawladda Soomaaliya u
hayso magaalo muhiim ah ee ay dhaqaalo badan ka heli jireen Alshabaab, iyado aan
wada ogsoonahaya in canshuurta laga qado shacabka masaakiinta ah ee Soomalaiyeed
ay kala qaybsadaan Kenya Axmed Modoobe iyo saraakiil Ethiopian ah oo ku sigan
Gedo iyo xuduudaha ku aadan Bay iyo Bakool, si aysan u imaan Kismaayo, taas oo
ah ilhaanadii ugu xumeyd ee abid Soomaaliya soo marta, ahna wax aan loo
dulqaadan karin xaalad walba oo lagu sugan yahayba.
4. Waxaan ognahay adinkuna aad ogtihiin inay Kenya si toos ah faraha ugula jirto
arimaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Jubooyinka iyo Gedo, ayna iska dhagatirtay
baaqyada iska soo daba dhacaya ee ay u soo jeedinayaan Dawladda iyo shacabkeeda
wadaniyiinta ah. Waxaan idinka doonaynaa adinkoo ku hadlaya magaceena iyo kiina
dawladnimo inaad badashaan luuqadda dibloomaasiyadeed ee aad hadda kula
hadashaan dalka Kenya oo ku soo xadgudbay sharafta iyo jriitaanka dalkeena iyo
dadkeenaba. inaad Golaha amaanka ee qaramada midoobay, kan Afrika iyo midka
IGAD-ba aad ka codsataan in Kenya laga saaro ciidamada AMISOM, maadaama aysan
dhexdhexaad ka hayn arimaha Soomaaliya, dano gaarana ay ka leedahay gudaha dalka
Soomaaliya.
5. Waxaan kaloon codsanaynaa inaad si buuxda noola socodsiisaan siyaasadda ay
dawladaha IGAD ee aan xubinta ka nahay ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya, si aan
iskugu diyaarino xoreynta iyo difaacidda dalkeena, sidii aan u xoreysanay una
difaacanay markii ay nagu soo duushay dawladda Ethiopia ayadoo xanbaarsan
tabcane ay is lahaayeen ku gaara danihiina siyaasadeed ee aad ka leedihiin dalka
Soomaaliya, waxaase arintaas beeniyey shacabweynaha wadaniyiinta ah ee xalaasha
ah ee sharafta leh ee Soomaaliyeed, haddana waxaan diyaar u nahay inaan
difaacano dalkeena, dinteena iyo sharafteena, anagoo ku kalsoon inaan ka
guuleysan doono cid kasta oo isku dayda inay nagu soo xadgudbaan.
6. Mudanayaal madaxdeeniiyeey waxaan idinka doonaynaa anagoo idinku kasloon
inaad la xisaabtantaan umaddana aad ka qabataan kuwa xildhibaanada sheeganaya ee
ka shaqaynaya inaysan Soomaaliya cagaheeda ku istaagto ayagoo xildhibaano
dawladda soomaliyeed sheeganaya, hadana u adeega dano shishiiye iyo dano qabiil.
Kuwaas xildhibaanada sheeganaya ma matalaan mana matali karaan shacab weyanha
xalaasha ah ee Soomaaliyeed, waa in lala xisaabtamo loona gudbiyo guddiga
ilaalinta anshaxa baarlamaanka, talaabo cadna laga qaado lagana saaro
baarlamaanka hadday u hogaansami waayaan ilaalinta sharciga iyo sharafta umadda
Soomaaliyeed.
7. In aad dacwad rasmi ah ka gudbisaan xoghayaha guud ee uru goboleedka IGAD
ninka lagu magacaabo Maxbuub Macalin oo ay shacbiga Soomaaliyeed ee wadaniyiinta
ahi ay rumeysan yihin inuusan si dhexdhexaadnimo ah oo daacad ah uusan ugaga
hadli doonin wixii uu Soomaaliya ku soo arkay, iyo inuu ka run sheego siyaasadda
ay dawladda Soomaaliya doonayso inay ku hogaamiso Dalka, taas oo ka madax banaan
cid walba oo aan ahayn umadda Soomalaiyeed.
Ugu danbeyn Mudanayaal waxaan idinka codsanaynaa inaad codkiina kor u qaadaan
aadna ogaataan inaad madax u tihiin dal madax banaan oo xor ah, "sovereing
state" kana mid ah qaramada midoobay xaqna u leh in la tixgeliyo xuduudihiisa
xorta ah hadday ahaan lahayd mid dhul, mid cir iyo mid badeedba intaba.
A sovereign state is a place with borders where people live, and where a
government makes laws and talks to other sovereign states. The people have to
follow the laws that the government makes and only the government is allowed to
hurt people or put them in jail. The government can do whatever it wants and
doesn't have to do what other governments tell it to do. Most sovereign states
are recognized which means other sovereign states agree that it's really a
sovereign state.
