13-kii SYL Maxay ku Heshiiyeen?
Marka la gaaro 15-May Sanad walba waxay ku beegan tahay markii dhidibada loo
taagay ama la Aas-aasay Ururkii Gobanimadoonka ee SYL oo ay fikirkiisa lahaayeen
dhalinyaro ka Dhiidhidey dhibaatooyinka iyo Hagardaamada Gumaysigu ku hayey
Shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa shantii qaybood ee gumaystayaashii reer
yurub u qaybiyeen Dhulka Soomaaliya oo aad uga yara Dhulalka kale ee Wadamada
Afrika.
Dhalinyaradaasi waxay Ururka ku bilaabeen isagoo Huwan Magaca SYC Somali Youth
club 1943, 4 Sano ka dib Ururkii waxa uu u Xuub siibtay Urur Siyaasadeed oo
raadiya Qadiyadda Ummadda Soomaaliyeed markii uu ku baahay meel walba oo ay
Soomaali wayn ku noolayd waxaana magacii isu bedeley kan ilaa iyo manta loo
yaqaan ee SYL. Somali Youth league. oo 1960-kii Xornimo gaarsiiyey 2 Gobol oo ka
mid ah Dhul waynaha Soomaaliya. waxayna Dhalintii Aas-aastay Magacyadoodau kala
ahaayeen:-
1- Max’ed Cali Nuur ku dhashay Muqdisho-Banaadir 1927. 16-jir. 2- Dheere Xaaji Dheere ku dhashay Muqdisho-Banaadir 1926. 17-jir. 3- Huudoow Macalin Cabdulaahi ku dhashay Mareray- Sh/Hose 1926. 17-jir. 4- Max’ed Faarax Hilowle. ku dhashay Mareeg-Galgaduud. 1925. 18-jir. 5- Daahir Xaaji Cismaan Dhegawayne. ku dhashay Hobyo-Mudug 1925. 18-jir. 6- Cismaan Geedi Raage. ku dhashay Muqdisho-Banaadir 1925. 18-jir. 7- Cali Xasan Maslax barduuro. ku dhashay Hobyo-mudug 1927. 24jir 8- CabdiQaadir Shiikh Sakhaawadiin. ku dhashay Tayegloow-Bakool 1919. 24-jir 9- Max’ed Cabdulaahi Xayeysi. ku dhashay Muqdisho-Banaadir 1918. 25-jir. 10- Yaasiin Cismaan Sharmake. ku dhashay Hobyo-Mudug 1917. 26-jir. 11- Xaaji Max’ed Xuseen Max’ed. ku dhashay Muqdisho-Banadir 1917. 26-jir. 12- Max’ed Xirsi Nuur siidii. ku dhashay MareegGalgaduud 1915. 28-jir. 13- Max’ed Cisman Baarbe. ku dhashay Bardhere-Gedo 1910. 33-jir.
Dad badan ayaa is-waydiiya sidii ay dhalintaasi halganka ku bilaabeen , sida
tariikhdu qorayso Halganka ay ka danbeeyeen dhalintii SYL ayaa waxa uu yimid
markii Qaaradaha Aasiya, Afrika. Koofurta iyo Waqooyiga Ameerika ay ka bilowdeen
dhaqdhaqaaqyo Gobanimadoon ah, markii Dowladii Midowga Soofiyeeti ay ku
sandulaysay Wadamadii reer Galbeedka oo iyagu gumaysanayey wadamadii intooda
badani ku yiiley Dunida Sedaxaad ee Afrika , Aasiya, Waqooyiga iyo Koofurta
Ameerika iney joojiyaan Gumaysiga si ay wadamada Yurub oo ay la socoto Dowlada
Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti meel uga soo wada jeestaan dagaalkii lagula
jirey Wadamadii Jarmalka ,Talyaaniga iyo Jabaan. Waxa kale oo lays waydiiyaa waxyaabihii ay sida tooska ah ugu heshiiyeen
dhalinyaradii aas-aastay SYL waxayna dhalinyaradaasi oo hormuud u noqday
soomaali wayn ay ku heshiiyeen qodobada kala ah.
1- In la laalo Tacasubka, Qaraabaysiga iyo Qabiilka. 2- in meel layska dhigo Dariiqooyinka lagu kala aragti duwan yahay. 3- in lala Dirio wax alaale iyo wixii dadka kala fogaynaya oo tafaraaruq
keenaya. 4- in la Raadiyo xuquuqda soomaalida meel kasta oo ay joogto. 5- in laysu keeno Shanta Soomaliyeed. 6- in meel looga soo wada jeesto Isticmaarka lalana Dagaalamo. 7- Iyo in laga Shaqeeyo sidii Gobanimoiyo Xornimo lagu gaari lahaa. Marka laga yimaado horumarka iyo wanaaga ay ku talabsadeen SYL iyo
tageerayasheedii ku kala noolaa shantii gobol ee loo qaybiyey soomaaliya dhinaca
kale waxaa la kala dhex dhigay bushi aanay ka bogsan, kaasoo aakhirkii
geyeysiiyey iney qaybsamaan.
Khilaafka Leegada waxa uu yimid markii Wakiilkii Talyaaniga ee Soomaaliaya uu
arkay in laga adkaaday Tabcanayaashiisii, waxa uu heshiis hoosaad la galay
ururkii SYL, wuxuuna kula heshiiyey in la baabi’iyo Buugii caddaa Iyo kii
Madoobaa ee ay leegadu samaysatay si laysugu abaal mariyo marka ugu horaysa ee
Xornimo la gaaro ( buuga cad waxaa lagu qori jirey halgamayaasha dhabta ah,
Buugga madowna waxaa lagu qori jirey taageerayaasha gumaysiga ) . waxayna tasi
keentay iney tageerayashii Talyanigiu si wayn uga dhex muuqdaan Xukuumaddii ugu
horaysay e lagaga dhawaaqo Koofurta Soomaaliya, waxaana taas xigtay iney
arintasi sii kala qaybiso Madaxdii iyo Taageerayashii SYL oo xitaa Gudomiyihii
xiligaasi Xaaji Max’ed Xuseen oo ka mid ahaa 13-kii aas-aasay ururka laga saaro
markii uu aqoonsan wayey xukuumaddii la dhisay oo ay ka buuxeen rag badan oo
Gumaysi kalkaal ahaa. Wuxuuna Xaajigu markii laga saaray SYL uu durba ku
dhawaqay inuu yahay Hogaamiyaha Urur kale taasoo arinta sii murjisey, lakiin
hadana waxay dhalinraydaasi ku guulaysteen iney Xornimo gaarsiiyan laba Gobol oo
ka mid ah Shantii gobo lee Soomaaliya loo qaybiyey 1960-kii
Soomali badan ayaa rumaysan in xus loo sameeyaahi aanu waxba soo kordhinayn
hadaan meel laga qaadin sababtii ku xanbaartay iney dhalinyardaasi u istaagaan
xoraynta shacabkii soomaliyeed ee dulmanaa, waana mid tusaale fiican maanta u ah
dhalinta soomalieed ee ka aqoonta waaya-aragnimada badan dhalintii SYL ee ka
mira dhaliyey ujeedooyinkii ay halganka u bil-laabeen.
W/D Wariye Qoraa Cabdinaasir Xirsi Iidle
E-Mail naasirx@hotmail.com
Tel 00252615503978
Muqdisho
Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2013
|