Shirweyne lagaga hadlayey dacwada gobolka Mudug oo lagu soo gabagabeeyey
magaalada Xarfo
Waxaa maalintii jimcaha ee 3/5/2013 lagu soo gabagabeeyey magaalada Xarfo
shirweyne muddo labo beri ah uga socday culumada iyo ducaadda gobolka Mudug oo
ay soo qabanqaabisay Mu’assasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta. Shirkaan
oo ay ka soo qaybgaleen ilaa 24 daaci oo ka kala socday magaalooyinka gobolka
waxaa looga gollahaa in ducaadda gobolku yeeshaan iskaashi dacwadeed oo buuxa,
lana xoojiyo xiriirka walaanimo ee bulshada gobolka, isla markaasna la dajiyo
qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo dacwada gobolka.
Shirweynaha oo uu shirguddoominayey guddoomiyaha mu’assasada Al-manhaaj Sh.
Maxmaed Maxamuud Ciise intii uu socdey waxaa la soo bandhigay diraasado iyo
warbixino faahfaahsan oo ku saabsan dacwada gobolka, waxbarashadiisa,
dhaqaalihiisa, nabadgalyadiisa iyo xiriirka u dhexeeya dadweynaha gobolka. Waxaa
kale oo si qotodheer looga dooday sidii xal loogu heli lahaa mashaakilka kala
duwan ee gobolka ka jira gaar ahaan colaadaha qabiilka, isqafaalashada,
mashaakilka burcad-badeeda iyo daroogada.
Arrimaha sida gaarka ah diiradda loo saaray waxaa ka mid ahaa xoojinta xiriirka
walaalnimo ee ka dhexeeya dadweynaha gobolka iyo in la wanaajiyo xiriirka ay la
leeyihiin dadweynaha Soomaaliyeed. Waxaa culumadu isla meeldhigeen in colaadaha
iyo kala qoqobnaanta bulshadu ay caqabad ku tahay dacwada, waxbarashada,
horumarka iyo kalsoonida bulshadu isku qabto; sidaa darteedna loo baahanyahay in
lagu dadaalo wax kasta oo xoojinaya walaalnimada iyo wadajirka, lagana hortago
wax kasta oo dhaawacaya walaalnimada iyo isku kalsoonida.
Dhinaca dacwadana waxaa la soo saaray go’aamada soo socda:
1. In xilliga xagaaga la qaado olole dacwadeed oo ballaaran, magaalooyinkana
lagu qabto nadwooyin iyo dawrooyin cilmi ah.
2. In wufuud culumo ah loo diro deegaanada gobolka; si ay u dardargaliyaan
dacwada iyo waxbarashada diimeed.
3. In Mu’assada Al-minhaaj wafdi udirto magaalooyinka Jirriiban iyo Ballibusle,
iyo deeganada raacsan.
4. In shirarka dacwada marba magaalo hor leh lagu qabto; si loo xoojiyo
isbarashada iyo xiriirka ducaadda iyo dadweynaha gobolka.
5. Si loo xakameeyo saamaynta qabyaaladda iyo kala qoqobnaantu ku leedahay
bulshada gobolka waxaa la go’aansaday in mu’assasadaha waxbarashada iyo xarumaha
dacwada la mataaneeyo, ayna yeeshaan xiriir dhow, isla markaasna ay is booqdaan
ducaadda iyo ardayda magaalooyinka kala duwan, ayna xoojiyaan iskaashigooda.
6. In la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqaynta culumada iyo ducaadda labada qaybood
ee gobolka Mudug, ayna iska kaashadaan heshiisiinta iyo walaalaynta beelaha
gobolka.
7. In laga shaqeeyo sidii bulshadu uga wada shaqayn lahayd faafinta diinteeda
iyo danta guud ee ummadda, isla markaasna ay arrintaas isaga kaashan lahaayeen
culumada, maamulada, isimada iyo ganacsatada.
Xubnaha shirweynahaan ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa: guddoomiyaha
Mu’assasada Al-minhaaj, guddoomiyeyaasha faracyada Bari iyo Mudug ee
mu’assasada, madaxda mu’assasada ee degmooyinka iyo qaar ka mid ah aasaasayaasha
mu’assasada. Waxaa kale oo ka soo qaybgalay maamulka jaamacadda Bariga Afrika
iyo faracyadeeda gobolka Mudug, madaxda Raabidada Macaahida, qaar ka mid ah
maamulayaasha macaahida gobolka iyo culumo kale.
Intii shirku socdey waxaa wufuuda kalimado ugu jeediyey khadka telefoonka
Amiirka Jamaacada Al-ictisaam Sh. Bashiir Axmed Salaad iyo Sh. Yuusf Aadan
Maxamed oo ka mid ah guddiga joogtada ah ee golaha shuurada.
Gabagabadii shirka waxaa culumadu soo saareen bayaan ka kooban 11 qodob oo ay
kula hadlayeen ducaadda, isimada, maamulada, beelaha degan gobolka Mudug iyo
qaybaha kale ee bulshada.
Bayaankii culumaduna waa kan:
بسم الله الرحمن الرحيم
Annaga oo ah culumada iyo ducaadda magacyadoodu hoos ku xusanyihiin waxaan usoo
jeedinaynaa ducaadda, isimada, maamulada iyo dhamaan qaybaha bulshada baaqan soo
socda:
1) Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Somaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan inta ku nool
gobolka Mudug inay Ilaahay ka dhowrsadaan, diintiisana qabsadaan kuna midoobaan,
mashaakilaadkoodana ku xallistaan, maxaa yeelay dhibaatooyinka ina heysta waxaan
ku xallin karnaa oo kaliya inaan xagga Alle u cararno.
2) Waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo daadinta dhiigga xurmada leh ee dadka
muslimiinta ah, kaasoo keeni kara dabargo’ baahsan iyo ciqaab Alle oo aan laga
soo waaqsan Karin.
3) Waxaan ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan gobolka
Mudug ee isugu jira maamul, waxgarad, odayo dhaqameed, aqoonyahan, haween iyo
dhallinyaro inay u guntadaan sidii loosoo afjari lahaa wax walba oo wax
yeelleynaya midnimada iyo walaalnimada dadka gobolka wada deggan ee ay ka
dhexeeyaan islaamnimada iyo ehelnimada labadaba.
4) Waxaan si adag usoo jeedineynaa in la joojiyo falalka burcadnimada ee
qafaalashada iyo afduubka oo waayahan ka dhacay meelo ka mid ah gobolka annagoo
xasuusineyna dadka dambiyadaa ka dambeeya cirib xumida dulmigu iyo halaagga
Ilaahay ugu gooddiyay daalimiinta.
5) Waxaan ugu baaqeynaa shacabka ku dhaqan gobolka Mudug gaar ahaan culimada
inay gutaan waajibka Ilaahay ka saaray faafinta diinta, gaar ahaanna u
weelqaadaan faafinta dacwada iyo barista ummadda diinteenna xaniifka ah gaar
ahaan deegaannada ka fog laamiga iyo deegaannada ku teedsan xuduudda dalka.
6) Waxaan ugu baaqeynaa dadweynaha gobolka Mudug inay ka waantoobaan kala
qoqobnaanta qabyaaladeed iyo isku cunsuriyeynta abuurka Alle, maxaa yeelay ma
jiro qof doortay cidda uu yahay ee Ilaahay ayaa u dooray, annagoo dadka gobolka
ogeysiineyna wanaag ay midnimo ku gaari waayeen inaysan tafaraaruq ku gaareyn.
7) Waxaan ugu baaqeynaa samajecelka gobolka ee rag iyo haweenba leh inay ka
hortagaan munkaraadka ay diinteennu reebtay sida mukhaadaraadka kala duwan,
burcadbadeednimada, aflaamta xunxun ee dhaawacaya anshaxa wanaagsan ee dadkeenna
ay islaamnimada kasoo gaareen, arrimahaas oo dhammaantood horseedi kara caro
Alle iyo ciqaabkiisa oo soo dega.
8) Waxaan ugu baaqeynaa shacabka inay usoo jeedsadaan barashada diinta Islaamka
iyo ku dhaqankeeda taasoo ay ku jirto sharaftooda, badbaadadooda adduun iyo
aakhiro iyo inay ku xirmaan culimada diinta xambaarsan ee lagu yaqaan cilmi,
camal iyo xalaal-quudashada.
9) Dhallinyaradu waa laf dhabarta bulshada, awooddeeda wax bedesha iyo
mustaqbalkeeda berrito, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa inay waqtigooda uga
faa’iideystaan wax anafacaya adduunkooda iyo aakhiradooda kana digtoonaadaan ka
qeybqaadashada qandaraasyada bulshada lagu hagardaameynayo ee ay wadaan cadowga
diinta iyo bulshadeenna muslimka ah.
10) Waxaan ugu baaqeynaa isimmada, nabaddoonnada iyo horjoogayaasha beelaha
Soomaaliyeed inay Ilaahay ka cabsadaan beelaha ay u taliyaanna ay ku maamulaan
shareecada Islaamka ee Ilaahay inoo jideeyay inaan isku maamulno kuna kala baxno
markii khilaaf yimaado.
11) Waxaan ugu baaqeynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed maamul iyo shacabba
inay Ilaahay u towbad keenaan, is cafiyaan isuna tanaasulaan, ayna isku
maamulaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. ee Ilaahay u doortay inay ka
dhigtaan dastuurkooda nololeed.
Ilaahay ha na waafajiyo sida uu jecel yahay, raalligana ka yahay
Saxiixayaasha bayaanka
- 1) Sh. Maxamed Maxamuud Ciise
- 2) Sh. Maxamed Macallin Axmed
- 3) Sh. Mahad C/laahi Maxamed
- 4) Sh. C/Qaadir Khaliif Diiriye
- 5) Sh. Faarax Maxamed Cajab
- 6) Sh. Axmed Faarax Garaase
- 7) Sh. Maxamed Cabdi Cartan
- 8) Sh. Aadan Maxamed Cigaal
- 9) Sh. Muuse Yuusuf Xaaji
- 10) Sh. C/Qani Qorane Maxamed
- 11) Sh. Bashiir Warsame Maxamed
- 12) Sh. Cilmi Yuusuf Axmed
- 13) Sh. Burhaan Maxamed C/laahi
- 14) Sh. C/Qaadir Cumar Maxamed
- 15) Sh. C/Fattaax C/Laahi Daahir
- 16) Sh. Aadam Maxamed Faarax
- 17) Sh. Axmed C/Samad Cabdulle
- 18) Sh. Bilaal Caad Maxamed
- 19) Sh. C/Wali Nuux Muuse
- 20) M. C/Rashiid Sh. Maxamuud M. Axmed
- 21) Sh. Axmed Maxamed Guuleed
- 22) Sh. C/Razaaq diiriye Maxamuud
- 23) C/Salaam Aadam Siyaad
- 24) C/Qaadir Axmed Maxamed
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2013
|