SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyey Garbahaarey

Garbahareey, March 31.2013-------Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey boqolaal dadweyne ah kuwaasoo sitay sawirada Ra'iisal Wasaaraha, waxayna ku qeylinayeen soo dhowaada Jaallayaal, iyaga oo lulalayay caleemo qoyan.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa markii uu gaaray magaalada Garbahaarey waxa uu durbadiiba guda galay kulamo uu la qaadanayo maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee degaanadan.

Odayaasha dhaqanka magaalada ayaa Xukuumada ka codsaday in laga garab siiyo dhanka amniga, gaara ahaana sidii looga sifeyn lahaa kooxaha nabadiidka ah degaanada gobolka Gedo ee weli gacantooda ku jira. sidoo kale odayaasha ayaa Ra'iisal Wasaaraha u cadeeyay in aysan wax lug ah ku laheyn shirka Kismaayo ka socda, cid reer Gedo ahna aaney ka qeybgalin.

Odayaasha ayaa sidoo kale, Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa u xaqiijiyay inay diyaar la yihiin inay ku wareejiyaan hantidii dawladda iyo xarumihii ay dawladdu laheyd, si loogu adeego bulshada.

Dhanka kale, Ra'iisal Wasaaraha iyo xubno ka tirsan wafdigiisa ayaa galabta soo booqday qabriga madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxayna halkaasi ku dul aqriyeen Iqlaas, iyaga oo u duceeyey.

Ugu dambeyntiina, Ra'iisal Wasaare Saacid ayaa ducada kadib, alle uga baryay inuu u dambi dhaafo "Wixii uu qabtay runtii waa wax muuqda, illaaheyna dembi dhaaf ayaan uga baryeynaa" ayuu yiri.

............

Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Booqday Gobolka Shabeelada Dhexe Kulamana La Qaatay Bulshada Qabaheeda Kala Duwan.

Muqdisho, 30, Mar, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi, Wasiiro ku xigeeno, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u balaaran.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu qayb ka ahaa safaradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira gobolada dalka oo uu dhawaanahaan booqanayey, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka dhaqaalaha iyo amniga.

Ugu horayntii Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka, waxayna ka codsadeen dawladda inay wax ka qabato sidii gobolka meelaha dhiman looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah, in dawladdu xooga saarto sidii loo dhisi lahaa jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo uu ka muuqdo bur bur lixaad leh iyo in maamul ay dadku soo doorteen loo sameeyo gobolka marka la xoreeyo degmooyinka dhiman.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe Mudane Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka warbixiye xaalada gobolka ee dhanka nabad galayada iyo baahiyaha kala duwan ee ay qabaan dadku.

“Mudane Ra’iisul Wasaare waxaa gobolka la xoreeyey 09, Dec, 2012 mana jiro ilaa iyo hada wax ciidan boolis ah oo ka howl gala gobolka, waxaana hada amniga suga ciidanka xooga, waana lama huraan in la helo ciidan nabad sugid iyo boolis isugu jira, dawladu waa ay hilmaantay gobolka mana jiraan wax mucaawino ah oo soo gaaray ilaa iyo intii laga xoreeyey nabad diidka” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolku isagoona dhanka kale xusay in waqtigaan lagu jiro xili roobaadkii Gugga oo uu wabigu sameeyo fatahaad, hadii aysan dawladdu ka qayb qaadan sidii looga hortagi lahaa biyo baxdadaas ay keeni karto dhibaato soo gaarta isu socodka gaadiidka iyo beeralayda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga, isagoona aad uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen,

“Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, iyo ciyaaraha kala duwan oo aad soo bandhigteen sida Shiribka, Beereyda, Kabeebeyda, iyo Dhaantada, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer jowhar diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan cadaalad, iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay, qaybaha kala duwan ee bulshada oo maanta ka hadlay goobtaan waxay noo muujiyeen dareenkooda iyo dowlada jacaylkooda, taas ayaan sabab u ah inaan booqanay gobolo badan oo ka tirsan dalka si aan u qiimayno rabitaanka dadka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale u sheegay dadka reer Jowhar in dawladdu wax weyn kala qaban doonto soo jeedintooda oo ay ku sheegeen suugaanta.

“Waxaan diyaar u nahay wax kasta oo ay dowladu idiin qaban karto in aan dadajino, wixii aad ka tabateen maamulka hada jira oo caddaalad daro ah, dawladdu si aan leex leexad lahayn ayeey wax uga qabanaysaa, maalintii la xoreeyey gobolka ilaa maanta markasta dawladdu waxay u soo diraysay wafti la socda xaalada gobolka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isagoona dhanka kale xusay in gobolka shabeelada dhexe ay dawladdu dadaal u gali doonto sidii wax looga qaban lahaa dhanka horumarka.

Ugu danabayntii Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa casho sharaf loogu sameeyey Warshadii Dharka ee Balcad oo noqotay warshada kaliya ee ka bad baaday burburkii soo maray kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu ku aamanay reer Balcad inay yihiin dada wadaniyiin ah dawladuna ay siin doonto abaal gud


--
Garad Salad Hersi
Press officer
Mob.+25261-5536608
Garbaharey, Somalia
 


Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;