SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Khuburo ka socotey Jaamacada Oxford University iyo Hayadda Article 19 oo Qaybaha Warbaahinta kala Qayb galey Dood ku saabsan Sharciga Saxaafadda.

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtey Dood ku saabsan Xeerka Saxaafada oo ay dhawaan soo gudbisey Dowladda Federaalka ,waxaana sida Wadajir ah Dooda u soo wada qaban qaabiyey Qaramada Midoobey,Wasaarada Warfaafinta , Ururka Sxaafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj waxaana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire , Sharciyaqaano ka Socotey Jaamacada Oxford University, , Quburo iyana ka socotey Hayadda Article 19, Qaybaha kala duwan ee Saxaafadda iyo marti Sharaf kale

Ugu horeyntii waxaa halkaa ka Hadley wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire oo sheegey in la gaarey Xiligii uu xeer kala Hageyn lahaa Saxaafadda Soomaaliyeed waayo Adduunka oo dhan ayaa uu sheegey in uu jiro Sharci lagu Maamulo Qaybaha kala Warbaahinta wuxuu intaa ku darey “Ma jiraan wax jaantaa rogan ah oo aan Xuduud lahayn marka Sharciga Saxaafada waa mid kala badbaadinaya Dowladda ,Saxaafada iyo Shacbiga Soomaaliyeed marka waa in aan u guntanaa sidii loo heli lahaa Sharci Saxaafadeed”

Xubnii kala ee ka Hadley Agaasimaha Warbaahinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaala ayaa sheegay in ay Nasiib wanaag tahay in la gaaray xiligaan Warbaahinta ay sameeystaan shuruuc kala hagaya ayna Munaasib tahay in Shuurucadani ay noqdaan kuwa ku saleysan Nidaam oo wax aan u dhimeyn Qaranimada Soomaaliyeed marka waxaa Dhamaanteen Waajib nagu ah in aan meel marino Sharcigaan si looga baxo Caqabadaha mar waliba ka dhex dhaca Dowlada iyo Saxaafada Madax Banaan.

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Ururka Sxaafinyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Bakistaan oo si aad ugu dheeraadey Heerarkii uu soo marey Sharcigaan laga so bilaabo Dowladii Cabdulaahi Yuusuf ,waxaakale uu sheegey in sharcigaan uu u baahan yahay in wax badan laga saaro , wax badana lagu daro sidaa darteed waxaa Saxaafadda looga baahan yahay in ay si wanaagsan isaga eegaan Sharcigaan ay Dowlada Soo gudbisey

Patrick oo ka socdey Hayadda Article 19 ayaa sheegey in ka doodista Sharcigaan loo baahan yahay in laga tala geliya Dhamaan Saxaafada Soomaliyeed meel kasta ha joogaan si loo helo Sharciga loo wada dhan yahay , sidoo kale waxaa uu sheegey in lo baahan yahay in Qaybaha kala Duwana ee Saxaafada ay si taxder leh isaga eegaan Sharcigaan maadaama uu yahay sharcigii lagu dhaqi lahaa Saxaafadda Mustaqbalka .

Sharciyaqaanadii ka socdey Jaamacada Oxford University ayaa sheegey in ay si aad ugu faraxsan yihiin in ay Muqdisho kala qayb galaan Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dood ku saabsan Sharciga Saxaafada , waxay kaloo ay sheegeen ama ku Baraarujiyeen Qaybaha Warbaahinta in soo Akhriyaan Sharciyada Saxaafada ee ka a jira Wadamada Calaamka si ay Saxaafada Soomaaliyeed u helaan Macluumadda aad u fara badan oo la xiriira Sharciyada Saxaafada ee Caalaamka , waxaana la filayaan in Waqtiyada soo dhow iyana la qabto dood ku saabsan Sharcigaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;