Mudnayaal waxaan ku seexanaa, kuna soo kacnaa murugo iyo ciil anagoo aragna inay
nagu soo xadgudbayaan dalal daris aan nahay oo horey u qaatay xoogna ku haysta
dhul soomaaliyeed, haddana u soo tafaxaytay inay intii yareyd ee xorta hayd,
ayagoo aduunka sharciyad ugaga raadsanaya inay ayagu maamulaan. Waxaan ognahay
oo aan idaacadaha ka wada maqlayna ainuu madaxweyna ku xigeenka Kenya William
Ruto uu dalka Nigeria u joogo sidii uu taageero ugu heli lahaa hindisaha
siyaasadeed ee ay Kenya wadato kaas oo golaha ammaanka ee Afrika ka codsanaya in
hawsha iyo baaxadda Ciidamada AMISOM la kordhiyo si Kenya ay u tiraahdo anaa
ciidamo diyaar la ah, markaasna ay ciidamo fara badan oo xog leh ay Soomaaliya
ku daabusho kuwaas oo fasax u haysta inay cir, dhul iyo badba ay ka dagaalami
karaan, markaasna ay gobolkaas Kenya xagsato oo ay sidaas ku xalaalaysato ayadoo
mar walba leh amaanka Kenya ayaan Soomaaliya ka ilaalinaynaan.
Halkaan hoose ka daalaco mid ka mida danaha ugu waaweyn ee Kenya iyo Ethiopia
Soomaaliya ka leeyihiin.
http://allbanaadir.net/news.php?readmore=1647
http://somalitalk.com/2011/badda/difaac78.html
Mudanayaal sow ma ogidiin dadlka IGAD sheeganaya inaysan qaarkood ka mid ahayn
dalalkii ay Soomaaliya hogaaminaysay ee aasaasay urut goboleedka IGAD bishii
Janaayo sanadkii 1986, balse ayba qaarkood xor ahayn magacoodana aan aduunka
laga aqoon sida South Sudan, iyo Eriteria . Ayadoo Soomaaliyana ay hormuud ka
ahayn aasaasiddi urukaan oo markiisii hore loo aasaasay inuu ka hortago abaaraha
iyo dhibaatooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca dalalka geeska Afrika.
Waxaanu ognahay inay jiraan cadaadisyo fara badan oo idin haysta, balse waxaad
ogaataan nin waliba maalina ayuu madax ahaan doonaa oo kursiga aad ku fadhidaan
ku fariisan doonaa waqti cayiman ayauuna joogo doonaa. Nin walbana waxaa ka hari
doonta taarikh laga sheekayn doono inta Soomaaliya ay jirto, sida looga
sheekeeyo madaxdii dalkaan soo martay laga soo bilaabo Raiisal waraarihii
daaqiliga ahaa ee Alle ha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud, ilaa Shiikh
Shariif ku keen. Sidaasaas xukunka ugaga dagi doontaan marka waxaa la diinka
doonayaa inaad taariikh wanaagsan ka tagtaan oo maantay waxay maraysaa meeshii
ay ururkii gobonima doonta ahaa ee urukii SYL 15-may-1943dii uu dalka ka qaaday
ee adinkana noqda SYL2.
Waxaan qoraalkayga ku soo gababeynayaa heestii caanka ahayd ee ay abwaanka weyn
ee Saciid Xarawo ku cabirayey aragtida iyo rabitaanka shacabweynaha iyo
dawladdiisa Soomaaliyeed.
Heestaas waxaa la yirahdaa, Maan duuli waayin Mana diriri waayin Mana dagaali
waayiin Afrikaay daya. Diidnaye ogow Dalkayaga ninkii doonaayayow Inuu
duudsiyo....
Waa hees Somali ah oo ka tarjumeysa, Somalinimo. ayadoo qoraal ah halkaan hoose
ka dheeho haddii aad doonaysaana inaad maqal ahana ku dhagaysataana halkaan
hoose riix.
- Maan duuli waayin
- Mana diriri waayin
- Mana dagaali waayiin
- Afrikooy daya
- Diidnaye ogow
- Dalkayaga ninkii doonaayayow
- Inuu duudsiyo rabow
- Annagu diidnaye ogow
- Ninki dilay walaalkeen
- Annana waa noo dan leeyahay
- Daqar baa gaari doonee
- Afrikooy daya
- Diidnaye ogow
- Dalkayaga ninkii doonaayayow
- Inuu duudsiyo rabow
- Annagu diidnaye ogow
- Dadka wow dhaxaynaa
- Ninnana daandaansan maynee
- Xumaatana dooni maynee
- Afrikooy daya
- Diidnaye ogow
- Dalkayaga ninkii doonaayayow
- Inuu duudsiyo rabow
- Annagu diidnaye ogow
- Xaqii kaa duqoobaa
- Inkastoo dabool la saraa
- Mar uun buu kuu diillaacaa
- Afrikooy daya
- Diidnaye ogow
- Dalkayaga ninkii doonaayayow
- Inuu duudsiyo rabow
- Annagu diidnaye ogow
- Mualllifka: Saciid Xarawo
Dhammanaad
Eng: ALi Hersi Karshe( Ali Kabayare )
Gudoomiyaha ururka siyaasiga ahe ee MIDNIMO
Somali United Party (SUP)
alibashir27@hotmail.com
Alibashir27@gmail.com
Stockholm /Sweden
Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2013
|