SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey Aaskiisii ka dib oo Saxaafada Sheegtey in ay sii Socon doonaan Howlaha Saxaafadda

Alle Ha u Naxariistee Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey oo ka mid ahaa Dadkii Shalay ku Dhaawacmay Qaraxii Ex, Fiyoore oo Xalay ku Geeryooday Isbitaal Madiina ayaa saaka lagu Aasey Magaalada Muqdisho.Aaska Marxuumka oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay Saxaafaddu u horeysey ayaa waxaa halkaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay Mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Ehelada Marxuumka.

Xoghayaha Guud ee Nusoj Maxamed Ibraahim Bakistaan oo Aaska kaddib halkaa ka hadlay ayaa ugu horeynba waxa uu Alle uga Baryay Wariyaha in Ilaaheey Naxariistii Janno uu ka Waraabiyo Eheladii Saxafiyiintii iyo Qaraabadii kale ee uu ka tagayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Bakistaan ayaa sheegay in Sanadkan Weriye Nuxurkeey in uu noqonayo wariyhii labaad ee lagu Dilo gudaha Magaalada Muqdisho isagoona intaa raaciyay in Wariyaasha ka shaqeeya Soomaaliya waayadii dambe ay ku shaqaynayeen xaalad aad u daran isla markaana qaar badan oo ka mid ah ay ku waayeen Naftoodii khaaliga ahayd.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Bakistaan ayaa sheegey in shaqada Saxaafaddu ay sii socon doonto Wariyayaasha iyo bahda Saxaafaduna aysan hawlahooda u joojinayn cagjuglayn iyo isku day Dil oo loo gaysto.

Ugu dambayntii ayuu Xoghayaha ugu yeeray Saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay ka dhabeeyaan isku duubnidooda iyo meel uga soo wada jeedkooda dhibaatooyinka loo gaysnayo.

Qaar ka mid ah ehelada marxuumka oo iyaguna goobtaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda Nuxurkey oo ay ku sheegeen inuu ku dhashay Gobolka Shabeelaha Hoose, tacliintiisana uu halkaa ku qaatay.

Ehelada ayaa xustay in Nuxurkey uu Ifka uga tegay hal wiil oo seddax Bilood jir ah iyo Hooyadiisa iyagoona ka codsaday Saxafiyiintii iyo dadkii kale ee halkaa isugu yimid in ay iska wada cafiyaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;