SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Cali Samatar: Halyey Soomaaliyeed

Waxaa in dhowayd mareegaha Soomaaliyeed ka soo shaacbaxayay eedo iyo aflagaaddooyin aan loo meel dayin oo lagu oogay Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ku saabsan dad ay waxyeello ka soo gaareen dagaalladii dalka ka qarxay siddeetameeyadii. Jeneraal Cali Samatar waxa uu xubin sare ka ahaa hoggaankii sutiga dalka hayay ‘70dii iyo ‘80dii. Waxa uu hawlo ka soo qabtay Golihii Sare ee Xisbigii Hantiwadaaggii Kacaanka Soomaaliyeed iyo ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS). Waxa uu gutay waajibaadkiisii waddannimo iyo Soomaalinnimo ee uu u guntaday; taas oo faraysay in uu dal iyo dad ka difaaco cadow gude iyo mid dibadeed ba. Masuul ahaan intaas ka yar lagama fileen lagama na aqbaleen garaad ahaan. Waa halyey Soomaaliyeed u soo halgamay dadkiisa iyo dalkiisa.

Soomaaliya waxaa dabayaaqadii toddobaatameeyadii iyo horraantii siddeetameeyadii ka curtay dagaallo sokeeye oo isa soo tarayay, dhammaantood Itoobiya ayaa laga soo abaabulay oo waxaa hormuud u ahaa rag badan oo canshuuntii Soomaaliya wax lagu soo baray. Raggaasu waxay dalka u ahaayeen cadow sokeeye (jabhadihii) la saftay cadow shisheeyeed (Itoobiya) oo u hanqal taagayay burburinta qarannimada iyo jiritaanka jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Godobta ay galeen ma ahayn mid cayiman oo soohdin leh. Waxay ujeeddooyinkoodii u tiigsadeen wax wal ba oo ay awoodeen. Waxaa ka mid ahaa; gudbinta sirta dalka, afduub sibil iyo militeri, isku dirka qabiillada, idaacado lagu baahiyo cadaawad gudaha laga dhaliyo oo cadowgu maalgeliyay, miinaynta waddooyinka, dhaca bangiyada, dhaca hantida dadweynaha, baxsad iyo waxyaalo kale oo qaran lagu dhabarjebiyo intii tabartood. Waxaa jiray qaar ka waantoobay markii ay garawsho u yeesheen fadqalallada ay u geysanayeen dadkooda iyo dalkooda, kuwaas oo dalka iyo dadku ba cafis u fidiyay ugu dambayn.

Intaas oo waxyeello iyo hagardaamooyinkii taxanaha ahaa ee ay u maleegeen dalkooda ayaa waxay ku saan saabnaayeen gocashooyin qabiileed ama tabashooyin dhaqaale oo waayahaas guud ahaan ba dalka ka jiray. Run ahaantii duruufihii waayahaas baahsanaa ee dalka ka jiray kuma koobnayn Soomaaliya keliya ee waxaan la wadaagnay dalal badan oo soo korayay. Hoggaan militariyeed, dhaqaale abaaday, sibil gadooday iyo dhammaantoodii arrimihii qallafsanaa ee waayuhu sideen ee siddeetameeyadii Soomaaliya aafeeyay waxay ka jireen Afrika badankeed. Waa na midda dhalisay in talisyaal badan burbur soo foodsaaray horraantii sagaashameeyadii. Itoobiya lafteedu waa ay nala wadaagtay duruufahaas, maanta na labada dal xalkoodu waa kaaf iyo kala dheeri, oo waxay Itoobiyaanku Soomaalida u arkaan dad liita garasho ahaan. (Itoobiyaanku waxay Soomaalida ugu faanaan in ay dagaalladii sokeeye uga gudbeen haybad iyo hannaan dadnimeed dhalad ah oo ay Soomaalidu ka maran tahay.)

