Xukuumada oo ku baaqday in ciidamada AMISOM Sector 2 ee Kismaayo lagu
badalo kuwo dhex-dhexaad ah
Muqdisho June 30, 2013----Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay
ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM Section 2 ama taliska labaad, saldhigooda
Kismaayo inay ku xadgudbeen hawshii loo idmaday ee nabad illaalinta Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu galabta qabtay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,
Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Cabdishakuur Cali Mire ayuu ku sheegay in
ciidamada AMISOM ee ka hawlgalaya magaalada Kismaayo ay ka qeyb qaateen
dagaaladii sadexda maalmood ka socday Kismaayo dhex marayay dhinacyada
Soomaalida ah, ayna la safteen dhinac ka mid ah kuwii dirirtu u dhaxaysay.
Wasiirku wuxuuna tilmaamay in ciidamadaasi ay u isticmaaleen madaafiicda
cul-culus, goobaha rayidka taasoo keentay dhimasho, dhaawac, barakac iyo boob
hanti dadweyne.
“Ciidamada AMISOM Section 2 ama taliska labaad loo yaqaano waxay xireen
taliyihii ciidamada dawladda ee Kismaayo Col. Cabaas Ibrahim Gurey, oo aan
xarigiisa wax wargelin ah laga soo siin dawladda,” ayuu yiri Wasiirka oo xusay
in sidoo kale ciidamadani ay duqeyn dhimasho iyo dhaawacba sababtay u geysteen
xarunta ciidamada dawladda ee Kismaayo.
“Dawladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa ficiladan mid si toos ah uga hor imaanaya
qaraarkii Golaha Ammaanka ee ay ku ogolaatay howlgalka Nabad illaalinta ee
AMISOM” ayuu mar kale yiri Cabdishakuur Cali Mire.
Sidaas daraadeed, dawladda Soomaaliyeed waxay soo jeedineysaa talooyinka soo
socda si loo joojiyo colaada loona xasiliyo dalka:-
- In Ciidamada AMISOM Sector two, lagu bedelo ciidamo ka socda dalal kale
oo Midowga Afrikaa kuwaas oo ah dhex-dhexaad.
- In la sameeyo guddi xaqiiqo baaris si loo ogaado baaxada dhibaatada ka
dhalatay dagaaladaas.
- Dawladda Soomaaliyeed waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah loo sii daayo
taliyaha ciidamada dawladda ee u xiran ciidamada AMISOM Sector two, si uu
waajibkiisa ciidan u guto.
- Dawladdu waxay soo jeedineysaa in la magacaabo sarkaal Midowga Afrika u
qaabilsan arrimaha siyaasada ee goboladaasi (Political officer), kaasoo aan
u dhalan wadanka ay ka soo jeedaan ciidanka AMISOM Sector two.
- Dawladdu waxay soo jeedineysaa in la sameeyo faragelin Bani’aadaminimo
(Humanitarian Intervention), si gargaar loola gaaro dadka halkaasi ku
waxyeeloobay, gaar ahaana dhaawaca shacabka.
DHAMAAD
Ahmed Adan
Xiriirka Warbaahinta
Xafiidka Ra’iisal Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Email: media@opm.gov.so
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo ku aadan 1-da Luuliyo u diraya dhamaan
shacabka Soomaaliyeed
Muqdisho, 01, Luuliyo, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee
Soomaaliye mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa hambalyo ku aadan sanad
guuradii ka soo wareegtay 1-da Luuliyo 1960 u diray dhamaan shacabka
Soomaaliyeed ee ku nool dibada iyo gudaha dalka.
“Anigoo ku hadlya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan
hambalyo hawada u marinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan dal iyo dibadba. Waxaa leeyahay Hambalyo waa maalintii laga xoroobay
gumaysitihii Talyaaniga, waana midowgii waqooyi iyo koonfur,” ayuu yiri Ra’isuul
Wasaaraha oo dhanka kale sheegay in maalmo ka hor loo dabaal dagay 26-ka Juun
1960 oo ahayd maalintii ugu horeysay ee six or ah calanka dalka looga taago
ciida Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka ka hadlay ahmiyadda ay leedahay maalintii qiimaha
badan oo ah maalintii ay soo noqotay sharaftii iyo karaamadii ummadda
Soomaaliyeed.
”Sharaftaan iyo karaamadaan aan ku naaloonayno maanta una dabaal-dagayno waxay
ku timid halgan dheer oo ummada Soomaaliyeed u soo gashay inay gumaysi ka
xorowdo. Waxaana mahadnaq mudan kuwii soo hooyay oo si geesinimada leh uga
hortagay gumastaha. Halgamayaashaasu waxay u istaageen inaan helno xornimada aan
harsanayno, waxay u hureen dhiigooda iyo maalkooda, waxayna nooga tageen dhaxal
taariikhi ah oo u baahan inaan hanano si weyna u illaashano dhamaanteen,” ayuu
yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale tilmaamay midnimada ummada iyo muhiimada ay
u lahayd in dalkeenu gumaysi ka xoroobo.
“Xonimadu waxay ku timid dadaal dheer, wada jir, midnimo, iyo dhiig badan oo loo
daadshay, waxaana ka go’naa intii hormuudka ka ahayd halgankaas inay Soomaaliya
noqoto wadan madax banaan oo caalamka la jaan qaada” ayuu yiri Ra’iisul wasarahu
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dhalinyarada maanta joogta iyo
dhamaan ummada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay u badbaadin lahaayeen una
horumarin lahaayeen dalkooda. Waxaana uu ugu baaqay kuwa wali ku jira
colaadahana inay ka waantoobaan. Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in
Soomaaliya maanta uu soo baxay iftiin dawladnimo, sidaas daraadeedna loo baahan
yahay in laga wada shaqeeyo sidii dalku uga bixi lahaa dhibaatooyinka, iyo
colaadiihii 22 sano daashaday.
DHAMAAD
Ahmed Adan
Warbaahinta Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Email: media@opm.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2013
|