SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dalkan Britain iyo isbadalada dhacaya bisha April ee sanadkan 

Marka hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta lahoow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW.

Kadib markii ay xukunka dalkan ingiriiska ay ku guuleysteen xukuumadan conservativeka ayaa waxaa ay wax badan isku dayeen in ay dhimaan qarashaadka dowladda si ay waddanka uga saaraan dhaqaale xumida ka jirta. Arimaha ay xooga  saareen waa sidi ay u yareen lahaayeen waxa loo yaqaan benefitka oo ay dhiira galin ugu sameyn lahaayeen shaqada. Waxaa ay wax badan ka hadleen in ayan xaq aheyn in la simo qof shaqo u kalahaya iyo qof kale. Haddaba sanadkan 2013ka ayeey ballan qaadeen in uu dhici doono isbadal weyn kaasoo lagu qiyaasay in uu yahay isbadal dhaca muddo lixdan sanadood ah kii ugu weynaa.

Haddaba bal aynu wax yar ka taataabano isbadalada dhacaya iyo halka ay ka dhacayaan.

-       Bedroom tax: - laga bilaabo April 2013ka waxaa lasoo rogayaa sharci oranaya qof walboo heysta ama reer walboo heysta qolal ka badan baahidooda, in lagu amrayo in ay raadsadaan guri ku filan baahidooda ama qol walbaa oo dheeraad ah laga jarayo lacag. Tusaale ahaan qofkii heysta 2 qol oo ay baahidiisu tahay 1 qol kaliya qolka kale waxaa laga jarayaa todobaadkiiba lacag dhan boqolkiiba 14%. Haddii ay dheeri kugu yihiin 2 qol waxaa lagaa jarayaa boqolkiiba 25%.

-       Qolalka waxaa la badalay sidi hore ee loo seexin jiray caruurta oo caruurta ay da’doodu ka yar tahay 10 jir waa leysla seexinayaa wiil iyo gabar oo qol walbaa waxaa wadaagaya labo caruur. Haddii ay ka weyn yihiin 10 kana yar yihiin 16 jir waxaa leysla seexinayaa wiil iyo wiil, gabar iyo gabar. Haddii uu cunugu ka weyn yahay 16 qol ayuu xaq u yeelanayaa kaligii midkuu doono ha ahaaddo wiil iyo gabar.

-       Council Tax Benefit: - Council tax benefit oo aheyd lacagta canshuurta ee laga bixiyo dadka qaata ceyrta, magacii hore waa laga badaly oo waxaa loo bixiyey Council Tax Support, qof walbaana waxaa laga qaadayaa oo ceyr qaata boqolkiiba 20%, inta kale ayeey dowladdu ka bixinaysaa. Tusaale ahaan haddii lagaa shubi jiray lacag dhan £950.00/ sanadkii waxaad hadda bixinaysaa lacag dhan illaa iyo £200 ama £250/ sanadkiiba.

-       Housing benefit:- Councilada qaarkood laga bilaabo April 2013 waxaa ay jaryaan lacagta HB haddii uu qofku kaalmada uu qaataa ay todobaadkiiba ka badato qoysaska £500.00/ per week qofka kaligaa ahna £350.00 todobaadkiiba. Mar walbaan inta uu dhaqaalihiisa yahay ayeey qiimeynayaan oo wuxuu xaq u yeesho ayeey siinayaan todobadkiiba. Sida Haddaba ay magaalooyinka qaar kusoo cadeeyeen waraaqaha aya dadka u soo direen.

-       Unversal Credit: - universal credit waa system cusub oo waddanka oo dhan ka hirgali doona bisha October 2013 kaasoo ah in hal meel oo qura uu qofku lacagtiisa ka qaadanayo taaso meel isugu keenaysa lacagihii tirada badnaa ee meelaha kala duwan ka kala iman jiray sida Housing benefit, income support, jobseeker allowance, child tax credit iwm.. lacagahaas ma dhici doonaan in ay meelo kala duwan ka kala yimaadaan oo waxaa leysku oranayaa Universal Credit oo qofka hal mar ayaa loo soo shubayaa.

-       Universal credit waxa ay suurto gal ka dhigaysaa in qofna ama qoysna uusan qaadan doonin wax ka badan £500.00/ todobaadkiiba halka qofka kaligaa ahna uu qaadan doono £350.00/todobaadkiiba.

-       Univeral credit waxaa laga dalban karayaa oo kaliya Online oo ma jireyso meel aad si toos ah intaad u tagto ka dalbaneyso. Qofku computerka ayuu ka dalbanayaa.

-       Arintan waxa ay dhiiragalinaysaa in ay dadku shaqo raadsadaan ama qofka waqtiga yar shaqeeya uu saacadihiisa shaqada kordhiyo si uu u qaato working tax credit.

-       Arimahan aan soo sheegnay waxa ay gaar ku yihiin oo kaliya dadka jooga xilliga la shaqeysan karo, oo dadka waaweyn iyagu hadda arintan ma quseyneyso.

-       Arintaan waxa ay sameyn weyn ku yeelaneysaa qaasatan dadka degan magaalooyinka waaweyn sida London oo kale.

-       Sidoo kale waxaa jira benefityo kale oo isbadal ku dhacay iyagana dib baan ka soo sheegi doono haddii uu Allaha awooda iska leh yiraahdo.

-       Qofkii doonaya Faahfaahin dheeraad ah waxa uu nagala soo xiriiri karaa Somali Advice and information services (SOMINFOS) Mob 07949900582 ama e-mail saicentadv@yahoo.com.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser


Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;