SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Midowga Daladaha Waxbarashada Dalka oo Xusey Sannad Guuradoodii 3-aad Soona Bandhigey Muqarar Waxbarasho oo ku Hagaya Manhaj Mideysan.

Waxaa Xarunta Midowga Daladaha Waxbarashada Dalka lagu qabtey Munaasbad si heer sare loo soo Agaasimey taasoo ku beegneyd Sannad Guuradii 3aad oo ah markii ay Midoobeen Daladaha Waxbarashada Dalka , waxaana Munaasbadaas ka qaybgaley Masuuliyiin ka socotey Wasaaradda Adeega Guud ee Dowladda Federaalka Qaybeteda Waxbarashada, Madaxda Daladaha Waxbarashada , Hayadaha Samafalka , Jaamacadaha, Odoyaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka.



Waxaa ugu horeyntii halkaas laga la soo jeediyey warbxin ka hadleysa waxa u qabsoomey Midowga Daladaha Waxbarashada , waxaaana lagu sheegey Warbixntaas in Midowga Daladaha Sannadkii 2012-2013 ay Dugsiyadood dhigteen ilaa Saddex Boqol oo kun oo ardey ,Dusiyada waxay ahaayeen 1300 oo Dugsi, Ardeyda Deeqha waxbarashada ee Lacag La’aanta ah heley waxay ahaayeen ilaa Labaatan Kun oo Ardey , iyo Macalimiinta waxay gaarayeen 11 Kun oo Macalin

Warxinta oo uu Akhrinayey Ustaad Maxamed Faarax Cali Sacaba Weyne oo ah Xiriiriyaha Midowga Daladaha Waxbarashada Dalka waxaa kaloo lagu sheegey in Mudadaas ay Jireen caqabado soo wajahay Dusgiyada Hoos yimaada Midowga waxaana ka mid ahaan arrimo la xiriira Dhinaca Amaanka, sidoo kale waxaa Caqabadahaasi ay hayeen in Maamuladii soo marey Dalka aysan wax Dhiiragelin ah Daladaha waxbaarshada oo la xiriirta sida loogu Dhabr adeygey 22 kii Sanno in aysan kala Go’in qaybaha Waxbarashada ee Dalka , waxaa kaloo Warbixinta lagu sheegey in Dowlada Federaalka ay qaadato Doorka kaga aadan Waxbarashada Dalka.



“Waxbarashada waa xoog aan la Dafiri Karin oo u baahan in gacan weyn la siiyo si loo helo Ardey Dhinac waliba ka dhisan”Sidaa waxaa yiri Afhayeenka Bulshada Rayidka Cabadulaahi Maxamed Shirwac oo kula Dardaarmey Midowga Daaldaha Waxbarshada in ay Xooga Saaraan sidii loo heli lahaa Ardey haysta Xirfad uu ku shaqeysan karo maadaama dalka haatan uu ku jiro Dib u Dhis isagoo Midowga ku Amaaney ay il gaar ah ku eegaan caruurta aan iska bixin Karin Kharashaadka Waxbarashada

Sidoo kale waxaa halkaas ka Hadley Duniyo Maxamed Cali oo ka socotey Bulshada Rayidka waxayna sheegtey in ay aad ugu faraxsan tahay in Daladaha waxbarashada ay Midoobeen taasoo ay ku tilmaantey Guul weyn , waxayna kula Dardarantay in Midowga Daladaha Waxbarashada mar weliba iska Ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara aama abuuri kara Khilaaf waxayna Dalada uga Mahadcelsiey in Caruur Fara badan oo gaaraya Laabtan Kun siiyaan Deeqo waxbaarshada oo Lacag la’aan ah.



Carabow Ibraahim Nuur oo ah Agaasimaha Wasaaradda Adeega Guud ee Bulshada Qaybteeda Waxbarashada ayaa waxaa uu sheegey in Wasaarada ay aaad ugu Faraxsan tahay in ay ku Midoobaan Daladaha Waxbarashada Hal Muqrar taasoo uu sheegey in uu Sahalayo in Meel loogu soo hagaago Waxbarashada Dalka , sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey Midowga in Dhinac kasta ka Midoobaan ha noqoto Dhinaca Manhajka, Dharka iyo Macalimiinta , isagoo sheegey in Wasaaradda iyana ay ka soo Dhalaali doonto Doorkeeda ku aadan Sare u qaadida Tayada Waxbarashada iyo Aqoonta Macalimiinta

Gabagabadii ayaa waxaa halkaas lagu soo bandhigey Buug ka hadlaya Muqrarka Waxbarashada Midowga Daladaha Waxbarashada kaasoo lagu soo koobey sida loo wajahayo ama looga Midoobayo Manhajka iyo Sanadaha Waxbarshadu soconayaan laga soo bilaabo Dugsi Hoose ilaa Dugsi sare,waxaana loo qaybiyey Todobada Daladooda ee ku Midoobey Waxbarashada , waxaana Muqrarkaas si aad ah u soo Dhaweeyey Qaybaha kala duwan ee Bulshada kuwaas oo inta Dagaalada jireen aysan helin Muqrar lagu Mideysan yahay.



W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;