SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xarunta SWDC lagu Qabtey ShirJaraaid oo ku Saabsanaa Maxakamada Hooyo Luul Cali Cismaan iyo Wariye Cabdicasiis Koronto

Qareenada “Dowladda Sharafteeda waxay ku Xiran tahay in la siidaayo Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul maadaama aysan wax Dambi ah lahayn

Maama Sahra “ Dowladda Waa in ay Il gaar ah ku eegtaa Xeer Ilaalinta Maadamaa uu ku Xadgudbey Dad Dhibanayaal ah”


Waxaa Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) ka dhacay Shir Jaraaid waxaana Shirkaasi Jaraaid uu u jeedkiisu ahaa Maxakamada Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan ka dib markii Maxakamada Darajada Koowaad ay ku Xukuntey labadaasi Xubnood Xarig min hal Sanno iyadoo lagu eedeeyey in ay iska kaashadeen Fal uu Xeer Ilaaliyaha ku Tilmaamey mid Been Abuur ah hase yeeshee waxaa Xukunkaasi Racfaan ka qaatey Labada Qareen ee u Doodeysa Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan

Shirkaaan Jaraaid ayaa waxaa ka qayb galey Xubno ka socdey Ururka SWDC , Hayadaha u dooda Xaquuqda Aadanaha iyo Xubno ka dhex muuqda Bulshada waxaana Ugu Horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyey labada Qareen ee u doodeysa labada Dhibane Maxamed Maxamud Afrax iyo Cabdi kariim Xasan Gorod waxay sheegeen in ay aad ugu dhibtoodeen Xukunkii Hore ee Maxakamada Darajada Koowaad ka dib markii loo diidey in ay la yimaadeen wixii Marqaatiyaal ah oo ku aadan in Wariye Cabdicasiis Koronto Luul aysan lahayn wax dambi hase yeeshee waxay sheegeen in Maxakamadii Racfaan ay si aad ah uga duwaneyd tii Darajada Koowaad ka dib markii loo ogolaadey in ay la yimaadaan Marqaatiyaal.



“Dowladda Sharafteeda waxay ku xiran tahay in la siidaayo Wariye Cabdicasiis Korornto iyo Hooyo Luul maadaama aysan wax Dambi ah lahayn , sidoo kale waxaan ka Codsaneynaa in Dowlada ay Il gaar ah ku eegto Garsoorka dalka waayo haddii uu Garsoorka baab’asan yahay Dowladda Jiritaankeed ayaa halis galaya “ ayey yiraahdeen Qareenadaasi oo intaa raaciyey” Haddi aan ognahay in Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul ay leeyihiin Dambi maanta intaa iskuma soo gaarneyn,ee waxa aan u dhimaneynowaa waa in ay helaan Xoroiyada haddii uu Xuknka uu Cadaalad u dhici waayo maalinta Axada ah,Dacwdaan kama hareyno ilaa Maxkamada Sare “,
“Cabdicasiis Koronto waxaa uu gaarey In la gaarsiiyo in uu yiraahdo waxaan Dhameysanayaa Xukunka Halka Sano marka ma aha in Ruux Mawaadin oo aan lahayn wax dambi maalin waliba lagu soo celceliyo Maxkamadda “ayey yiraahdeen laba Qareen oo sheegey in Cabdicasiis Koronto iyo Luul ay yihiin dad lagu haysto si Gardaro ah waayo waxaa Maxkamada Racfaanka keeney Marqaatiyaal Goob joog u ahaa markii la Kufsanayey Hooyo Luul islamarkaana Cabdicasiis uu yahay nin ka Nadiif wixii lagu haystey ee Xeer Ilaalinta soo Dhoob Dhoobeen..

Maama Sahro Maxamed Maxamuud oo Hayadda SWDC kala talisa Dhinaca Sharciga oo ka hadashey Shirkaasi Jaraa’id ayaa si Caro leh waxay uga hadashey qaabka ay Maxakamada u socotey weliba waxay si gaar ah farta ugu fiiqdey in Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu yahay nin aan u qalmin Xilkaasi maadaama dadkii dhibanayaasha uu u geystey Xadgudub intii ay socotey Maxakamada, waxayna Dowlada ka Codsatey in ay Il gaar ah ku eegaan Xeer Ilaalinta.

“Waa wax aad looga Murugooda in Hooyo Soomaaliyeed oo Nuujineysa Canug ay dhashey islamarkaana sheegtey in la Kufsadey in markasta Maxkamada lagu soo celceliyo waa dhibane u baahan in la Caawiyo iyada iyo Ninkeeda sidoo kale Wariye Cabbdi casiis waxaa ku xiran yahay si Sharcidaro ah marka Dowlada waxaa u soo jeedineynaa in ay deg deg arrintaan wax uga qabto”ayey Tiri Sahro oo sheegtey in Xadgudbka loo geystey Labadaas dhibane aysan marna ka hari doonin waxayna ka Codsatey Gudiga Xaquuqda Adanaha ee Baarlamaanka iyo Guddiga Garsoorka ee Baarlamaanka in ay goob joog ka noqdaan Go’aanka Maxakamada Racfaanka ee Maalinta Axadda haddi Eebbe Idmo.



Farxiyo Muumin oo Haween Galaangal ku ah ama ku firfircoon arrimaha ku aadan Dhibaatooyinka loo geysto Qoyska iyo Haweenka ayaa sheegtey in markii ugu horeysey ay u ahayd in ay ka qayb gasho dacwada Noocaan oo kale ah taasoo ay ku Tilmaamntey in dalka ay Nabadiisa soo laabaneyso waxayna Dowladda ka codsatey in ay Il Naxariis ah ku eegto Dacwda Labadaan Dhibane sidoo kale waxay ka Codastey Saxaafada in aysan isticmaalin Sawirka Hooyo Luul maadaama ay dhici karto in ay raad ku reebi karto Qoyskeeda Mustaqbalka. .

Ug Dambeyntii Waxaa ka Hadley Fariida Simba oo ah haweeney Ururka SWDC la Talisa ayaa u mahadcelisey Qareenada u doodaya Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan waxayna ku bporisey in ay halkaa ka sii wadaan Difaacida dadka markasta waxyeelada Soo gaarto , sidoo kale waxay soo dhaweysey Guddiga Dowladda u Xilsaartey Arimaha la xiriira Tacadiyada loo geystey Haweenka iyo Saxaafadda Waxaana Goob ka ahaa Shirkaasi Jaraaid Qaasim Moogaay iyo Cali Mocow oo ka tirsan Hayadaha Xaquuqda Aadanaha.,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;