SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Agaasimihii Hayadda Nabadsugida Soomaaliya oo iska Casiley Xilkii islamarkaana Warqadii Istiqaaladda u Gudbiyey Madaxweynaha Dawlada Federaalka

Waxaa Magaalada Muqdisho Shir Jaraaid ku qabtey Agaasimhii Guud ee Ciidamada Nabdsugida Axmed Macalin Faqi kaasoo uu kaga waramayey Istiqaalad ama iscasilaad oo uu u Gudbiyey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ,,wuxuuna sheegey in ay jirto Iscasilaadaasi ku aadan Xilka Agaasimaha Nabasugida.

‘Aniga ayaa Go’aansadey in aan ka tago Xilkaasi “ayuu yiri Axmed Macalin Faqi oo sheegey in mudadii uu haye Xilka Agaasimaha Nabadsugida Soomaaliya uu qabtey howlo Muhiim u ah Arimaha Nabadgelyada iyo isagoo sheegey in mudadii uu hayey Xilkaasi ay wada shaqeyn wacan ka heleen Shacabka Soomaaliyed oo uu sheegey in la’aantood aysan Nabad ku soo dabaali lahayn Goblada Dalka iyo Magaalada Muqdisho;

Istiqaalada uu Agaasimaha Nabadsugida uu u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliyeed ayaa waxay Fajaciso ku noqotey Dowlada Federaalka, waxayna iscasilaadaan ay ku soo beegantey iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay Magaalada Muqdisho ku soo kordhayeen Dilalaka iyo Qarxxyada taasoo ay ku dhinteen Dad farabadan,

Inkasoo uusan Cadeyn Agaasimaha sababaha uu isku casliey hadana warar baa sheegeyey in Dowlada ay dooneyso in ay gabi ahaan badesho Madaxda Ciidamada kala duwan waxaana hore loo bedeley Taliyihii Cidamada Milatariga iyo Amaanduulihii Ciidamada Milatariga waxayna dadka qaar ay ku macneeyeen iscasilaadaan mid uu kaha hor dagayo in Xil ka qaadis lagu sameeyo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk



Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;