SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dr. Jamaal Barrow Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo la dardaarmay 20 Diblomaasi oo Soomaali oo tababar u jooga South Africa .

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Pretoria ee caasimadda South Africa ayaa maanta si rasmi ah loogu wadaa in loogu furo tababar diblomaasi heerkiisu sareeyo , kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South Africa ay ugu deeqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya.

somalitalk's koonfurafrika album on Photobucket

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Jamaal Maxamed Barrow ayaa kula kulmay diblomaasiyiintaasi Protea Hotel Hatfield ee Magaalada Pretoria kadib socdaal dalxiis ah oo diblomaasiyiintaasi ay ku soo kala bixiyeen deegaanka Pilanesburg gaar ahaan Sun city iyo Manyane Resort , waxaana uu kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan tababarka , si ay ugu saldhigaan istiraatiijiyadda iyo qorshaha ay ku shaqeyn doonto Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudada afarta sano ee soo aadan.

Dr. Jamaal Barrow Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa muujiyay baahida xilligan loo qabo sare u qaadida aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed , si loo helo jiil ambaqaadi kara shaqada ,horumarna ka sameyn kara howlaha baaxadda leh ee Wasaaraddu ay hiigsaneyso.

Diblomaasiyiintani oo tababar muddo 30 cisho ah maanta uga furmaya wadanka South Africa oo tiradooda ay gaareyso 20 ruux ayaa waxa ay si niyadsami ah u soo dhoweeyeen dhiiragelinta ay ka heleen Wasiir Jamaal Barrow iyo Wasiirada kale ee Wasaaradda , waxa ayna balan-qaadeen inay ka soo dhalaali doonaan howlaha loo igmaday, tixgelin gaar ahna ay siin doonaan tilmaamaha iyo fariimaha wanaajinaya muuqaalka siyaasadda dibadda, si sare loogu qaado magaca iyo sumcadda qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed .

Isha warka: PPR
info@mofa.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com | March 5, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;