Xildhibaanadii Mooshinka ka keeney Xukuumada Ra'iisul Wasaare Shirdoon oo laga
hor Istaagey Kulan Qaddo ah oo ay ku lahaayeen Hotel City Palace.
Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr “Is Hortaagaas waxay Dhaawaceysaa Hanaankii
Qaranka Soomaaliyeed “
Xildhibaan kale ayaa yiri "Haddii Xildhibaanada Danta Ummada Soomaaliyeed ka shaqeynayaan Maanta Qaddo ma
Cuneen."
Sabti, May 18, 2013:
Markii Saacadu ahayd 12:30 Duhurnimo ayaa waxaan u Dhaqaaqney aniga iyo Koox
Wariyayaal ah Hotelka City Palace halkaas oo ay ka dhaceysey Kulan Qaddo ah oo
ay isugu Imaanayeen Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlanaamka kuwaas oo ahaa
Xildhibaanadii Mooshinka ka keeney Xukuumadda Raiisul Wasaare Cabdi faarax
Shirdoon Saacid , hase yeeshee intii aan u sii soconey Hotelka ayaa Wadooyinka
gala Hotelka waxaan ku aragney Ciidamo fara badan kuwaas oo noo diidey in aan
gudubney , balse Muran ka dib ayaa waxaa nala ku sii daayey Aqoonsigii aan
wadaney ee Warayinimo.
Markii aan Hotelkii gaarney ayaa waxaa nagaley Dareen ah in aysan meesha u ekeyn
in uu ka dhacayo wax kulan ah waxaana yaraa Dhaqdhaqaaqa Hotelka , waxaan iska
faraiisaney meel Kuraas taaley, markii aan halkaa Muddo ku sugneyn , ayaa waxaa
noo soo galey Laba Xildhibaan oo ay ka muuqato Caro aad u weyn , markiiba waan u
yeerney waxaan weydiiney sida ay wax u jiraan , mid ka mid ah ayaa waxaa uu la
soo boodey “Dowladii aan Dooraney oo Codka Kalsoonida siiney ayaa maanta naga
joojisey Kulan aan halkaan ku lahayn”.
Markii ay Afkiisa ka soo yeerete Kulankii ayaa la joojiyey ayaan weydiiyey Ciida
ka dambeyso Joojinta Kulankooda, waxaana uu yiri “Waa la yaqaan kuwa joojiyey
waana wax aan aad uga Xumahay in sidaa ku dhaqanto Dowlad si Dumoqraadi ah loo
soo doortey waxaana Xaqiiqo ah in lagu tuntay Dastuurkii dalka oo qoraya in
Mawaadinka Soomaaliyeed uu si Xor u qabsan karo Kulamo iyo Banaanbaxyo aan wax u
dhimeyn Amaanka dalka”
Mid ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka mid ahaa Xildhibaanada ka soo
horjeedey Mooshinka, diideyna Magaciisa la sheego ayaa yiri mar aan kula kulmey
Hotelka “Waxaan ka mid ahaa Xildhibaanadii sida aad ka uga soo horjeedey in
Xildhigaan Mooshin ka dhan ah Xukumaada Raiisul Wasaaraha Saacid la keeno hadda
waxaa idiin sheegayaa in aan taageersanahay Kooxdii Mooshinka keentey waayo
Berina tan oo kale ayaa nagu dhici kara marka waxaa Habooneyd in Kulankaas aan
la joojin “
Mid kale oo mid aha Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka laga keeney Xukuumada
Saacid oo aan wax ka weydiiney sida uu u arko Is hortaaga lagu saameyey Kulankii
ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada ayaa yiri “ waxaa ogaadey in Kulnakaasi uu
ahaa mid aan jirin oo la doonayey in Sumacada Dowlada lagu Xumeeyo mida kale
hadii uu jiro Kulankaas Xildhibaanada iska dhigaya in ay u adeegayaan Danta
ummada Soomaaliyeed waxaa Dhab in Kulankaas uu ku baxaya Qadadiisa Hanti
gaareysa intaa oo kun oo Doolar waayo imisa Qoys Soomaali ah oo maanta Baahan
ayey wax u Tari lahayd Lacagtaas sida macnodarada ah loo bixinayo marka waa
Xildhibaano eegaya dontooda Qura “
Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yiri
“Dhacdaan looga hor joogsadey in ay Kulan yeesheen waxay dhaawaceysaa Hanaankii
Qaranka ku dhisnaa waana mid keeni karta in Baarlmaanka uu Waajibaadkisa uu
Gudan waayo marka intii Sameysey is hortaagaas waan in Gudoonka Baarlmaanka uu
talaabo ka qaado waayo waxaa la is hortaagey waa Shuruucdii dalka u degsanaa
marka kuwa sidaa sameeyey way talo Xumaayeen”
Xildhibaanada Mooshinka ka keeney Xukuumada Raiisul Wasaare Shirdoon ayaa waxaan
wax ka weydiiyey Sababta Xilgaan Mooshinka looga keeney Dowlad Jirtey Wax ka yar
7 Bilood waxayna qaarkood ku jawaabeeen “Amaankii oo faraha ka baxay, Ciidamada
Dowladda oo wax Mushaar ah qaadan muddo Dheer , Sida loola dhaqamey Maxaabiis ku
jirtey Xabsiyada Dowlada oo Meydadkoodii la soo dhigey Dariiqyada Muqdisho iyo
sida ay Dowladda uga jawaabtey, Dhul Boob lagu hayo Hantidii Qaranka , wax ka
qabasho la’aanta Magaalada Kismaanyo, Xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho ,soo
qabqabashada dad aan waxba galabsan, Lacagihii Dowlada soo galey halka ay
mareen iyo arrimo fara badan."
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2013
|