Isbitaal Casri ah oo loogu Magacaabo Al-Birri oo laga Furey Duleedka
Magaalada Muqdisho.
Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimey islmarkaana lagu furayey Isbitaal
Casri oo lagu Magacaabo Isbitaalka Guud ee Al-Birri oo ku yaala Duleedka
Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Agagaarka KM 13 ayaa waxaa Furitaankaasi ka
Qaybgaley Madaxda Isbitaaladda Gaarka loo leeyahay iyo kuwa Guud, Culimaudiin ,
Nabadoono, Dhaqaatiir , Dibolomaasiyiin, Madaxda Jaamacadaha lagu barto
Caafimaadka iyo Madax ka socotey Xarunta Ahlu Xadiis iyo Jamiciyadda Al-Birri ee
fadhigeedu yahay Dalka Imaardka Carabta iyo Marti Sharaf kale
![](birri2.jpg)
Ugu Horeyn Waxaa halkaa ka Hadley Agaasimaha Isbitaalka Al-Birri Dr Fahiim Aadan
Liibaan oo sheegey in Isbitaalka maanta la furey uu yahay kii Sadexaad oo ay ka
Furaan dalka , isagoo sheegey in Mid uu ka furan yahay Magaalada Muqdisho ,
Midka kalena uu ka furan yahay Magaalada Cadaado, waxaa kale uu sheegey
Agaasimaha in Isbitaalka uu yahay mid ka duwan Isbitaalada kale ee dalka ka jira
waayo waxaa uu sheegey in Adeegiisu yahay mid aad u Raqiis ah
“ Bishaan May Adeega Isbitaalka uu bixinayo wuxuu noqonayaa mid lacag la’aan ah,
waxaa jira isbitaalo ku yaal Magaalada Muqdisho oo Howsha ay Shacabka u hayaan
uu yahay mid lacag la’aan ah anaga oo taas ka duuleyna adeega aan bixinaynaahi
Bishaan wixii ka Dambeeyo wuxuu noqonayaa mid aan dadka wax ugu qabano
Boqolkiiba Konton” ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Al-Birri.
![](birri4.jpg)
Waxaa sidoo kale Kelmad halkaa ka soo jeediyey Shiikh Khaliif Xaaji Xuseen oo ah
Gudoomiye ku Xigeenka Hayadii Fulisey Dhismaha Isbitaalkaas ee Ahllu Xadiis
wuxuuna ugu horeyntii u Mahadceliyey intii ka Qayb qaadatey hirgelinta
Isbitaalkaas oo socdey muddo Laba Sanno ah , isagoo u soo jeediyey Howlwadeenada
Isbitaalka in ay Howshooda ku saleeyaan mid daacad ah taasoo uu sheegey in lagu
liibaanayo Adduun iyo Aakhiro.
Xubnihii kale ee Munaasbadda ka Hadley waxaa ka mid ahaa Masuuliyiin ka socotey
Jaamacadaha Al-Jasiira , Jamhuuriya ,Soomaaliya , Isbitaalka Banaadir iyo Qaar
ka mid ah Odoyaasha Deegaanka oo dhamaantood u Mahadcelyey intii isku Howshey
Taaba gelinta Isbitaalka oo ay sheegeen in Furitaankiisa uu ku soo beegmey Xlli
ay Bulshadda Soomaalliyeed ay Baahi weyn u qabaan,
Wxaa kaloo halkaas ka Hadley Safiir ku Xiigeenkii Hore ee Soomaaliya u fadhiyey
dalka Bakiistaan Axmed Cabdiraxmaan oo ku Dhiirageliyey Dhaqaatiirta
Soomaaliyeed ee ka Howgalaya isbitaalka in ay u Naxriistaan Bulshadooda Maadaama
qaarkood ay wax ku barteen Canshuurtii Ummadooda laga qaadey , sidoo kale waxaa
ka hadlay Aqoonyahan Axmed Abtidoon wuxuuna sheegey in isbitaalkaan uu ka duwan
yahay isbitaaladda kale ee Muqdisho ku yaal kuwaas oo uu sheegey in ay aan
markii hore loo sameeyn Hanaan Deegaan waayo waxay dhamaantood yihiin kuwa hal
meel ku yaal taasoo uu sheegey in ay ku dhibtoodeen Shacabka Soomaaliyeed
wuxuuna ugu Dambeyntii ku amaaney Isbitaalkaan sida looga soo Fogeeyey
Magaaladda Muqdisho
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2013
|