SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xaflad ku Aadan Ardey ka Qalin Jabisey Jaamacada Hope University ee Master Degree-ga oo maanta ka Dhacdey Magaalada Muqdisho.

Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad Qalin Jebin ah ee Jaamacada Hope University ee la Ologga ah (Partner) Jaamacadda Kampala University waxa ay Xafladaasi ay ahayd Qalin jabinta Master Degree-ga, waxaana Xafladaasi ka Qayb galey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari , Gudoomiye ku Xigaanka Baarlamaanka Mahad Cawad Cabdalla , Wasiiro , Xildhibaano, Maamulka Gobolka Banaadir,Ardeyda wax ka Barata Jaamacada Hope University iyo Marti Sharaf kale .

Waxaa ugu horeyn halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Jaamacada Hope University Najiib Shiikh Cabdikariim oo sheegey in Dafcadaan ay ahayd Dafcadii labaad ee Master Degree wuxuuna sheegey in 19 ardey ay ka qalin Jabisey Guud ahaan Jaamacada isagoo sheegey in Sagaal ka mid ah ay ka qalin jabinayaan mida Muqdisho,Tobana waxaa uu sheegey in ay ka Qalin Jabiyeen Jaamacada Hope University Magaalada Hargeysa , waxaana Munaasabadii maanta Gudoomiyaha jaamacadda halkaasi kaga dhawaaqey in Sannad kasta ay Hal ardey ee ka soo baxay Duqsiyada Sare ee aan is ka bxin Karin Kharashka ay jaamacadda ay siin doonto Deeq Waxbarasho taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen dadkii ka qayb galey Munaasbadaasi

Xubihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha Bulshada Mudane Barqad iyo Wasiir Ku xigeenka Wasaaradaasi Mudane Yaxye oo si weyn u soo dhaweeyey Ardeydaasi ka qalin jabisey Hope University, iyagoo sheegey Barashada Cilmiga ay tahay mid qayb ka qaadan karta Horumarka Dalka iyago kula Dardaarmey ardeyda Qalin Jabisey in Aqoonta ay Barteen uga faaiideeyaan Dadka kale ee aan Fursada u helin , waxay kaloo ay sheegeen in Wasaaradooda ay Xooga saari doonta sidii Ubadka Soomaaliyeed u heli lahaayen Aqoon Lacag la’aan ah.

Ugu Dambeyntii wxaa Xafladaasi Qalin Jabinta ah ee Jaamcadda Hope University ka Hadley Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaa;lka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa sheegey in uu ku faraxsan yahay in Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa ardey ku sugan ay ka Qalin jabinayaan Ardey Dhameystey Master Degree-ga ee Jaamacada Hope University , isagoo ku Tilmaamey Guul Weyn oo la Gaarey , waxaa kale uu sheegey in inta uu jooga Baarlamaanka ay Dowlada ku Cadaadin doonaan in Afarta Sanno ee Soo Socota in Caruur gaareysa Hal Milyan iyo Bar ay helaan Waxbarasho Lacag La’aan ah waayo waxaa uu sheegey in ay Doonayaan in ay Gutaan Waajibaad Saaran.

somalitalk's jaamacadxamar album on Photobucket


Gusdoomiyaha Baarlamaanka Mudan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa sheegey in Culuunta kala Duwan ee ay Barteen Ardeydii Maanta ka qalin jabisey Jaamacadda Hope University ay kaga faaiideysan Doonaan marka uu Baarlamaanka Sameynayaan Baarintaanada taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Maamulka Jaamacadda,isagoo kula dardaarmey Ardeydaas in ay Xooga saaraan sidii dadka Soomaaliyeed uga saari lahaayeen Jahaliga

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.ukFaafin: SomaliTalk.com | March 12, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;