Puntland oo ka digtay koox Xildhibaano ah oo wadda mooshin ka soo horjeeda
Rai’sul Wasaaraha Dawladda Federaalka
Warsaxaafadeed
ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa tibaaxay in ay jiraan "koox Xildhibaano ah
oo wadda mooshin ka soo horjeeda Rai’sul Wasaaraha (Dawladda) Federaalka",
islamarkaasna waxaa Puntland ka digaysaa "soo cusboonaysiinta isqabqabsiga
siyaasadeed ee Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya."
Waxaana warsaxaafadeedku intaas raaciyey"Dowladda Puntland ayaa aaminsan in
dano gaar ahaaneed oo ku wajahan helida xafiis siyaaseed ay ka dambayso
tallaabadan..." Hoos ka akhri warsaxaafadeedka oo dhamaystiran:

WAR SAXAAFADEED
12 May 2013 Dowladda Puntland ayaa si weyn uga digaysa soo cusboonaysiinta
isqabqabsiga siyaasadeed ee Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,
waxaana jira koox Xildhibaano ah oo wadda mooshin ka soo horjeeda Rai’sul
Wasaaraha Federaalka oo xilliga uu magacaaban yahay dhan yahay muddo
7-bilood ah, Dr. Cabdi Farax Shirdon (Saacid). Iskudaygaan ayaa dhuminaya wakhti, dhaqaale, iyo dadaalkii wadajirka ahaa
ee Soomaalida iyo Beesha Caalamka ay geliyeen in la dhiso Hey’daha cusub
ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xilligii Dowladdii Federaalka ee KMG ahayd waxaa hareereeyey isqabqabsi
siyaasadeed oo curyaamiyey awoodii Dowladdu ay ku fulin lahayd
waajibaadkeedii, ayna u gaarsiin lahayd adeegga bulshada muwaadiniinta
Soomaaliyeed. Dowladda Puntland ayaa aaminsan in dano gaar ahaaneed oo ku wajahan
helida xafiis siyaaseed ay ka dambayso tallaabadan, waxayna Puntland ugu
baaqaysaa Hey’adaha Federaalka Soomaaliya inay ku mashquulaan
hirgelinta howlaha Qaran, sida maaraynta caqabadaha dhaqaale oo dalka
gudahiisa ka jira, xal u helida faragelintii lagu sameeyey Dastuurka
Federaalka, ka shaqaynta amniga, iyo taageeridda dhisida Maamullada
Federaaliga ah ee dhiman. --- DHAMAAD ---
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2013
|