SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xaaladda Caafimaad ee Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho oo si weyn Laga Deyrinayo

Waxaa ku xiran in ka badasn 2 kun oo Maxbuus

Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa xiligan waxa uu yahay mid la Ciir Ciiraya Maxaabiis aad u fara badan oo tiradoodu ay gaarayso illaa Laba kun oo Maxbuus.Xaaladan Buux Dhaafka ah ee Xabsiga ayaa waxa ay keentay in halkaasi uu ka dillaaco Cudurka Shuban Biyoodka isla markaana uu cudurkaasi u dhinto mid ka mid ahaa Maxaabiista halkaa ku xiran.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Xasan Xuseen Cusmaan oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntaas ayaa sheegay in Maxaabiistu aad u fara badan tahay xabsigana uu noqday midka keliya ee haatan qaban kara Maxaabiista la soo Xukumo ama kuwa Xukun sugayaasha ah.

Gen. Cusmaan ayaa hoosta ka xarriiqay in Dhulkii ay lahayd Hay’adda Asluubta haatan ay qaarkood burbureen halka qaar kalena ay deggan yihiin Dad Rayid ah taasoo shaqadii Ciidanka oo dhan isugu ururtay Xarunta Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa mar uu ka hadlayay xaaladda caafimaad ee xiligan ka jirta halkaas sheegay in ay jirto Xaalad Nafaqo darro iyo xiliga oo ah Bishii Maarso oo Xiliyada ugu kulul ah taasina ay sababtay in illaa afar ruux oo maxaabiista ka mid ah uu soo rito Cudurka Shuban Biyoodka haatana Isbitaalada lagu dabiibayo.

Taliyaha ayaa baaq u diray Hay’adaha caalamka iyo dawladda Federaalka Soomaaliya isagoona ugu baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro Maxaabiista Jeylkaas ku Xiran isla markaana wax laga qabto Xaaladda Caafimaad darro ee haatan ka jirta Xabsigaas.

Gen. Xuseen Xasan Cusmaan ayaa dhinaca kale baaq u diray dad weynaha degan Xarumihii Ciidanka Asluubta isagoona uga baaqay in ay baneeyaan xarumahaas si dib u dhis loogu sameeyo isla markaana hawlaha Ciidanka halkaa loogu qabto.Si kastaba xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa iminka ku xiran Maxaabiis aad u fara badan iyadoo xabsigaasi qudhiisu uu yahay mid gaboobay una baahan in wax badan laga bedelo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;