Muqdisha oo Laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Madaxbanaanida Saxaafadda.
Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay laguna xusayay Maalinta
Madaxbanaadida Saxaafadda Caalamiga ee 3-da May ayaa ka dhacday Hotelka Jazeera
ee Magaalada Muqdisho. Munaasibaddan oo ay iska Kaashadeen Ururka Saxafiyiinta
Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo ARTICLE-19 waxaana ka soo qayb galyn
Siyaasiin, Guddiga Baarlamaanka u Qaabilsan Warfaafinta iyo Qaybaha Warbaahinta
ka hawl gasha Magaalada Muqdisho.
Furitaankii Munaasibadda ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somaliyeed Nusoj Maxamed Ibraahim Bakistan oo
Hambalyo u diray dhamaan Saxafiyiinta Caalamka ku kala sugan isagoona u rajeeyay
in Xuskaan Xuskiisa ay ku gaaraan Nabad iyo iyo Horumar.
Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa ka hadlay Taciyadda loo gaysto Saxafiyiinta
Soomaaliyeed isagoona Sanadkii la soo dhaafay ku tilmaamay inuu ahaa Sanadkii
ugu waxyeeleynta badneyd ee Saxafiyiinta ka hawl gasha Gudaha Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Nusoj ayaa soo qaatay Saxafiyiinta qaarkood oo aan ilaalin
Anshaxa Saxaafadda kuwaasoo uu sheegay in ay qoraan wax walba isagoona uga digay
Saxafiyiintu in ay Qoraan ama sheegaan warar aan xaqiiqa ahay,
Patrick Mutahi oo ka socda Difaacayaasha Xuquuqda Saxafiyiinta Article 19 oo
isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu maanta si weyn ugu faraxsan yahay
Munaasiabadda inuu kala qayb galo Saxafiyiinta Soomaaliyeed isagoo ku sugan
Magaalada Muqdisho.Mr Mutahi ayaa dhankiisa ka hadlay Dhibaatooyinka soo gaara
Suxufiyiinta Soomaaliyed isagoona Xusay Sanadkan oo keliya in ay Geeryoodeen
illaa afar Saxafi kuwaas oo hawlahooda gudanayay.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Maareeyihii hore ee Tiyaatarkii Qaranka
Xildhibaan Cabdi Xaashi oo iminka ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta
Barlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay Nidaamka
Saxafinimada iyo Asluubta wanaagsan ee looga baahan yahay Saxafiga Soomaaliyeed
isagoona ku taliyay in shaqada iyo Waddaninimada la isku lifaaqo.
Ugu dambayntii ayaa isaguna waxaa halkaa ka hadlay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda
Warfaafinta Boostada iyo Is gaarsiinka Cabdishakuur Cali Mire oo ka hadlay
Xiriirka Wasaaradda iyo Wariyayaasha Madaxbanaan isagoon hoosta ka xarriiqay
inuu soo dhaweynayo sidii wada shaqayn dhab ah ay u wada yeelan lahaayeen
Wasaaradda iyo Warbaahinta Madaxabanaan.
Wasiir ku xigeenka ayaa soo jeediyay Dhaliilaha uu Saxaafadda Soomaalida u hayo
isagoo dhankoodana qaatay Dhaliilaha ay Warbaahinta Madaxabanaan u hayso.
Gabagabadii Xafladda ayaa isaguna waxaa ka hadlay Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo
ka tirsan Guddiga Xuquul Insaanka Baarlamaanka. Xildhibaan Xoosh ayaa Xusay in
dadaal badan ay u galayaan sidii ay u soo celin lahaayeen Xuquuqda Saxafiyiinta
Soomaaliyeed ka maqan isagoo dhankooda Saxafiyiinta Soomaalida ka codsaday in ay
fuliyaan Waajibaadka looga baahan yahay.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2013
|