Duruufihii dunida saddexaad ee ‘70dii iyo ‘80dii Soomaali wixii u xigay waa la wada ogsoon yahay. Kurka ayay faas af beelay iskala dhacday. Soomaaliyi sida dadyowga kale ugama soo kaban aafooyinkii. Waxyaalo badan baa taas u sabab ah; ugu horrayn; Soomaalida oo aan lahayn aqoonta indheergarashada dadyowga kale ee Afrika. Waxaa burburay haykalkii aqooneed ee Soomaaliyeed, waxaa xigay dhammaan tiirarkii bulsheed oo dhan. Aqoon beddelkeed na dareen lar, ciil iyo caadifad uur mariid oo caqliga maran lagu garto ayaa dhisaalaysan. In badan baa culummada saynisku gorfayn ku ogaatay camalkaasu saamaynta uu bulsho ama qof ku yeesho. Wax badan baa laga qoray oo bulshooyinka loo bandhigay laga na waaniyay dib-u-dhaca iyo dhibaatooyinka uu la imaan karo. Aqoontu na waa qaabka keliya ee looga barbaaro habkaan Soomaali ahaan laga ahaan iyo ekaan waayay.

Dagaal na marka uu dhaco laba koox ayaa is hardida, labadu ba waa ay leeyihiin masuuliyadda khasaaraha. Mar na ba dheef ma wadaagaan sababta oo ah dagaal dheef ma leh (mar adaa wax yeelay mar na adaa lagu yeelay). Teer iyo inta ay Soomaalidu isla meelayso falanqaynta dhaqammada silloon ee camalkaas ee ay ka waantowdo mindi mindi ku taag, reerkayga ayaa reerkaaga ka habboon, aan aargoosanno, iyo caadooyinka la mid ah ee aan laqa qaangaarin, waxyeellada camalku facyada dambe ayay hogol colaadeed u ballaysimaysaa.

Mudane Cali Samatar waxa uu ka hor tegay koox uu madaxweynihii hore ee Itoobiya soo hubeeyay oo heeshiis kula galay kala goynta Soomaaliya. Jabhaddii SNM ayaa dagaal bareer ah ku soo qaadday magaalooyinka gobollada waqooyiga Soomaaliya oo ku dhex dagaallantay dadkii si ay u fuliso hammigeedii. Waxay himmiladeedu ahayd xaqiijinta tabaabushlaha ahaa in qabiilka Isaaqu yeesho dal u gooni ah keligood. Waxay jabhaddu taageero ka heshay qabiilka oo ay gabbaati ka dhigatay dadkii magaalooyinka iyo tuulooyinka oo ay xidid ahaayeen, asii horraantii dagaallada dad badan oo waqooyiga u dhashay ujeeddadaas mid gurracan u arkay oo qaaddacay oo dawladda Soomaaliyeed la safnaa. Waxaa jabhadda guddoominayay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo haatan ah madaxweynaha maamulka Soomaalilaan oo weli adduunweynaha ka baadigooba aqoonsi caalamiyeed la siiyo qabiilkiisa dal ahaan. Dadkii qaxoontiga ahaa ee deggenaa gobolladaas iyo dadkii kale ee deggenaa Awdal, Togdheer, Waqooyi Galbeed, Sool iyo Sanaag ayay jabhaddii SNM ee uu Siilaanyo hoggaaminayay xaaqid qabiilaysan ku bilawday. Dabadeed markii adduunweynuhu diidmo hoosta uga xariiqay qaybinta Soomaaliya ayaa lafihii dadkii qaxoonta ahaa la soo faagay oo la yiri waa sibil ay XDS laayeen.

Haddii Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Itoobiya dalka iyo dadka ku soo hoggaanshay (heshiiskii labada dal dhexmaray ka dib) oo uu hubkii gaasas dhan oo ka tirsanaa ciidammadii Itoobiya ku harqiyay Hargaysa, Burco iyo magaalooyin kale oo uu dagaalka dad badan oo aan beeshiisa aan u dhalan ku waxyeelleeyey; isna ma halyey baa? Mise dambiile-dagaal?

