SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Daah Furaya Dib U Eegista Dastuurka Dalka…WARSAXAAFADEED

  • Jawaari: "dib u eegista uu Golaha Shacabku ku sameynayo Dastuurka Dalka waa mid inoogu fadhiga muhiimad weyn...."

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinnimada Sabtida si rasmi ah u daah furaya dib u eegista ay ku sameynayaan Dastuurka Dalka kaasi oo ay horey si KMG ahaan ugu ansixiyeen ergo gaareysay 750 xubnood.

Furitaanka kulankan daah furka u ah dib u eegista Dastuurka Dalka ayaa waxaa lagu casuumay dhammaan gudiyadii madaxa banaanaa kuwaasi oo marti ku noqon doona madasha islamarkaana Xildhibaannada kalasoo qeybgali doona kulanka oo si rasmi ah u bilaaban doona 9ka subaxnimo ee maalinnimada sabtida berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 9ka bisha March 2013.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa yiri :- “dib u eegista uu Golaha Shacabku ku sameynayo Dastuurka Dalka waa mid inoogu fadhiga muhiimad weyn waayo qeybihii kala duwanaa ee Shacabka Soomaaliyeed oo aynu la kulannay intii uu xirnaa kal fadhigii Koobaad ee Baarlamaanka talooyinkii ugu badnaa ee ay soo jeediyeen waxaa ugu muhiimsanaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan dib u eegis ugu sameyno Dastuurka Dalka hadaba inaga oo fulineyna codsigii shacabka ayeynu maalinnimada berri ah si rasmi ah u daah furi doonnaa dib u eegista Dastuurka”

Ugu dambeyntii Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka waxa uu ku booriyey shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iney si toos ah isha ugu hayaan qaabka ay u socdaan howlaha Baarlamaanka islamarkaasina aysan shacabku hada iyo goor ka leexan iney talooyinkooda sidan oo kale toos ugusoo gudbiyaan Gudoonka Baarlamaanka ayadoo Golaha shacabkana uu had iyo goor u taaganyahay inuu sidan oo kale ugu shaqeeyo talooyinka qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka Dalka ayaa waxey socon doontaa in mudo ah waxaana mudadaasi ay socoto laga doonayaa dadweynaha Soomaaliyeed iney joogti ula socdaan qodobada uu Baarlamaanku uu had iyo goor ka doodayo si ay ugasoo dhiibtaan talooyinkooda ayadoo sidoo kalena ay jiri doonaan kulammo dhexmari doona Gudoonka Golaha Shacabka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo aragtida iyo talooyinka shacabka lagu dhageysan doono.

Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka

----DHAMAAD------

Prof. Jawaari: Baarlamaanka Cusub Waxay dib u eegis ku samaynaaya Dastuurka KMG, qodobadiisana wax ka bedelayaan….

Baarlamaanka ayaa Agoosto 28, 2012 waxay guddoomiye u doorteen Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Dastuurka Kumeel Gaarka ah oo Muran gelinaay Dhulka Soomaaliya iyo Kenya oo siyaadisey Damaceedii badda:

Dastuurka sida kumeel gaarka ah loo ansixiyey Agoosto 1, 2012 waxa uu u gogol dhigayaa sidii muran loo gelin lahaa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya (dhulkii hore xorta u ahaa), isla markaasna loo dhaxal wareejin lahaa.

Qodobka 7aad ee dastuurka KMG waxaa lagu siyaadiyey saddex faqradood ee hoos ku qoran:

Qodobka 7: faqradda 3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

Qodobka 7: faqradda 4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.

Qodobka 7: faqradda 5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya

Qodobadaas oo lagu soo qoray Kenya waxay u gogol dhigayaan in ugu horayn meesha laga saaro dhulka Soomaalida ka maqan ee ku hoos jira gumaysiga Itoobiya iyo Kenya.

Tan labaad waxa qodobadaasi horseedi karaan in dhulka xorta hore u ahaa lagu qabsado Soomaalida oo muran la geliyo, sida hadda ka socota xeebta la olloga ah Kismaayo iyo Raaskambooni (UFIIRSO: Waxaa dastuurka KMG ku qoran sidan: Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi….)

Dawladii hore ee FKMG ayaa ahayd tii taariikhda Soomaaliya u horseeday in dhul-badeedka hore xorta u ahaa ay Kenya muran geliso ama damac ka soo galo, kaddib markii ay la saxiixdeen heshiis ahaa khiyaano-qaran, oo loogu magac daray Is-faham, markii dambena heshiiskaas ay waxba kama jiraan ka dhigeen baarlamaankii hore, taas oo sababtay in baarlamaankaas laga dhigo hawl gab. SII AKHRI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;