SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Golaha Wasiirada: Soomaaliya Waxaa ku sugan 924 Shaqaale Ajanabi ah oo Sharci darro ah, kuna dhex milmay Shaqaalaha AU iyo AMISOM

Warsaxaafadeed Khamiistii kasoo baxay golaha wasiirada DFS ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya ay si sharci darro ah ugu sugan yihiin shaqaale ajanabi ah oo gaaraya 924, kuwaas oo si sharci darro ah ku jooga ugana hawlgala gudaha Soomaaliya, ayagoo ku dhax milmay AU iyo AMISOM.

Waraxaafadeedku waxa uu xusay "Goluhu waxaa uu ka dooday Shaqaalaha ajanabiga ah oo wadanka ku sugan, kuwaas oo si sharci daro ah dalka ugu shaqeeya, iyagoona ku dhex milmay shaqaalaha AU/AMISOM. Shaqaalahaas waxaa ay gaarayaan 924 mana haystaan wax sharciyad ah, hadii ay ahaan lahayd mid ganacsi oo ay bixisay Wasaaradda Ganacsiga iyo iy mid shaqaalanimo oo ay bixisay wasaarada Arimha gudaha laanteeda soocdaalka.".

Hoos ka akhri warsaxaafaeedka oo dhamaystiran:

War saxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada oo ka dooday shaqaala ajinabigaa ee sida sharcidarada ah dalka uga shaqaysata

Muqdisho, May 9, 2013---- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana looga hadlay mirihii ka soo baxay shrikii London, Hay’ada Maareynta Masiibooyinka, Shaqalaha Ajanabiga ah ee dalka uga shaqeeya sharci darada, iyo qaxootiga ku sugan dalka Yeman.

Ugu horayntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ka war bixiyey shirkii London ka dhacay, wuxuuna sheegay in shirkaas ay ka soo baxeen guulo waaweyn, hogaankiisana ay iska lahayd dawladda Soomaaliya.

“Shirka London waxaa uu ahaa mid taariikhi ah, dawladda Soomaaliya ayaa diyaarisay qodobada looga hadlayey soona bandhigtay sida ay u kala mudan yihiin baahideedu. Waxaa nasiib wanaag ahayd in Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo hada ah gudoomiyaha wadamadda laysku yiraahdo G8 uu la shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in natiijadii ka soo baxday Shirka London dib loogu soo celinayo golaha Xukuumadda.

Sidoo kale Goluhu waxaa uu ka dooday Shaqaalaha ajanabiga ah oo wadanka ku sugan, kuwaas oo si sharci daro ah dalka ugu shaqeeya, iyagoona ku dhex milmay shaqaalaha AU/AMISOM. Shaqaalahaas waxaa ay gaarayaan 924 mana haystaan wax sharciyad ah, hadii ay ahaan lahayd mid ganacsi oo ay bixisay Wasaaradda Ganacsiga iyo iy mid shaqaalanimo oo ay bixisay wasaarada Arimha gudaha laanteeda soocdaalka. Sidaas daraadeed goluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo gudi afar wasiir ah si ay u soo baaraan una soo gudbiyaan warbixin ku saabsan sidii dadkaas laga yeeli lahaa sharci darada uga shaqeeya dalka.

Sidoo kale goluhu wuxuu dood dheer ka yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yeman, kuwaas oo isugu jira qaxooti ka diwaan gashan hay’ada UNHCR, iyo dad ku dhibaataysan dalka gudihiisa, goluhu wuxuu isku raacay in la magacaabo gudi ka kooban afar wasiir iyo xeeldheerayaal aqoona u leh dalka Yeman oo ka soo tala bixiya sidii dadkaas qaxootinimada aan ku joogin dalka Yeman dalka dib loogu soo celin lahaa iyo in la furo santuuq sadaqo ah oo ay dawladdu lacagta ugu horaysa ku shubayso dadka Soomaalyeedna ay ka qayb qaadan karaan si dadka raba inay dalkooda ku soo noqdaan loogu caawiyo.

Ugu danbayntii, goluhu wuxuu warbixin ku saabsan war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii looga hadlayey cadaalada ee la qabtay bishii Maarso, ka dhagaystay wasiirka Caddaaladda, waxaana goluhu iska raacay in la dhaqan galiyo 19 qodob ee ka soo baxay shirkaas.

DHAMAAD


Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Moqdishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;