SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra’iisul Wasaare Shirdoon Oo Cambaareeyey Qaraxii Jimcadii Ka Dhacay Makhaayada U Dhow Xeebta Liido

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii (Jimce, 01, Mar, 2013) ka dhacay Makhaayad ku dhow xeebta liido halkaas oo ay ku dhaawacmeen todoba qof.

“Argagixisadu waxay caadaysatay inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna hadda u muuqdaan inay yihiin naf lacaari marba hadii dagaalkoodii ku soo ururay inay dhalinyaro la marin habaabiyey qaraxyo ku soo rakibaan, waxaan u sheegayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga midoobo la dagaalanka Argagaxisada, maxaa yeelay maahan kuwo beegsanaya Dowladda oo qura ee waxay beegsanayaan shacabka qaybihiisa kala duwan” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Saacid

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa Eebe uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii maanta. Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan si looga hortago cadowga duulaanka ku soo qaaday.

---DHAMAAD---


--
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;