SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xarunta Macluumaadka ka Hor-tagga Burcad Badeedda Soomaaliyeed (SAPIC) oo laga Furey Magaalada Muqdisho

Xarunta macluumaadka ka hor-tagga burcad badeedda Soomaaliyeed ayaa maanta kulan lagu soo bandhigay daraasad ay sameysay xaruntu oo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada, culimo Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan Baaralamaanka Federaalka, wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo wakiilo caalami ah ku qabatay hoteelka Jaziira Palace ee magaalada Muqdisho.



Guddoomiyaha xarunta SAPIC C/llaahi Xirsi oo kulanka furay ayaa sheegay in dhibaatada dhaqan-dhaqaale ee ay burcad badeeddu ku hayaan dalka ay u baahan tahay in looga hortago laguna suuliyo dadaal wadareed oo ka yimaada bulshada Soomaaliyeed, ayadoo la dhageysanayo isla markaana lala shaqeynayo dadka deegaanka. Taas oo horseedi doonto in burcadda badda hubka laga dhigo lana siiyo xuquuqdooda.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada ugu caansan waddanka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in falalka burcad-badeeddu uu yahay mid xaaraam ah marka loo fiiriyo diinta Islaamka, maadaama lagu geysanayo afduub dad, dil, dhac hanti dadeed iyo sharaftii Soomaaliyeed oo ay dhaawaceen.Wuxuu sidoo kale sheegay in burcad-badeedda xukunkoodu uu la mid yahay burcadda berriga, isagoo bulshada ugu baaqay inay ka waaniyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ficilladaasi.

Wasiirkii hore ee Gaashaan-dhigga ahna mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in burcad-badeedda sida looga hortagi karo ay sal u tahay in la dhiso ciidamado Soomaaliyeed oo Badda ilaaliya loona helo dhaqaale, taas oo ka waxtar badanaan doonta howl galka ay lacagta badani ku baxdo ee ay ciidamada caalamiga ahi fuliyaan. Sidoo kale wuxuu ka qeyb-galayaasha kulanka uga jawaabay su’aalo ku saabsan qaabka ay dowladdu ama bulshadu uga shaqeyn karto in la helo in biyaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo aan lagu arag burcad-badeed Soomaali ah.

Mudane Xasan Abshir Faarax oo horay R/wasaare uga soo noqday dalka ayaa isaguna ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la helo bulsho abaabulan iyo dowlad shaqeysa si loo gaaro hadafka ah in la dhameeyo burcad badeednimada isagoo bogaadiyay dadaalada ay wadaan hay’adaha maxaliga ah oo kaashanaya dowladda iyo caalamkaba.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/shakuur Cali Mire oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay shaqada ay heyso xarunta SAPIC isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay wax xun u arkaan u arkaan burcadbadeedda si la mid ah sunta lagu shubayo badda Soomaaliya, wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in wacyi galinta la gaarsiiyo gobollada dalka gaar ahaan kuwa saldhigyada ay ku leeyihiin burcad badeeddu, taas oo ay dowladdu gacan ka geysan doonto ayadoo isticmaaleysa warbaahinta dowladda.

“Waxaa muhiim ah sidii dadka deegaanka ay falalku ka dhacaan fariinta loo gaarsiin lahaa, taasna dowladdu gacan ayay ka geysanaysaa ayadoo isticmaaleysa Radio Muqdisho oo la geynayo gobollada iyo SNTV” ayuu yiri wasiir ku xigeenku.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;