SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Wiil uu Dhalay Halgamaagii Daahir Xaaji Cismaan oo Muqdisho ku Qabtey Xuskii 70 Guuradii ka soo Wareegtey Aas--Aaskii SYL.

Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisha lagu qabtey Munaasbad lagu xusayey Sannad Guuradii 70 aad ee Xisbigii Gobonimada Soomaaliya ee SYL,waxaana Munaasbadaan soo qabanqaabiyey mid ka mid Wiil uu Dhalay Halgamaagii wax ka Aasey-Aasey Xisbigii SYL kaasoo ah Daahir Xaaji Cismaan Sharmaarke oo lagu Magacaabo Dr Cabdulaahi Daahir Xaaji Cismaan , waxaana ka qaybgaley Madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Xildhibaano, Qaarka mid Dadkii ay dhaleen Halgamayaashii SYL oo ay ka mid ahaayeen Cabduqaadir Dheere Xaaji Dheere , Abuukar Shiikh Cabduqaadir Shiikh Sakhaawadiin , Nin la dhashey Cismaan Geedi Raage, oo lagu Magacaabo Cabdulaahi Geedi Raage iyo Xubno kale oo joogey Xiligi Gobanimadoonka .

Dadkii Munaasbadaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Raisul Wasaarihii hore ee Dowladii TFG haatan ah Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Cali Khaliif Galeyr waxaana uu sheegey in aad ugu faraxsan yahay in Manaasbadaan ay soo qaban qaabiyaan qaar ka mid dadkii ay Dhaleen Halgamayaashii SYL oo uu sheegey in Soomaaliya u horseedaan in ay hesho Gobonimo waxaa uu sii raaciyey “Ragii Aas –Aasey SYL ee 13-ka ahaa Dhamaantood mid Dugsi Sare dhameeyey ma jirin waxayna arintaas ku bixyeen Dadaal Dheeraad marka maanta oo la heleyo Kumanaan kun oo jaamiciyiin ah waxay ahayd in ay dalka Soomaaliyeed Samatabixiyeen”

Shariif Muqtaar oo ka mid ahaa 25 kii Golaha Sare ee SYL oo isna halkaa ka Hadley ayaa si weyn ugu dheeraadey Taariikhdii SYL isagoo sheegey in ay Dhalinyaradaas ay ahaayeen kuwa isku dhaarsadey in dalkooda ka Xoreeyaan Gumeysiga , isagoo sheegey in ay markii dambe ay ka dhabeeyeen Halgankoodii Xornimadoonka ahaa , sidoo kalewaxaa uu soo qaadey Isku darkii Waqooyi iyo Koonfur wuxuuna sheegey in Xubnhii ka socdey Waqooyiga aysan wax Shuruud ah ku Xiran Midowgii Labada Gobol taasoo uu sheegey in dadka Soomaaliyeed si aad ah ugu riyaaqeen hase yeeshee Shariif Muqtaar waxaa uu qirey in markii dambe uu Khilaaf soo kala dhex galey SYL kaasoo aan sidaa u badneyn, wuxuuna u soo jeediyey Dhalinyarada maanta in ay dalkooda iyo dadkooda badbaadiyaan.

Waxaa kaloo Xafladaas ka Hadley Xidhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo si qota Dheer uga Hadley halgankii 13 –kii Leegada oo uu sheegey in Gobanimada aan maanta harsaneyno ay iyaga Sabab u ahayeen ,waxaase la yaab leh in Dalal fara badan oo aan ka hor qaadaney Xoriyada ay maanta Dhibaateynayaan Shacabkeena taasoo uu ku tilamaamey Ayaandaro aad u weyn ,wxuuna u soo jeediyey Dhalinyarada Soomaalieed in ay dalkooda ka saaraan dhibaatada 22 Jirstey

Xubnihii kale ee ka Hadley halkaa waxaa ka mid ahaa Marwo Khadiijo Gurxan oo sheegtey in 13-kii leegada ay meel iska dhigeen waxa la yiraahdo Qabiilka oo ay sheegtey in uu yahay mid maanta Soomaaliya Halkaan dhigey waxay sii raacisey” Qofkii Moodayow in Soomaaliya ay Xor tahay aniga waxaan aaminsanahy in aysan Soomaaliya Xor ahayn waayo Soomaaliya weli kama Xoroobin Qabiilka oo ah mid ummada Soomaaliyeed u Horseedey Burburka ay maanta ku jirto”

Cabduqaadir Dheere Xaaji Dheere oo uu Dhalay Halgamaagii SYL ee Dheere Xaaji Dheere ayaa waxaa uu sheegey in Xubnhii SYL ay ahaayeen Dhamaantood kuwa ay ku dheereyd wadaniyada , isagoo sheegey in Dhalinyarada maanta joogta looga baahan yahay in ay Qabyaalada meel iska dhigaan isla markaan u soo jeestaan sidii dalkood uga saari lahaayeen Dhibaatada hase yeeshe ewaxaa uu tilmaamey haddi aan la helin Dhalinyaro ka Madaxbanaan Qabiilka in Soomaaliya aysan marnaba ka ka bixi doonin Dhibaatada ay ku jirto.

Sidoo kale waxaa Munaasabadaas ka Hadley Madaxweynihii hore ee Gal-Mudug Maxamed Axmed Caalim oo ugu horeyntii u Mahadceliyey intii isku soo Dubaridey Munaasabada Sannad Guurada 70 aad ee Xisbigii SYL oo uu ugu horeeyo Dr Cabdulaahi Daahir Xaaji Cismaan , waxaa kale uu sheegey in Shacabka looga baahan yahay in ay ku deysadaan Dhalinyaradii SYL oo uu sheegey in ay meel kaga soo jeesteen Qabyaaladda taasoo uu ku tilmaamey in ay tahay mida maanta halkaas na dhigtey sdioo kale waxa ka hadkley Gudoomiyaha Guddiga Difaaca baarlamaanka Federaalka Xuseen Carab Ciise oo sheegey in loo baahan yahay in Odayaasha meesha u Baneeyaan Dhalinyarada .

Ugu dambeyntii waxa halkaas ka hadley Dr Cabdulaahi Daahir Xaaji Cismaan Sharmaarke ayaa ugu horeyntii waxaa uu Baaq u direy Shacabka Soomaaliyeed kaasoo ku aadan sidii ay u Aas-Aasi lahaayeen Xisbi la mid ah kii SYL si uu u samatabixiyo Ummadda Soomaalliyeed , sidoo kale waxaa uu Baaq u direy Dowladda Federaalka kaasoo ah in Caruurta Soomaaliyeed Dugsiyada lagu maro Taariikhda Dalkooda iyo wax la yiraahdo Wadaniyada , sidoo kale waxaa uu soo jeediyey in loo baahan yahay in Dhalinyarada Soomaaliyeed loo Abuuro Shaqooyin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;