Gudoonka Baarlamaanka Oo Casho Sharaf U Sameeyey Wafdi Uu Hogaaminayo
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta
Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada
Muqdisho casho sharaf ugu sameeyey wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta
oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane
Axmed Maxamed Jarwaan, wafdigaasi oo booqasho rasmi ah ku jooga
magaalada Muqdisho. Casho sharafta oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa
waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh
Cismaan Jawaari, Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka
Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada ah
Baarlamaanka Soomaaliya, Wafdiga ka socda Baarlamaanka
Carabta,safiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan labada Gole
ee Dowladda.

Ugu horeyn Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbad ka
jeediyey Munaasabadda casho sharafta aheyd oo ka dhacday guriga
Martida ee magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn waxa uu tilmaamay iney
sharaf weyn u tahay Gudoonka iyo Baarlamaanka Soomaaliyaba iney
magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyaan wafdigan ka socda Baarlamaanka
carabta waxaana uu Xusay Mudane Jeeylaani in talaabadani ay bilow u
tahay xiriirka iyo wada shaqeynta adag ee Baarlamaanka Soomaaliya uu
la yeelanayo Baarlamaannada Caalamka. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cismaan Jawaari oo isaguna dhankiisa khudbad kooban ka jeediyey
Munaasabadda casho sharafta aheyd ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta iyo Xildhibaannada Carbeed
ee la socda socdaalka ay ku joogaan magaalada Muqdisho waxaana uu
Gudoomiyuhu xusay iney tahay tani taariikhda markii ugu horeysay oo
Wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyahooda
Baarlamaanka ay Soomaaliya amaba Muqdisho yimaadaan. “isweeydiin malahan iney Soomaaliya u baahantahay walaal maanta si
dhab ah ugu duubta oo la gala halganka iyo hayaanka aynu ku jirno ee
aynu dib ugusoo celineyno sharafta,dowladnimada iyo karaamada Umadda
Soomaaliyeed, waxeynu yeelanay wadahadallo kooban waxaana howsha aynu
ku jirno ay tahay sidii aynu wada shaqeyn adag ula yeelan laheyn
dhammaanba Baarlamaannada Caalamka” ayuu ku yiri Khudbadiisa Mudane
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane
Axmed Maxamed Jarwaan oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu
horeyn uga mahad celiyey Gudoonka Baarlamaanka, xildhibaannada iyo
shacbiga Soomaaliyeed sida weyn ee loogu soo dhaweeyey magaalada
Muqdisho waxaana uu xusay in hada ay indhahooda ku arkeen hormar
baaxad leh oo ka jira Soomaaliya kaasi oo ku yimid hormarka ay
Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay waxaana uu dhanka kale xusay
iney ka go’antahay sidii ay walaalahooda Soomaaliya u garab taagnaan
lahaayeen. Wafdigan ka socda Baarlamaanka Carabta ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha
Baarlamaanka Jaamacadda ayaa magaalada Muqdisho ku jooga booqasho
rasmi ah taasi oo ka dambeysay kadib markii ay casuumaad u fidiyeen
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka
Jaamacadda Carabta iyo Wafdigiisa ay saakay oo Sabti ah booqan doonaan
xarunta Golaha Shacabka ayaga oo Xildhibaannada Baarlamaankana la
hadli doona. ----DHAMAAD---- Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2013
|