SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Maxkamada Racfaanka oo Xukuntey in Wariye Cabadicasiis Koronto Xabisga lagu sii hayo halka Luul Cali Cismaan ay Heshey Xoriyadeedii.

Qareenada oo mar kale Racfaan ka qaatey Xukunka Wariye Cabdi Casiis Koronto

Xasan Cali Geeseey “Hayadaha Dowladda waxay noo Muujiyeen Cadaawada ay u Hayaan Saxaafadda”

Abuukar Badri “Waa Cadaaladdaro in Laba Qof ii sku Dacwad ahaa midna la sii Daayo midna Xabsiga lagu hayo”

Cali Tima Jilic oo Codsdey in Dowlada ay si deg deg u soo Farageliso Xukunka Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Garsoorka Dalka.

iyadoo Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Todobaadkii hore ay dib u dhigtay Dacwadda loo haystay Cabdulcasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan oo ah Haweeney Sheegety in la Kufsadey illaa maanta oo Axad ah ayaa maanta mar kale Dacwaddaasi ay ku Furan tay Xarunta Maxkamaddaas.

Gudoomiyaha Maxakamada Racfaan Xasan Maxamed Cali iyo Garsoorayaashii la Socdey oo si weyn u soo daahay ayaa markii uu soo galey waxaa uu durbaba Bilaabey Go’aanka Xukunka Maxkamada oo si weyn loo sugayey waxaa Gudoomiyaha uu sheegey in Hooyo Luul Cali Cismaan aysan lahayn wax dambi ah halka Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim uu Gudoomiyaha uu sheegey in lagu Xukumey Lix Bilood Xarig ah ka dib markii ay Maxkamada ku eedeysey in uusan la soo xiriirin Hayadaha Dowladda markii uu qaadey Wareysiga ..

Qaybaha kala duwan ee Saxaafada , Hayadha Xaquuqda Aadanaha iyio Marti Sharaftii kala ee ka soo qayb galey in Goob joog u noqdaan Go’aanka Maxakamada kuwaas oo sugayey in labada Dhibane ay maanta heli Doonaan Xoriyadooda ayaa Candhuufta Dib u Liqey ka dib markii Gudoomiyaha Cabdicasiis ku Xukumey Lix Bilood oo Xarig ah Luul Cali Cismaana laga siidaayey Xabsiga

Luul Cali oo iyaduna Maanta Maxkamadda ka soo hor muuqatay ayaa ka Calaacalaysey iska daba noqodkii faraha badnaa ee Maxkamaddu ay ku sameysey iyadoo intaa sii raacisey in Xuquuqdii ay Maxkamadda ka sugaysey aanay ka heli oo ahaa in Labadii Bilood ee ay Xirneyd Mag dhow laga siiyoo maadaama wixii Xeer Ilaaliyaha ku soo eedeyey ay ay dhamaan been Noqdeen .Wariye Cabdicasiis Koronto oo Wejigiisa farxad laga dheehanayay ayaa ereyo gaaban oo uu halkaa ka jeediyay ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Haweeneyda la sii daayo isagoona xusay inuusan waxba u arkin haddii uu sii Xirnaado.

Qareenkii u doodayay Eedeysanayaasha oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in auu Racfaan ka sii qaadanayo Xukunka ay gaatray Maxkamadda Racfaanka isla markaana uusan ka hareyn Dacwaddaas illaa uu ka gaarsiinayo Maxkamadda Sare ee Dalka ,Wuxuuna Xukunkaa ku soo beegmey Xilii uu Madaxweynaha ka dhawaajiyey in Dacwada Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul ay Dowlada u soo jiidey Sumcad Xumo taasoo uu sheegey in ay ugu wacan tahay Garsoorka oo Liita

Dacwadaan oo Indhaha Caalamka soo jiidatay isla markaana ugu hadal haynta badneyd dhinaca Gudaha Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Xukunkii maanta ee ay ridey Maxakamada Racfaanka ka Hadley Agaasimaha Idaacada Dalsan Xasan Cali Geesey oo Wariyaha u shaqeynayey oo sheegey in Wariye Cabdi Casiis Koronta uusan weli heli Garsoor Cadaalad ah isagoo arrin la yaab leh ku tilmaamey in Haweeneydii uu wareystey Cabdicasiis ee la Kufsadey Xabsiga laga siidaayo isagiina Xabsiga lagu hayo isagoo sheegey in ay Muuqato Cadaawada ay Dowlada u hayso Saxaafadda ,wuxuu soo dhaweeyey Sii deynta Luul Cali Cismaan.

Waxa kaloo ka Hadley Xukunka Maxakamada Racfaan Abuukar Badri oo ka mid ah Bahda Saxaafada waxaana uu Xukunkaasi uu ku Tilmaamey Mid Cadaalodaro ah,wuxuuna Codsadey in la siidaayo Wariye Cabdicasiis maadaama Dambi lagu waayey Haweeneydii uu wareystey , waxaa kaloo Xukunkaasi ka Hadley Qaasim Moogaay oo ka mid Hayadaha Xaquuqda Aadanaha oo sheegey in aad ugu faraxsan yahay in Hooyo Luul Cali Cismaan ay hesho Xoriyadeeda isagoo sheegey in loo baahan yahay in wariye Cabdicasiis uu heli Garsoor Cadaalad ah

Waxaa kalo ka Hadley Cali Maxamed Nuux (Timo Jilic) oo ka mid Madaxda Xisbiga Jamhuuriga oo maanta dhageysanAyey Xukunka Maxakamada Racfaanka ayaa sheegey in ay weli ay jirto Cadaaladdarro Dhinaca Garsoorka isagoo u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay si deg deg u soo Farageliso Xukunkii lagu ridey Wariye CabdiCasiis Koronto iyo garsoorka dalka , si kastaba ha ahaatee Dacwada labada Dhibane ayaa dadka qaar horey ugu Tilmaamey Dacwad Madaxeedii Majo loo rogey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 3, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;