SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Somaliland oo Puntland ku wareejisey Maamulihii Shirqoolkii lagu dilay Sh. Cabdulqaadir, oo Garoowe la keenay

Maamulka Somaliland ayaa ku wareejiyey maamulka Puntland Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) oo Laascaano u baxsaday kadib markii, sida xogta lagu helay, uu fulay dilkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax loogu gaystay isagoo Salaada Casar ku jira Masaajidka Badar ee Magaalada Garoowe.

Muuse Ibraahim Mohamed Dannane oo ah ninkii gaariga Laascaanood uga soo doonay Caynte ayaa isna wali ku xiran Hargaysa, labada maamul ilaa hada mashaacin wax ku saabsan Dannane.

Xog Somalitalk heshay ayaa tibaaxaysa, in Caynte uu ahaa ninka hagayay shirqoolka, Garoowena kusoo dhaweeyey, gurina u kireeyey, hubkana isugu siiyey, markii Sheikh la dilayeyna ay wada socdeen Cabdiraxman Xuseen Jama Bille oo ah ninkii laqabtay markii xabadihii iyo bombaddii ka dhamaadeen, hadana ku xiran Garoowe.

Xogo kale oo Somalitalk heshay ayaa sheegaya in dadka loo qabqabtay dilkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax kadib ay gaarayaan in ka badan 60 qofood oo isugu jira rag iyo dumar, waxaana ka mid ah dadka la tuhunkaas u xiran, Shariif Siyaad Ciye (abuu Ibraahiim).

Dilka Sheikh Cabdulqadir ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen Kooxda Al-Shabaab, sida maamulka Puntland iyo Culimmada Soomaaliyeed in badan ku celceliyeen bayaanadooda iyo Muxaadaraad koodana ku sheegeen. Sidoo kale xog laga hayo dadka Sheikha dilkiisa loo hayo ayaa sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;