SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Madaxda Dawladda Federaalka oo Cambaareeyey Qaraxii Muqdisho ka dhacay

Warsaxaafadeedyo ka soo baxay xafiisyada Shiikh Xasan, Shirdoon iyo Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, ex-Fayora kuna dhagan xarunta Tiyaatarka ee degmada Xamerweyne. Qaraxaan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 10 qof, ayna ku dhaawacmeen 15 qof. Waxaana DFS ay qaraxaas ku eedaysay in ay ka dambeeyaan Kooxda Al-shabaab.

Warsaxaafadeedyadaas hoos ka akhri:

Madaxweynaha oo aad u dhaleeceeyay qaraxii foosha xumaa ee maanta dhacay.

JS/XM/DOC/ 617/13

(Muqdisho,Soomaaliya, Maarso,17, 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamuud ayaa si xoogan u dhaleeceyay qaraxii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.


Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladda iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen shacabkii maanta ku shahiiday qaraxii dhacay” saa waxaa yiri Madaxweynaha.

“Waxaan qiyaasi karnaa in ay qaraxan ka danbeeyaan Kooxda Al-Shabaab oo looga guuleysanayo dagaalkii dhanka militariga ahaa. Sidaas daraadeed waxey waqtigooda siiyeen in ay shacabka masaakiinta ah argagax geliyaan ayna si arxan darro ah u laayaan. Waa in aan si wada-jir ah ugu hor-jeesano cadawga”

“Waan guuleysanay waana sii guuleysan doonaa, cadawgan aduunka hoy kuma laho, sidaas darteedna waa in aan u diidnaa in Soomaaliyo uu hoy ku yeesho.”

“Mar kale Waxaan rabaa in aan u tacsiyeeyo shacabkii ku geeriyoday qaraxaas foosha xun ee ku yimid muwadiniinta Soomaaliyeed.”
--

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir:Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta, Villa Soomaaliya, media@presidency.gov.so


Ref: XRW/OM/PR 0305/03/13 18, Mar, 2013

War Saxafadeed

Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ee manta Ex-fiyoora

Isniin 18, Mar, 2013… Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii maanta kooxaha nabad diidka ahi la beegsadeed xarunta Ex-Fayora ee degmada Xamerweyne.

Qaraxaan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 10 qof ayadoo dad gaaraya 15 ay ku dhaawacmeen. Qaraxan ayaa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan ex-Fayora kuna dhagan xarunta Tiyaatarka Qaranka. Waxaa lala beegsaday baabuurtii wadada maraysan ayadoo khasaraha ugu badana uu gaaray dad rayid ah oo saarnaa bas rakaab ah oo marayay goobtaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii maanta uu ahaa kii ugu xumaa in mudaa isagoona ku tilmaamay xasuuq loo gaystay shacbi Soomaaliyeed oo an waxba galbsan.

“Aad ayaan u cambaaraynaynaa falkaas gumaadka ah, waa wixii lagu yaqaaney kuwa nabad diidka ah, ee gumaada shacbiga Soomaaliyeed. Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed, anoo si gaar ah u tacsiyaynaya ehelada iyo qaraabada intii ku dhimatay iyo qof kasta oo wax ka soo gaareen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ciidamada amniga inay habeen iyo maalin u soo jeedaan siday shacabka uga difaaci lahaayeen dhagar qabayaashaas.

---DHAMAAD---

Ahmed Adan

Madaxa Xafiiska Warbaahinta
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
Email: media@opm.gov.so


Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Kulul U Cambaareeyey Qaraxii Bahalnimo Ee Maanta, Tacsina U Diray Shacabkii Ku Geeriyooday….WARSAXAAFADEED

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii bahalnimo ee ay maanta Maleeshiyaadka argigixisada ah ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dadkii weerarkaasi foosha xun ku geeriyooday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri” INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, runtii waxaan dareenka murugada iyo xanuunka leh la qeybsanayaa dadka Soomaaliyeed ee maanta ay gacanta ka gardaran ku xasuuqday magaalada Muqdisho, runtii waa fal cadawtooyo ah oo aad u xun”

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa markale yiri” waa fal aan diinta Islaamka raad ku laheyn in dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan lagu haligo qarax ayaga oo danahooda raacanaya, dadkii shacabka ahaa ee maanta ay argigixisadu goobtaas ku dileen ma aheyn kuwo siyaasad ama dhinac la safan, wuxuuna falkaasi cadeynayaa cadaawadda ay argigixisadu u qabaan shacabka Soomaaliyeed oo ah iney nabadda iyo hormarka u diidan yihiin.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dadkii shacabka ahaa ee goobtaasi ku geeriyooday isaga oo Alle uga baryey dadkii goobtaasi ku geeriyooday inuu naxariistiisa jano siiyo,eheladooda iyo qaraabadoodana uu samir iyo iimaan kasiiyo.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney meel ugasoo wada jeestaan cadawgooda islamarkaana aysan falalka argigixisada ah ka niyad jebin hormarka ay hiigsanayaan.

-----DHAMAAD-----
Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ugu Hambalyeeyey Dhigiisa Dalka Jabuuti Guusha Uu Ka Gaaray Doorashooyinka Baarlamaanka Dalkaasi…WARSAXAAFADEED

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu hambalyeeyey dhigiisa Dalka Jabuuti Mudane Idiris Arnaa’uud Cali guusha uu ka gaaray doorashooyinka Baarlamaanniga Dalkaasi.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa ugu horeyn yiri”waxaan rabaa ugu horeyn inaan halkaan ku muujiyo dareenkeyga ku aadan walaalkeeyga Idiris Arnaa’uud Cali oo mar labaad dib loogu doortay inuu noqdo hogaamiyaha Golaha Xildhibaannada Qaranka reer Jabuuti aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in walaalkeyga uu mar labaad kusoo noqday jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti”

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa markale yiri” walaalkeyga Idiris waa nin waayo arag ah oo wadaninimo,aqoon iyo akhyaarnimo isku darsaday oo hogaaminkara Baarlamaanka Jabuuti mudadii koobneyd ee uu soo booqday halkaan Muqdisho waxa uu aad noogu dhiirageliyey inaan sii wadno howlaha aan u heyno shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mar labaad waan u Hambalyeynayaa”

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Alle uga baryey in Gudoomiyaha iyo Xildhibaannada cusub ee dalka Jabuuti uu la garabgallo xilka loo dhiibay islamarkaana ay ka shaqeeyaan ilaalinta danaha shacabka Jabuuti iyo Soomaaliya, Towfiiqdana Alle waafiyo , sidoo kalena waxa uu Gudoomiyuhu kula dardaarmay Baarlamaanka Dalka Jabuuti iyo hogaankoodaba iney hirgeliyaan rabitaanka shacabkooda iyo shuruuc Dalkooda hormarineysa “HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO, ALLE HA IDIINLA GARAB GALLO”

-----DHAMAAD-----

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;