SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyey Kismaayo, lana kulmay maamulka magaalada

Kismaayo, March 26,2013-------Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana wafdiga garoonka ku soo dhoweeyey saraakiisha maamulka kumeelgaarka ah ee Kismaayo iyo xubnihii horay u sii joogay magaalada ee isugu jiray Wasiirada, xidlhibaanada iyo saraakiisha.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa markii uu soo degay waxa uu salaan ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda isaga oo sidoo kalena gacan qaaday qaar ka mid ah dadweynihii soo dhoweynayay oo ay ku jiraan ardayd, iyo haween.

Ra'iisal Wasaaraha iyo xubnaha Wasiirada ah ee safarkiisa ku wehlilya ayaa kulan ballaaran la qaatay saraakiisha maamulka magaalada Kismaayo waxaana hogaaminayay Axmed Maxamed (Madoobe).

Kulankan oo soconayay muddo saacad ah ayaa lagu lafa guray sidii loo dardargelin lahaa sugidda amniga ee magaalada, iyo hagaajinta maamulka, waxayna labada dhinac is dhaafsadeen fikrado muhiim ah.

Ra'iisal Wasaare Saacid oo markii uu soo gabagaboobay kulankan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku farxeen soo dhoweynta reer Kismaayo, isaga oo u mahadceliyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sidii ay isaga kaashadeen sugida amniga.

"Runtii waxaa ii muuqatay in dadku ay doonayaan dowladooda, raalina ka yihiin, waana uga mahadcelineynaa sida diiran ee ay noo soo dhoweeyeen" ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in booqashadan ay qeyb ka tahay booqashooyin uu ku kala bixinayay gobolada dalka.

"Reer Kismaayo waxay safka hore kaga jiraan dadka jecel dowladnimada" ayuu mar kale yiri Ra'iisal Wasaaraha.

Axmed Maxamed Madoobe oo ah guddoomiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee Kismaayo ayaa isna sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada wafdigan ballaaran ee ka kooban Wasiirada, Xildhibaanada iyo saraakiisha
"Aadbaan ugu faraxsanahay imaatinka wafdiga Ra'iisal Wasaaraha waana soo dhoweyneynaa isaga iyo madaxda kale ee sharafta leh ee la socota, waxaana leenahay ku soo dhowaada Kismaayo" ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdiga ayaa inta ay joogaan magaalada Kismaayo waxay kulamo is daba joog ah la qaadan doonaan maamulka magaalada, iyo qeybaha kale ee bulshada Kismaayo.
 




--
Garad Salad Hersi
Press officer
Kismayo, Somalia


Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Tacsi U Diray Wasiirudowlaha Wasaaradda Hormarinta Iyo Adeegga Bulshada….WARSAXAAFADEED

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Barqadle oo sidoo kale ahaa Wasiirudowlaha Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, aad iyo aad waxaan uga xunnahay geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen Xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Barqadle oo ka mid ahaa Golaha Shacabka sidoo kalena ahaa Wasiirudowlaha Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada “

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga tacsiyadeeyey ehelada,qaraabada,asxaabta, xildhibaannada Golaha Shacabka iyo guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Barqadle waxaana uu Alle uga baryey inuu naxariistiisa jano siiyo, sidoo kalena uu guud ahaanba umadda Soomaaliyeed samir iyo iimaan ka siiyo.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu gudi u saaray qabanqaabada aas Qaran oo loo sameeyo Alle ha unaxariistee Xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Barqadle.

-----DHAMAAD-----

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

 



Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;