SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Muqdisho iyo Xayiraad Danyartii u Dhameysey !!

Muqdisho oo aan dhihi karo waxaa ku Nool ilaa Saddex Milyan oo qof ayaa waxay ku soo Waabariisatey wax lagu Tilmaami karo Bandow , waxaana istaagey Isku Socodkii Gaadiidka oo ah kan ugu Muhiimsan Xiligaans marka la fiiriyo dhinaca Nolosha iyo isku Socdka Dadka , waxaa Waddo kasta la soo dhoobey Ciidamoo aad u fara badan iyo Tikniko kuwaas oo Gaadiidka Xanibaad ku soo rogey iyadoo dadka loo ogol yahay in Socdaan oo keliya, waxaana dadka badankiis ay waayeen Gaadiid ay raacaan ha noqoto BL iyo mid si gaar ah loo leeyahay.

Bandowga oo ku soo beegmey Xili Kuleylo ah ayaa dadka waxay garan waayeen waxa loo xanibey Gaadiidka , iyadoo dadka qaar ay isla dhexmarayeen warar kala Duwan oo ku tiri ku teen ah oo aan laga fiirsa. Haweeney ay duudka Khudaari u saaran tahay dooneyseyna in ay gaarsiiso Suuq ay ku ganasato Dhididkana uu ka Hoorayo ayaa wax yar la sheeketey iyadoo mareysa Lambar Afar waxaan weydiiyey halkey Khadaarta u wado? Markaas bay tiri “Waxaan u Wadaa Suuqa Kaaraan “Markaas baan ku iri “Ma sidaan baad ku Gaarsiineysaa Suuqaas? markaas bay Tiri” Haa Hooyo Maxaan kaloo sameyn karaa waa in aan Lugta Furaa waayo Caruur baa isugeysa “

Nin Odey ah oo Caan lagana yaqaan Aagga lana socda Siyaasadda iyo halka ay wax marayaan mar walba ayaa Koox dad ah oo meel fadhidey weydiisey Xayiraada Maanta Saaran Wadooyinka waxay tahay ama loola jeedo wuxuuna la soo boodey” Xayiraadaan oo kale waxaa igu Dambeysey Xiligii Dowladii Cabdulaahi Yuusuf,marka waxaan u Maleynayaa in uu maanta uu imaanayo Barack Obama” Markiiba Qosol ayaa lala dhacay mid kale yiri oo meesha fadhiyey “War Odey sidaa ma aha oo maanta waa kaa Xumaatey “waxaana uu yiri “Waxaan Maqley in Mahiga uu ka Dambeeyo Xayiraadaan waayo waxaa uu ka careysan yahay Xilkii laga qaadey “ Markii ay Afkiisa ka soo yeertey hadalkaas ayaa dadkii halkaa fadhiyey laba u qabsameen kuwa warkiisa Rumeeyey iyo kuwa ka soo Horjeestey halkii baa laba laba la isku qabsadey oo waxaana lagu sigtey in Gacanta la isku qaado.

Haweeney ka mid ah kuwa Subaxa hore Kalaha .Gurigeedana ku soo Dubata Canjeelo ,Bur iyo Shaah ayaa waxaana kula kulmey agagaarka Wadada 21 Oktoobar waxayna Raashinka ay ku soo Karisey Gurigeeda Subaxa Hore ka iibsaa dad Muruqmaalka ah oo Aagaas u soo Shaqa taga , kuwaas oo Af Bilow ka dhiigta marka ay Shaqada u socdaan waxayna ka kala yimaadaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadoo ku Calaacashey “Xasan Shiikh baa laga rabaa Khasaarada I gaartey”intaas markii ay Afkeeda ay ka soo baxday ayey dad Masaakiin ah Canjeeladii iyo Burkii u qaybisey waxayan sii daba Dhiigtey “Waxay ahayd in Xiraadaan horey loo sheego”

Ma yara dadka Dhibaaatooyinka uu ka soo gaarey Xanibaadii la saarey Gaadiidka waxay Indheyga ay qabteen Gaari sidey Moos oo yaala meel Luuq ah, Xayiraadana halkaa ku qabsatey ,waxaana uu sugayaa waqtiga la qaadayo Xayiraada waxaana uu isna ku Calaacaley markii loo sheegey in ay Xayiraada saarnaaneyso waqti aan la ogeyn “Muuska Gaariga saaran waxay ahayd in Saakey laga dejiyo waxaana uu ka walwalsanahay in uu Muusku Gubto maadaama uu shaley oo dhan soo socdey marka Waa Khasaaro aan Cid loo raacdaa jirin marka Allaa Jooga” .

Haweeney ka ganacsada Qaadka oo la’ meel ay marto ayaa waxay radio ka ag dhawaa ka maqashey “Howlgalkii maanta waxaa uu ahaa mid looga hortagayo Qaraxyo iyo Weeraro ay geystaan Xarakadda ALShabaab”inta boodey ayey tiri “Waa Dowlad Naf la Caari ah, Waxay intaa ku dartey “War Naftaa hayso “ Intaa kuma Ekeysane waxay sii daba Dhigtey”War waad taqaanaan halka ay joogaan Shabaab maad u tagtaan marka aad Dhibaateyneysaan Caruurta Dugsiyada u socota iyo dadka kale ee Masaakiinta ah“ war yaa loo raacanayaa wixii ka Dhashey Bandowgaas.” Ayey ku soo gabagabeysey hadalkeedii.

Askari ka tirsan Ciidamadii maanta Howgalka ka wadey Wadooyinka Muqdisho ayaa weydiiyey waxa loo xirey Wadooyinka? Waxaana uu ku Jawaabey” Xaley Waqti dambe ayaa halkaan nala keeney ma garanayo sababta Xayiraadaa, marka Saaxiib adigaa kuula mid ahay… “ Markiiba Sarkaal kale ayuu farta iigu fiiqey oo yiri “Ninkaas weydii? Halkii baan u Dhaqaaqey markii Sarkaalkii aan weydiiyey wax uu ku saabsan yahay Howlgalkaan ayuu ku Gaabsadey “ Waxaad tahay Wariye fadlan Dadka u sheega in ay qaataan Awaamiirta Dowladda Naga Daaya hadalada kale aan Shaqadeenna Gudanee ”

Guntii Gabagabdii Goor Dambe oo Xeero Fandhaal kala dhaceen ayaa Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga oo hadley waxay Wariyayaasha weydiiyeen Waxa Bulshada maanta sidaan loo Badey ?wuxuu Wasiirka si kooban u yiri “Waxaan uga Gol lahayn Sugidda Amaanka oo keliya,” isagoo meel iska dhigey Dhibaatooyinka saameeyey Garabratadii , Muruqmaalkii , Ardeydii , Ganacsigii ,Gadiidleydii iyo Xitaa Shaqaalhii Dowladda oo qaarkood marka ay la soo baxaan Aqoonsigooda loogu jawaabayey nama Khuseeyo, si kastaba waxaan Dhihi karaa waa Howgal laga sheekeeyo oo Cagta Mariyey Danyartii Muqdisho !!

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;