Faallo: Dhibaatada Ay Somalida Aan Xorta Ahayn Ku Hayso Somalia Maanta
Waxaa Geeska Afrika badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Dunida (1939-1945) ka soo
shaac-baxday Aragtidii Somaliweyn. Halgamadii xornimadoonka ahaa ee dadyowgii
Somalida ee ku noolaa Geeska Afrika oo ay kala hoggaaminayeen Ururkii SNL iyo
SUP ee Somaliland, iyo Ururkii SYL ee Somalia waxay hilowga himaladoodu iyo
riyaaqooda wadaninimo ku salaysnaa in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal
dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed si loo helo dawladweyn oo Somaliyeed oo ka
dhalata Geeska Afrika. Somaliland ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee
Somaliyeed oo xorooba isla markaana hirgesha figradda Somaliweyn. Markii
Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay
markiiba la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July
1dii, 1960.
Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii Somaliweyn.
Waa midda kowaade, Jabuuti oo ka mid ahayd 5ta Somaliyeed waxay diiday inay ku
soo biirto Somaliweyn isla markaana noqotay dawlad madaxbanaan. Waa midda
labaade, Somaliland oo ka noqotay midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib
markii dhibaato weyni dhexmartay labada dal, sidaasna ay ku fashilantay
Aragtidii Somaliweyn.
Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u
qaybiyay sida dalal badan. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali
Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya.
Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma muuqato goor ay
xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda
Somaliweyn. Sababta ay Somaliweyn u fashilantay waxa weeye Somalida oo si
foolxun sida Carabta u aaminsan qabyaaladda iyo xukun-jacaylka taas oo keentay
inay si foolxun isugu tacadiyaan. Somalidu waxay isku dishaa iskuna xasuuqdaa
magac qabiil taas oo ka baxsan Diinta Islaamka iyo nidaamka dawladnimada. Sidaas
awgeed Somalidu way kala aamin-ka-baxday, kala aamin-ka-baxaas waxaa uu noqday
wedka Somaliweyn.
Dadyowga Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol
ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan way u
taageerikaraan. Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas sida
ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan. Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray
Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii
1977 si ay u xorrayso dhulka Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay
kuna khasbay dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto
xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu waayay.
Kadib markii ay fashilantay Aragtii Somaliweyn oo ahayd in la xorreeyo 5ta
Somaliyeed, hal calan iyo hal dawladna la hoos keeno ayaa waxaa dhacday in
Figraddii Somaliweyn ay maanta isku bedeshay siyaasad isku dul-dul-noolasho taas
oo Somalida aan xorta hayn ku mamaan xukunka, hantida, iyo dhulka Somaliyeed
xorta ah kana jeestaan xorraynta dhulalkooda sida maanta ka socota Kismaayo.
Haddaba waa maxay dhibaatooyinka Somaliweyn ku hayso Somalia maanta, sideese
looga bixikaraa?
Dhibaatooyinka ay maanta Figradda Somaliweyn ku hayso Somalia waxaa ka mid ah:
1. Somalia (Koonfurta) oo ay maanta ka dhacayaan waxyaabo la yaab leh, taas oo
caddayn u ah dhibaatada ay Somaliweyn ku hayso dalkaas. Kismaayo waa magaalo
madaxda Jubbada Hoose ee Somalia oo ah dal xor ah. Waxaa la xaqiijinayaa in
milliishiyada Kismaayo dagaalka ku qabsaday iyaga oo taageero ka haysta
ciidamada dalka Kenya kana soo horjeeda dawladda Somalia uu xoogoodu ka yimid
Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo Waqooyi Bari Keenya. Kooxdan oo ku soo
gashay gobolladaas magaca Somaliweyn ayaa waxa la sheegayaa in qorshahoodu yahay
inay goostaan Gobollada Jubooyinka iyaga oo taageero ka haysta dalka Kenya oo
amar ka qaadan Unisom iyo dawladda Somalia.
Gobolladan waxaa deggan oo leh beelo badan oo Somaliyeed oo ka soo herjeeda
Ciidamada Kenya iyo milliisiyadda hubaysan ee ay taageeraan, waxayna dagaal kula
jiraan labadaas Ciidan si aan looga barokicin dhulkooda loogana goyn Somalia oo
ay ka tirsanyihiin. Jubbooyinku waa gobollada ugu qanisan Somalia, waa isha
nolosha iyo nafta dadkeeda, waxbana Somalia la hadhimayso si ay u badbaadiso
jiritaankeeda. Haddii xiisadda Kismaayo sii socota Kenyana si cad ula safato
kooxda qabsatay magaalada, waxay markaas soo dedajinaysaa dagaal ka dhex-qarxa
Kenya iyo Somalia kaas suurtogal ah inuu Kenya u soo jiido jab, burbur dhaqaale,
iyo qalalaase ku fida Waqooyi Bari Kenya waayo ummadda Somalia marnaba ma
dhacayso in looga adkaado dhulkeeda hooyo ee ay difaacayso.