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dagaal dhex maray. Doodda ku saabsan Mudane Cali Samatar gundhiggeedu waa halkaas. Ma halyey baa? Mise dambiile-dagaal? Labada jawaabood waxaa kala leh labo dhinac oo Soomaali ah oo uu qaar u ahaa nin difaacay dalkiisa, qaar na dambiile-dagaal laayay dadkoodii u dagaallamayay dal ay dhisaan. Labada dhan aad ayay u kala dheer yihiin aragti ahaan, waa se hubaal oo dhaqan Soomaaliyeedka waayahaan dambe hirgalay ee ka arradan hor-u-socodnimadu ayaa meesha ka dhalaalaya. Taas oo sii ragaadinaysa xal waara iyo xasuus wanaagsan.

Waxaa xal buuxa lagu hanan karaa ayada oo niyadsami, Soomaalinnimo, caddaalad dheellitiran iyo meeqaam Soomaaliyeed lagu tashado oo lagu falanqeeyo dhammaan tabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed. Sababta oo ah dhanka kale; nin argaggixisadiidu waa nin kale halyeygiis, nin na halyeygiisu waa nin kale argaggixisadiis. Dhankaan waxaa yaal colaad iyo caddaalad darro hor leh oo aan laga fiirsan oo la mid ah halkii eedaha bilawgoodu ka agaasimmay.

Caddaalad waxaa lagu hantaa wadahadal iyo maan sugan oo runta la bahoobay. Halkaas baa baxdadii shalay loogu gar bixin karaa oo intii aafoowday boogta looga dhayi karaa, oo joogtada maantayto lagu dheehan karaa, oo timaaddada beritoole macaankeeda lagu dhadhansan karaa qaraarkeeda na lagu duwi karaa. Waa sida ay faleen waddammadii Soomaaliya la wadaagay waayihii dagaalladu curteen iyo marxalahadihii oo Itoobiyadii lala diriray dhexdeeda ka dhacday, maanta na Muqdisho iyo Addis Ababa safaarado isweydaarsannay oo tagtadii hore baal loogu laabay. Waa sidaas sida Soomaaliyi ku badbaadi karto isir ahaan oo ay dadyow iyo dalal kale wax kula wadaagi karto. Umad kale dunida wax ba kulama yeelan karto oo dad kale lama heshiin karto haddii ayadu heshiin weydo. Bulshoweynta Soomaaliyeed na inta wanaagga u heellan waxay mudan tahay bogaadin la xiriirta waayo’aragnimadeeda iyo Soomaalinnimadeeda ay kaga garwaaqsadeen aargoosi iyo dib-u-guclayn joogto ah ama oofo la faago inta ba.

Mudane Cali Samatar waa halyey Soomaaliyeed. Dal cadow ah uma tegin oo hub iyo saanad uu dadka iyo dalka Soomaaliyeed ku burburiyo kama uu soo qaadan. Intii uu dal iyo dad difaacay ayuu mudnaan u leeyahay. Waxaa ka mid ah dadkii ka cararay magaalooyinkii jabhaduhu weerareen oo magaalooyin nabdoon nolosha ku simay. Inta Soomaalinnimada qaddarisa oo maankoodu saafi yahay ayaa u hiillinaysa. Inta calanka Soomaaliyeed kor ka yeeshay ayaa ka difaacaysa kuwa calanka Soomaaliyeed gubay oo shisheeye la saftay. Intaas ayuu halyeey ku yahay oo uu taariikhda soojireenka Soomaaliyeed mudnaan ugu yeeshay. Intaas iyo inteer ayay bulshoweynta Soomaaliyeed hiil iyo hoo’ ula garab taagan tahay.

Waxaa aakid ah in uu nin na agnaan ka ahayn dagaalkaas iyo dagaalladii Soomaaliya aafeeyay oo dhan. Maadaama Soomaalidu ay wax ba isla meeldhigi karin, waxaa habboon dawladdu in ay xaajada la tiigsado xeerarka dalka u yaal ee lagu maamuuso halyeyda ee ka madaxbannaan aanooyin qabiileed. Intii caddaalad darro tebaysa ha ugu hagaagto waaxyaha caddaaladda dawladda Soomaaliyeed.

Mahad Kooshin

mahadkooshin@hotmail.com

Qoraalladii hore ee ku saabsan Cali Samatar http://somalitalk.com/tag/cali-samatar/

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;