SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

FIFA oo Jabuuti Tababar ugu Furtay Garsoorayaal Soomaaliyeed oo Kubadda Cagta ah

 Tababar dhinaca Garsoorka ah noociisuna yahay FIFA MA ayaa ,Magaalada Jabuuti uga furmay 28 Garsoore oo ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana tababarkani uu qeyb ka yahay dadaal si wada jir ah ay u sameynayaan ururka kubada cagta aduunka ee FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta loogana gol leeyahay in xaga garsoorka Soomaaliya looga horumariyo.



Munaasabada furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha xiriirka Cali Saciid Guuleed, xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab, guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta Jabuuti Maxamed Yaasiin, Guddoomiyaha guddiga tartamada xirirka Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed (Cali shiine) iyo madax kjale

Madaxa Xafiiska waxbarashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed oo ugu horeyn munaasabada furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in xiriirku uu waqti badan iyo dadaal geliyay sidii uu tababarka u geyn lahaa garsooreyaal da’ yar arrintaasna lagu guuleystay maanta.

“Halkan waxaa ku sugan Garsooreyaal tayo wanaagsan oo ka kooban kuwo dhalinyaro ah oo heer qaran ah iyo kuwo heer caalami ah taasi waxaa ay muujineysaa sida xiriirka ay uga go’an tahay in uu horumarka garsoorka hoos kasoo bilaabo”ayuu yiri madaxa xafiiska wax barashada xiriirka Soomaaliyeed Cali maxamed Axmed.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Maxamed Yaasiin oo isna goobta ka hadlay ayaa kusoo dhaweeyay garsooreyaasha Soomaaliyeed dalkiisa isaagoo sheegay in Jabuuti aanay ku ahayn marti ama dad ajaanib ah laakin ay joogaan dalkoodii labaad.

“Waan ogahay in badankiin aad ogtihiin in Jabuuti dalkiinii tahay laakin kuwa aan wali horay halkan u imaan ayaan u sheegayaa”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Maxamed Yaasiin.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in xiriirku uu waligiisba ahmiyada koowaad siinayay dhanka horumarinta Garsoorka, maadaamabuu yiri Garsoorku uu laf dhabar u yahay inta badan howlaha xiriirku qabto.

“Anigoo ku hadlaya macaga xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa ururka FIFA dadaalkiisa aan dhamaadka lahayn ee Soomaaliya gaarsiiyay horumar la taaban karo FIFA waxay sameysay wax kasta oo karaankeeda ah oo ka hor joogsaday kubad cagta Soomaaliya in ay bur burto, isku daygaas wanaagsana waa lagu guuleystay sababtoo ah Soomaaliya caalamka kale ayay la socotay muddo ka badan 22 sanadood oo dalku soo dhex dabaasahay dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa iyo sharci darro dunida soo maray”ayuu xoghayaha guud ka sheegay munaasabadii furitaanka tababarkan maanta.

Waxaa uu sidoo kale xoghayaha guud amaan usoo jeediyay dowlada, madaxda xiriirka kubada cagta iyo dhamaan shacabka Jabuuti oo uu sheegay intii karaankooda ah in ay garab istaageen walaalohooda Soomaaliyeed.

Dhankiisa Ahmed El Shenawi oo wakiil ka ah xafiiska horumarinta garsoorka FIFA ee magaalada Qaahira ayaa ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed in uu sameeyay dadaal dheeri ah marka loo eego xaga horumarinta garsoorka. “Anigoo ku hadlaya magaca FIFA waxaan aad ugu faraxsan yahay garsooreyaasha da’da yar qaab dhismeedka jirkooduna wanaagsan yahay oo maanta horteyda ka muuqanaya”ayuu munaasabada ka sheegay Ahmed El Shenawi.

Dhamaan Madaxdii goobta ku sugyenyd, garsooreyaasha tababarka u fadhiya iyo saxafiyiintii meesha u yimid in ay tababarka kasoo waramaan ayaa la istaagay sacab kadib markii Ahmed El Shenawi uu ku dhawaaqay in FIFA qorsheyneyso tababarka sanadka soo socda in ay ku qabato caasimada Soomaaliya ee Muqdisho hadii xaalada amaan ee dalku ay sii horumarto.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubaqda cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa ku amaanay waaxda horumarinta Gasoorka soo diyaarinta dhalinyarada aadka u da’da yar. “Waxaan idinku boorinayaa in aad muujisaa dadaal dheeri ah iyo u go’doomid shaqadiina mudada tababarku soconayo, ka qeyb gal xumo iyo in aaan si fiican loogu dhaga nuglaan casharka macalimiintu bixinayaan waxaa ay idin keeni karaan dhibcihiina oo hoos u dhaca ama macalimiinta oo idinka xanaaqa”ayuu garsooreyaasha u sheegay gudoomiyuhu ka hor intii aanu ku dhawaaqin furitaanka tababarka.

Tababarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ah ayaa waxaa macalin ka ah Lim Kee Chong oo uu kaalinayo Boubakar Hanshi, halka Madaxa xafiiska wabarashada xiriirka Cali Maxamed Axmed uu isu duwe ka yahay tababarka oo sidoo kale Madaxa xafiiska horumarinta Garsoorka Cabdi Cabdulle Axmed (baasaale) uu caawin doono macalimiinta FIFA mudada tabbarku soconayo.



W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 5, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;