Waxaa maanta dawladda Somalia waajib ku ah inay ciidamada Kenya deg deg uga
saarto dhulka Somalia (Jubbooyinka) intaan dhulkeeda la kala goyn, haddii
dawladda Kenya diidana lagu iclaamiyo dagaal qabta weyn oo xorrayn ah oo lala
galo Ciidamda Kenya isla markaana laga saaro milliisiyadda la safan ee ka so
duushay gobollada Somalida aan xorta ahayn laguna cesho degaamadooda. Sidaas oo
keliya ayaa lagu badbaadinkaraa maanta madaxbanaanida Somalia iyo wadajirkeeda
dhuleed ee xorta ah. Dawladda Kenya waxay markii horeba Jubbooyinka ku soo
gashay amar la'aan iyo damaaci gumaysi madow oo ay dabada ka riixayaan Somalida
Kenya ee aan u dhalan Somalia.
2. Dadka xukuumadda Somalia la dabajooga markasta shirqoolada iyo mooshinada
lagu ridayo ee ku salaysan qabyaaladda iyo laaluush-raadinta oo Somalia ka
degila'dahay sida xukuumadda Talyaaniga waa xubno baarlamaan iyo wasiirro ka soo
kala jeeda Kilinka Shanaad ee Itoobiya, Waqooyi Bariga Keenya, iyo Somaliland,
waxaanay dhammaantood ku soo galeen baarlamaaanka Somalia magaca Somaliweyn.
3. In badan oo ka tirsan baarlamaanka iyo wasiirada Somalia waxay ka kala
socdaan 5ta Somaliyeed iyaga oo ku soo galay Somalia magaca Somaliweyn waxayna
Somalia ka dhiseen Fadaraalka Somaliweyn oo ah dawladnimo ay ku danaystaan,
arrintaas oo beelo badan oo ka tirsan dadka Somalia ka duudsiyay jagooyin,
darajooyin badan, iyo hanti badan oo ay xaq u lahaayeen inay saami ahaan u
helaan.
4. Xubnaha barlamaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee ka soo jeeda
Somaliland, Jabuuti, Waqooyi Bari Kenya, iyo Kilinka 5aad ee Itoobiya ma
matalaan dalalka iyo gobollada ay ka soo jeedaan awoodna uma laha inay tagaan.
Kooxdan kuma kaalmaynkaraan Somalia ciidamo iyo cashuur dhaqaale oo lagula
dagaallamo laguna jebiyo Kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada weyn ku haysa Somalia.
Baarlamaanada iyo Xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad, iyo Waqooyi
Bari kuma jiraan dad u dhashay Somalia. Markaas su'aashu waxay tahay: Maxay ku
mutaysteen inay xubno ka noqdaan baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia?
Taariikhdii 1960kii waxaa israacay Somaliland iyo Somalia ee isma raacin 5ta
Somaliweyn. Xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku jira Baarlamaanka iyo
xukumadda Somalia iyaga waa la gartay oo waxay malaha hiigsanayaa midnimadii
hore ee labada dal dhexmartay? Haddaba su'aashu waxay tahay: Maxay xubnaha ka
soo jeeda Kilinka 5aad, Waqooyi Bari Keenya, iyo Jabuuti ugu jiraan Baarlamaanka
iyo Xukuumadda Somalia? Jawaabtu waxay tahay waxay ku soo gabbadeen magaca
Somaliland oo aan jirin, waxayna xubnahan intooda badan taageersanyihiin maanta
boobka lagu hayo Kismaayo iyo Jubbooyinka si looga gooyo Somali!ia, waana taas
dhibaatada laga dhaxlay maanta Somaliweyn oo dadka Somalia aanay weli fahmin
dhagarta ay huwantahay
5. Kuwa ku danaysta magaca Somaliweyn ee ka tirsan barlamaaanka iyo xukuumadda
Fadaraalka Somaliweyn ee Somalia kana kala yimid Somaliland, Kilinka 5aad, iyo
Waqooyi Bari Kenya waxay si joogta ah isugu diraan Somaliland iyo Somalia si ay
u sii kala fogaadaan.
