Dowladda Soomaaliya iya Dowladda Qadar ayaa isku raacay in la dar-dar geliyo
Iskaashiga Labada dal.
(Doha, Qatar, March,04, )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta la kulmay
Amiirka Qadar Amiir Hamad bin Khalifah Al Thani. Madaxweynaha safarkiisa ayaa
muhiimadiisu tahay iskaashi guud oo dhan walba ah oo dhex mara Soomaaliya iyo
Qadar.
Kulanka maanta ayaa waxaa qeyb ka ahaa Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiika
Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud
Xassan Suleymaan,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir,
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar Ambassador Cumar Sh. Cali Idriis ,Taliyaha
Nabadsugidda Axmed Macallin Fiqi, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Kamaal
Daahir Xassan Guutaale.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Amiirka sida sharafta leh ee uu usoo
dhaweeyay wafdiga Soomaaliya. Sidoo kale Madaxeynaha ayaa ku aamanay Amiirka
Qadar horumarka ay ka gaartay xagga Dhismaha iyo Wax barashadda oo hogaankiisa
wanaagsan ku timid.
Intaas kadib, Madaxeynaha ayaa uga warbixiyay xaaladda cusub ee ka jirta
Soomaaliya, iyo muhiimadda dib-u heshiisiinta iyo Midnimadda Soomaliyeed.
“Iskaashi heer sare iyo in wadajir labadda dal ay u shaqeeyaan waa muhiim waana
lama huraan” ayuu yiri Madaxweyne Xassan. Labada masuul iyo wasiirada labadda
dal ayaa ka hadlay qaabkii Soomaaliya loo kabi lahaa xagga dhaqaalaha iyo in
deynta Soomaaliya lagu leeyahay wax looga qabto si Soomaaliya ay uga mid noqoto
hay’adaha Caalamiga Maaliyadda.
Mar uu ka hadlay “Lixda Tiir Siyaasadeed” Madaxweynuhu wuxuu yiri “Isbedel iyo
Rajo Wanaag ayaa Soomaaliya ka jira, maalgelin yarna saameyn weyn ayey
keeneysaa.”
Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar ayaa Madaxweynaha iyo Amiirku ay si weyn
uga hadleen kulankan.Dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Beesha
Caalamka ayaa qeyb ka ah dowladda Soomaaliya qorshaheeda.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb si weyn ugu soo dhoweeyey
qeybaha kala duwan ee bulshada degmada, sida, maamulka dowladda, mas'uuliyiinta
Ahlusunna Waljamaaca, iyo dadweyne fara badan kuwaas oo lulayay caleemo qoyan.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa waxaa uu u gudbay xarunta degmada halkaasoo ay ku
sugnaayeen kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid qeybaha uu ka kooban yahay
gobolka Galgaduud, waxayna dadkani wateen boorar iyo sawirada Ra'iisal
Wasaaraha.
Ra'iisal Wasaaraha oo la hadlay dadweynaha ayaa uga mahadceliyay soo
dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna xusay in degmada Dhuusamareeb ay
tahay degmadii uu ku dhashay ayna muhiimad gaar ah u leedahay booqashadiisan.
Sidoo
kale, Ra'iisal Wasaaruhu waxa uu u mahadceliyay maamulka Ahlusunna Waljamaacah
sida ay isaga difaaceen kooxaha nabad diidka ah oo uu sheegay inay marar badan
isku dayeen inay xoog kula wareegaan degmada balse ay u babac dhigeen xoogaga
Ahlusunnah, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay maamulka dowladda ee gobolka iyo
degmada.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayay isbedelka magaalada waxa uu xusay in
degmada ay ka muuqato dib u dhac ayna ka muuqdaan raadadkii dagaalada, isaga oo
u balan qaaday in xukuumadu u howlgali doonto sidii looga taageeri lahaa
dhinacyada waxbarashada iyo adeeg bulshada.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in booqashadan ay jawaab u tahay
booqasho ay mas'uuliyiinta Ahlusunnah ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho markaas
oo uu balan qaaday inuu booqasho ku tegi doono Dhuusamareeb. waxaana inta uu
joogo Ra'iisal Wasaaruhu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada,
sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka isaga
oo kormeero ku sameyn doona qeybaha taariikhiga ah ee degmada.