SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Qareen Xaawo Xaaji Sabriye “In aan Qareen ka Noqdo Dacwada la Xiriirta TV-ga Universal waxaa ii soo Wakiishey Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow”

Si aan wax badan uga ogoono Dacwad la sheegey in ay ka taagan tahay Milkiyada Telifishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal ayaa waxaa noo Suurata gashey in aan arrintaa ka Wareysano Qareen Xaawo Xaaji Sabriye oo Qareen u ah Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow oo isagu sheeganaya Milkiyada Telifishinka Universal waxayna Tiri mar aan wax ka weydiiney in ay Jirto Dacwadaas oo laga furey Maxakamada Gobolka Banaadir iyo in ay Qareen u tahay mid ka mid Ragga isku haya Milkiilinimada Telifishinka Universal “ Haa waa Jirtaa Waxaa Wakaalasho la Xiriirta ama Ogolaansho ku saabsan Dacwada Talefishinka Universal ii soo direy Cabduqaadir Maxamed Aadan oo ku sugan Dalka Norway Magaalada Oslo.

Waxaa weydiiyey Qareen Xaawo Xaaji Sabriye in ay u gudbiyeen Dacwdaasi Dhinaca kale e Dacwada loo haysto waxayna Tiri” Warqad la Xiriirta Dacwadaasi ayaan loo direy Dhinaca Dacwda loo haysto si ay ugu soo jawaabaan , Nasiib wanaag waxaa noo yimid nin ka socda Shirkada waxayna Codsadeen in arrinta Waan Waan lagu dhameeyo , anaga waan ka aqbaley hase yeeshee Labadii Dhinac waa isku Afgaran waayeen Waan Waantii , waxaana Dacwaddii Dib loogu celiyey Maakamada waayo Sharciga ayaan noo Ogolaanaya haddii Labada Dhinac ay Heshiin waayaan in dib loogu celiyo Garsoorihii ama Maxkamadii ku jirtey “

Qareen Xaawi Xaaji Sabiye waxay sheegtey in ay Codsadeen in laga bedelo Garsooraha haatan Dacwada ku jira, waxayna sheegtey in Waqti aan dheereeyn Maxakamada u soo Magacaabi doonto Garsoore kale si uu halkaasi ugu sii Dhaqaajiyo Dacwadda la xiriirta Telfishinka Universal , waxay kaloo sheegtey in Dacwadaasi ay ku dhamaan doonto sida ay rajeynayaan .

Mar aan weydiiiyey Qareen Xaawo Xaaji Sabriye in Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow uu ka Codsadey in inta ay Dacwda socoto Albaabada la isugu Dhufto Telifishinka Universal Xafiiska Muqdisho waxay Xaawo Xaaji Sabriye ku Jawaabtey “ Cabduqaadir Baariyow waa iga Codsadey in arrintaas aan Xooga Saaro waxaana rajeynayaa in Maxkamadda joojiso howlaha Telifishinka Universal gaar ahaan Xafiiska Muqdisho ,taasina waxaan rajeyneynaa in uu uu naga aqabali doonao Garsooraha galaya dacwdaasi.

Qareen Xaawo Xaaji Sabriye waa Haweeneyda kaliye ee ku shaqeysata Qareenimo inkastoo ay sheegtey in ay jiraa Haween kale laakin Keligeed ayaa haatan ku shaqeysta Howlaha Qareenimada ,waxayna Xaawo Howlaha Qareenimada iyo Garsoorka ku soo jirtey Muddo 37 Sanno ah waa Ardeydii ka qalin jabisey jaamacada Gaheyr gaar ahaan Kuliyadii Sharciga waxay hore u soo noqtey Garsoore Gobol iyo Degmo,waa Haweeney aad ugu firfircoon Howlaha la xiriira Qareenimada, waxay Waxbarasho u aadey Wadamada Jabuuti, Uganda, iyo Bakistaan.

Cabdiqaadir Maxamed Aadan Baariyow ayaa sheegey Dacwad la mid ah midda ka furantey Magaalada Muqdisho ay ka furmi doonto Wadamo badan Adduunka ka mid ah waayo waxaa uu sheegey in dib u soo celinta Hantidiisa uu u mari doono Hab Sharciga Waafaqsan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;