Hayadda SWDC oo Dad Tabaaleysan u Qaybisey Deeq ay soo Dhiibeen Jaaliyada
Soomaaliyeed ee Magaalada London
Hayadda Somali Woman Developments Center ( SWDC ) ayaa waxay Magaalada Muqdisho
ka qaybisey Deeq ay soo dhibeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Magaalada
London ee Cariga Ingiriiska waxayn Deeqdaas ay ka Koobneyd Noocyo kala Duwan oo
Dhar ah oo isugu jira Dharka Haweenka ,Ragga , Caruunrta , Kabo iyo Bustayaal
Deeqdaan oo ay Ururinteeda ay ka qayb qaateen Gabdho Soomaaliyeed ee ku Nool
Magaalada London, oo kala ah Caasho Diini Cawaale, Khadiijo Aadan, Caasho
Maxamed Diini , Khadiijo Xamuud iyo Maama Xalwo ayaa ah Gabdho la shaqeeye Cabdi
Muuse Maaxay oo ah Samafale Taakuleeye Dadka Dhibaateysan waxay sheegeen mar ay
la soo xiriireenWarbaahinta in ay Dharkaas ugu talagaleen Dadka Soomaaliyed ee
Tabaaleysan.
Maryan Dakhal Xuseen oo ah isku Xiraha Dhinaca Haweenka ee Hayada SWDC ayaa mar
ay u warameysey Qaybaha Warabaahinta ayaa ugu horeyn waxay u Mahadcelisey
Gabdhaha Soomaaliyeed ee soo dhiibey Deeqdaas oo ay sheegtey in ay si aad uga
Damqadeen Dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan , waxay kaloo sheegtey in Deeqdaan
Dharka ah loo qaybiyey 19 Kaam oo ay ku jiraan dad barakacayaal kuwaas oo ka
kala yimidf 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir
“Deeqdaan waxay ka Koobneyd 28 Bundadood oo ay ku jiraan Noocyo kala duwan oo
dhar “ayey Tiri Maryan Dakhal Xuseen oo sheegey dadka loo qaybiyey ay gaarayaan
ilaa Shan Boqol oo Qoys kuwaas oo qaarkood loogu qaybiyey Xarunta SWDC kuwa
kalena waxay sheegtey in ay ugu tageen Kaamamkooda .
Dadkii ay gaartey Deeqdaas ayaa u Mahadceliyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku Nool
Magaalada London gaar ahaan Gabdhihii Soomaaliyeed ee soo dhiibey Deeqdaas ,
waxayna sidoo kale u soo jeediyeen Jaaliyadaha kale ee Soomaliyeed ee ku nool
Dibada ay iyana sidaa si la mid gacan ugu fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay isgu
darsameen Colaadaha , Abaaraha iyo Cudurada .
Ugu Dambeyntii Maryan Dakhal Xuseen ayaa ugu baaqdey Jaaliyadaha kale ee
Soomaaliyeed in ay ku deydaan Gabdhaha Soomaaliyeed ee soo dhiibey Deeqdaas oo
ku sugan Magaalada London ee Cariga Ingiriiska sidoo kale waxay ugu baaqdey
Hayadaha Samafalka , Ganacstada Soomaaliyeed iyo Dowlada Federaalka in Gargaar
balaaran u fidiyaan dadka Soomaaliyeed maadaama ay fooda nagu soo haysa Bishii
Barakeysneyd ee Ramadaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2013
|