SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

  • Maxkamada oo Go’aamisey in aan wax Mag dhow ah la Weydiisan Karin Hayadihii ku Lugta lahaa Dacwdaan
  • Ra’iisal Wasaaraha oo soo dhoweeyey sii deynta Weriye Cabdicasiis
  • Labaatan iyo Laba Sanno ka dib oo Shirkadda Diyaaradaha ee AL-YAMDA Soomaaliya ka Bilaabeyso Duulimaadyadeedii Caadiga ahaa

Maxakamda Sare oo Xukuntey in Wariye Cabdicasiis Koronto Dib loogu Celiyo Xoriyadiisa

Maxkamada oo Go’aamisey in aan wax Mag dhow ah la Weydiisan Karin Hayadihii ku Lugta lahaa Dacwdaan

Waxaa maanta, Axad March 17, 2013, Mar kale Maxkamadda Sare ay u farsiisatey Dacwadii Wariye Cabdicasiis Koronto ka dib markii Qareenadda u doodaya Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim ay Racfaan ka qaateen Xukun ay Ridey Maxkamadda Racfaanka taasoo Wariye Cabdicasiis Koronto ay ku Xukuntey Lix Bilood oo Xarig waxayna Maxkamada Xariga ka sii deysey Luul Cali Cismaan oo iyadu sheegtey in la Kufsadey hase yeeshee Maxkamada ay Dambigii lagu soo eedeeyey ku weysey .

Waxaa maanta Goob joog ka ahaa Xukunka Maxkamada Sare Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta , Hayadaha u dooda Xaquuqda Aadanah , Qaraabada Wariye Cabdi Casiis Koronto iyo Dadweyne kale , waxaa Dhegeysiga Dacwadaasi ay Bilaabatey Xiligii Duhunimo, waxaana Dacwada qaadayey Gudoomiyaha Maxakamada Sare Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf waxaana ugu horeyntii uu ka codsadey Qareenada u doodaya Cabdicasiis Koronto, ee Maxamed Maxamuud Afrx iyo Cabdikariim Xuseen Gorod in ay bilaabaan Hadalka waxayna sheegeen in Cabducasiis Koronto Qododabada hore lagu soo eedeeye ay yihin kuwa aan waxba ka jirin iyagoo Maxkamada sare ay ka Codsadeen in ay Go’aan Cadaalad ah ka gaarto

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka Cabduqaadir Maxamed Muuse oo halkaa ka Caddeeyey in Dacwada Wariye Cabdicasiis Koronto markii hore ay Aas Aaskeedii ay ka Xumeyd , Isagooo sheagey in Cabdicasiis uu ka mid yahay dadka uu raadinayo Xaquuqdiisa ama u doodayo wuxuuna ka Codsadey Gudoomiyaha Maxkamada Sare in ay Go’aan ka qaadato Dacwada Wariye Cabdicasiis Koronto.

Ka dib waxaa isku noqdey Gudoomiyaha Maxkamada Caydiid Ilka Xanaf iyo Garsoorayaashiisa waxayna si weyn ula soo daaheen ku dhawaaqida Go’aanka Dacwada Cabdicasiis Koronto taaasoo ay si aad uga Caajiseen dadkii ka qaybgaley Dhageysiga dacwada hase yeeshee Goor Dambe ayaa Gudoomiyaha Maxakamda Sare uu ku dhawaaqey Goaanka wuxuuna sheegey in Wariye Cabdicasiis uusan lahayn wax dambi taasoo uu sheegey in Maxkamada ay Go’aan ku gaartey in Dib loogu Celiyo Xoriyadiisa , hase eyeshee waxay Maxkamada ay amartey in aan Wax Magdhow ah loo qabsan Karin Hayadihii ku Lugta lahaa Dacwadaani

somalitalk's axorriyad album on Photobucket


Marki ay Maxkamada ay Go’aamisey in Cabdicasiis loo celiyo Xoriyadiisa ayaa Waxaa Maxkamamada shir jaraaid ku qabtey Labada Qareen ee u doodayey wariyey Cabdicasiis Koronto waa Afrax iyo Gorord oo ugu Horeyntii u Mahadceliyey Maxkamada Sare oo ay sheegeen in ay si wanaagsan ku soo Gabagabeeysey Dacwadii Cabdicasiis Koronto sidoo kale waxaa isna Saxaafadda la Hadley Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim oo isna u Mahadceliyey intii Gacan ka geystatey in uu dib u helo Xoriyadiisa , sidoo kale waxaa u si gaar ah ugu Mahadceliye Labadiisa Qareen oo uu sheegey in ay qabteen Howl aad u wanaagsan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Ra’iisal Wasaaraha oo soo dhoweeyey sii deynta Weriye Cabdicasiis