Maanta kuwa Somaliweyn aan jirin u qaylinaya waxaa u badan Somalida ka tirsan
Itoobiya iyo Kenya waayo waxay ku mameen hantida, xukunka, iyo dhulka Somalida
Xorta ah laga soo bilaabo xukunkii Siyaad Barre. Arrintanu waxay caddaynaysaa in
Somaliweyn noqotay maanta siyaasad la isku dul-noolaado (Somaliweyn has become
parasitic philosophy), siyaasad kuwa aan xorta ahayn ku soo gabbadaan magaca
Somaliweyn si ay u soo galaan Somalida xorta ah oo ay u dulmiyaan kana jeestaan
inay xorraystaan dhulkooda. Waxaa kale oo ay maanta Somaliweyn isu bedeshay
siyaasad lagu boobo gobollo ka tirsan dal kale sida maanta ka socota
Jubbooyinaka Somalia.
Nabadgelyo la'aanta maanta Somalia ka jirta waxaa u sabab ah hugun Somaliweyn
aan jirin oo u diidan in dadka Somalia gacantooda ku maamushaan dawladnimadooda
soona ceshaan nabadgelyadooda. Somalia waxaa leh dadka Somalia waxaana ku waajib
ah madaxdooda, siyaasiyiintooda, madaxdooda dhaqanka, iyo indheer-garadkooda
inay ka baxaan hugunka aan jirin ee Somaliweyn oo gacanta ku dhigaan talada iyo
aayaha ummadooda iyo dalkooda iskana caydhiyaan kuwa ku soo galay dalkooda
magaca Somaliweyn oo isku taxay jagooyinka iyo darajooyinka aanay xaq u lahayn
ee laga boobay dadka Somalia isla markaana guranaya maalkooda si ay daaro uga
dhistaan gobollada ay ka soo jeedaan, kuna dadaalaya maanta inay Gobollada
Jubooyinka ka goostaan Somalia. Addisaba iyo Nairobi midna xaq uma laha inay
farogeliyaan madaxbanaanida Somalia iyo wadajirka dhulkeeda ama ka hadlaamba.
Waa sidaas sida keliya ee looga bixikaro dhibaatada Figraddii Somaliweyn ay ku
hayso maanta Dalka Somalia ee Xorta ah.
Dulmiga iyo tacadiyada Somalia iyo Somaliweyn u geysteen ummadda
Somaliland xilligii midowgu ka sokow, waxaa kale oo Somailand aanay marnaba ula
midoobayn Somalia waa dawladda fawdada ah ee aan la kala lahayn kuna salaysan
Somaliweyn aan jirin maanta lana garanayn inay rumoobi iyo in kale. Lama
saadaalinkaro samanka 5ta Somaliyeed oo xor ah inta la arko ay Figradda
Somaliweyn madaxa la soo kacdo mar labaad, lamana garanayo inay midoobi iyo in
kale. Haddaba su'aashu waxay tahay: Maxay ummadda Somalia danaheeda ugu
seegaysaa dadyow Somaliyeed oo aan la hubin inay isku imanayaan iyadana khatar
dhulkeeda ku haya maanta? Samankan Figradda Somaliweyn waxay isku bedashay
Siyaasad ku dhisan dulmiweyn iyo isku-dul-noolaasho taas oo Somalida aan xorta
ahayn ku soo qulqulaan kuna mamaan xukunka, hantida, iyo dhulka Somalida xorta
ah kana jeestaan inay xorreeyaan dhulkooda. Ummadda Somaliland marnaba ma
aqbalayso in magaca Somaliweyn mar labaad lagu xukumo, lagu dulmiyo, lagu boobo,
lagu xasuuqo, laguna burburiyo dadkeeda iyo dalkeeda sidii dhacday intii u
dhaxaysay 1970-1990.
Nabadgelyada iyo horumarka maanta ka jira Somaliland iyo Jabuuti waxaa sabab u
ah dawladnimada oo ku jirta gacanta dadka iska leh oo ka ilaaliya Somaliweyn aan
jirin, una daacad ah horumarka dalalkooda. Gobolka Kilinka 5aad ee Itoobiya waxa
uu leeyahay maamul u gaar ah oo gacanta ugu jira Somalida gobolkaas u dhalatay
oo qudha. Sidaas oo kale, dadka metala gobolka Somaliyeed ee Waqooyi Bari Kenya
waa dadka u dhashay gobolkaas oo qudha. Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido
magaca Somaliweyn uu ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn diin maaha balse waxay
ahayd aragti isbahaysi qawmiyad ama jinsi rabay inay midoobaan oo
suurtogeliweyday laakiin Somalinimo waa dareen qawmiyadnimo ama jinsinimo oo ka
dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo astaan u ah xidhiidh sokeeye iyo walaaltinimo aan la
isku xad-gudbin.
Waxaa Qoray: Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: June 30, 2013.
Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2013
|