March 17, 2013:… Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa soo dhoweeyey sii deynta weriye Cabdicasiis Ibraahim Koronto oo in muddo ah ku jiray xabsiga.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday maanta oo ay taariikhdu tahay March 17, in la sii daayay weriye Koronto, waxayna arrintani ka dambeysay kadib markii maxkamada racfaanku dib u-furtay dacwadiisa. Ra’iisal Wasaaraha oo arrintas soo dhaweeyay ayaan horaan ka dalbaday hay’adda garsoorka in dacwada weriyaha la marsiiyo wado waafaqsan sharciga.

“Runtii waa talaabo wanaagsan, sii deynta weriyaha, waana soo dhoweyneynaa” ayuu yiri R.wasaaraha oo intaasi ku daray in dawladdu ay adkeyneyso balanqaadeeda ku aadan illaalinta xuquuqda wariyeyaasha iyo xurmeynta xorriyadda qawlka.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa xusay inuu si weyn hoos ugu dhacay weeraradii loo gaysan suxufiyiinta ayna wali taagan tahay abaalmarintii $50,000 (konton kun oo Dollar) ee lagu bixinayay cidii soo sheegta dhagar qabayaasha wax-yeelada ugu gaysta wariyeyaasha. Wuxuuna kula dardaarmay bahda warfaafinta inay ka qeybqaataan dib u-dhiska iyo horumarinta dalka, si loo helo nabad iyo xasilooni waarta.

----DHAMAAD-----

Ahmed Adan
Madaxa Xafiiska Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 0028
 


Labaatan iyo Laba Sanno ka dib oo Shirkadda Diyaaradaha ee AL-YAMDA Soomaaliya ka Bilaabeyso Duulimaadyadeedii Caadiga ahaa

Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaarey wafdiga ka socda Shirkada Diyaaradaha ee Yaman (Alyamda) oo Barismaadkii Duulimaadyo ku imaan jirtey Soomaaliya taasoo ka shaqeyn jirtey isku Socodka Labada Shacab ee Soomaaliya iyo Yaman , waxaana uu Wafdigaasi kula la qaatey Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka

Cabdilaahi Ciil Mooge Xirsi oo ka Hadley kulankii ay la qaateen Madaxda Shirkada ee Yaman ayaa sheegey in Kulankooda uu ahaa mid la doonayey in dib loo soo celiyo Xiriirkii soo jireenka ee ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Yaman “Aad baan ugu faraxsanahay in Shirkadda Diyaaradaha ee Alyamda ay Duulimaad ka bilowdo Soomaaliya “ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo sheegey in Dowlada Federaalka ay dooneyso in dib loo soo nooleeyo Adeegyadii Shirkada Diyaaeradaha ee Yaman.

Waxaa sidoo kale Kulankaasi dhex marey Wasaarada Warfaafinta iyo Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Madaxda Shirkada Diyaaradaha ee AlYamda ka Hadley Agaasime ku xigeenka Shirkada Xusni Cali Xaydari ayaa ugu horeyntii u mahadceliyey intii ku soo dhaweysey dalka , wuxuuna Sheegey in dib u soo Labaashada Shirkada Diyaaradaha ee Yaman ay tahay Ifafaalaha Nabdeed ee ka jira Soomaaliya , wxuuna arrinkaan ku tilmaamey mid sii Xoojineysa Xiriirka Dheer e ka Dhexeeya Soomaaliya iyo Yaman.

Kulankaan ayaa waxa Goob Joog ka ahaa Danjiraha Dowlada Yaman u fadhiya Soomaaliya wuxuuna Sheegey in Dowlada Yamany ay si weyn u faraxsan tahay una soo dhaweyneyso in dib loo soo celiya Dulimaadyadii Shirkada Diyaaradaha ee Alyamda oo muddo 22 Sanno ay aysan ka shaqeyn dalla soomaaliya taasoo ugu wacan Dagaaladii Sokeeye ee ka jirey Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;