Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Xarigga Shiikh Xasan Daahir Aweys
Salaaddii Cishaha wax yar uun ka hor ee xalay ayaa Diyaraddii siday Xasan Daahir
Aweys ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho.
Ka hor intii aysan Diyaaraddu soo caga dhigan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa
waxaa halkaa ku sii sugnaa Xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirada arrimaha Gudaha
iyo Gaashaa dhigga iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladda Federaalka
Soomaaliya.
Markii laga soo dajiyay Diyaaraddii sidday Xasan Daahir ayaa waxaa halkaa ka
bilowdey hadalo muddo dheer soconayay iyadoo laga wada hadlayay sidii laga yeeli
lahaa Wadaadka iyo halkii la gayn lahaa.Muran dheer kaddib ayaa waxaa mar keliya
is bedelay Mowqifkii markii hore la waday ee ahaa in Xasan daahir loola dhaqmayo
si wanaagsan isla markaana aan wax dhib ah loo gaysanayn taasoo goobta ay soo
xaadireen Ciidamo Nabad sugidda Dawladda Federaalka Soomaaliya ka socday
kuwaasoo amar ku haystay in ay xiraan Xasan Daahir Aweys .
Odoyaashii Saraakiishii iyo Xildhibaanadii la socday Xasan Daahir ayaa arrintaa
ka Madax-adeegay taasoo keentay in Ciidamadu xoog adeegsadaan isla markaana qaar
ka mid ah xubnihii halkaa ku sugnaa jir dil loo gaystay.Waxgaradkii iyo
Mas’uuliyiintii la socday Xasan Daahir ayaa arrintaa ku tilmaamay in Xukuumaddu
uga baxday balan qaadkii hore ee ahaa in aan wax dhibaata ah loo gaysanayn lana
xirayn Xasan Daahir arrintaasoo si weyn ay uga xumaadeen.
Warakii ugu Dambeeyey waxay sheegayaan in Shiikh Xasan Daahir uu ku xiran yahay
Xarunta Nabadsugida , warar kale aya awaxay sheegayaan in Shiikh Xasan Daahir uu
ku Xiran yahay Xarunta Xalane oo saldhig u ah Ciidamada Amisom iyadoo dadkii
kale eel ala Xirey la sii daayey waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Cabbduqaadir
Cali Cumar , Shiikh Yuusuf Indhacade ,Axmed Diiriye Cali iyo Xubno kale
Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdey Shir ay leeyihiin Wagaradka , Siyaasiyiinta ,
Nabadoono iyo Xildhibaanno ka soo jeeda Beelaha Habargidir kuwaas oo ka
arrinsanaya Xariga loo geystey Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay u geysteen
Ciidamada Nabadsugida iyadoo Xubno ka tirsan kuna sugan halka uu shirka ka
dhacayo waxayna Sheegeen in Beesha ay ka fiirsanayso sidii kalsoonida ugala
laaban lahaayeen Dowladda Fedeeraalka
Dhinaca kale Afhayeenka Dhinaca Hawl galada ee Xarakada Shabaab Shiikh
Cabdulcasiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada
Shabaab ayaa tafaasiil ka bixiyay hawl galo ay sameeyeen Ciidamadooda.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay jireen rag ka tirsan Saraakiisha sar sare ee
Dhaqdhaqaaqa Shabaab kuwaas oo ku hawlnaa kala gaynta Xarakada Shabaab.
Abuu Muscab ayaa soo hadal qaaday in raggaas loogu baaqay in ay isa soo dhiibaan
taas bedelkeedana ay dagaal sameeyeen dagaalkaasna ay ku dhinteen laba ka mid ah
Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Xarakada Shabaab.
Afhayeenka ka Cudur-daartay Dhimashada labada Sarkaal ee Ibraahim Xaaji Jaamac
Afgan iyo Burhaan oo uu sheegay in ay dhinteen iyagoo doonayay in ay dagaalamaan.
Shiikh cabdilcasiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray inay jiraan xubno
isa soo dhiibay iminka xir xiran kuwaas oo dhawaan maxkamad la soo hor taagi
doono halka qaar kalena uu sheegay in ay baxsadeen laguna raad joogo.
Afhayeenka hawlgalada ayaa sheegay in Saraakiishaasi ay ku dhinteen Magaalada
Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose xiligii ay dagaalka sameynayeen isagoona u
ku adkaystay Xubnaha iminka gacantooda ku jira in ay soo hor joojinayaan
Maxkamad wixii ay ka helaana ay qaadan doonaan.
Shiikh xasan Daahir oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee ururkaas ayaa ka mid
ah xubnaha isaga tegay maciin bideyna in ay iska Dhiibaan degaanada uu ka
arrimiyo Maamulka Ximan iyo Xeeb taasoo Aakhiritaankii wadahadal dheer ka dib in
loo soo qaado Magaalada Muqdisho iyadoo markii uu ka soo degey Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ay Xabsiga u Txaabeen Ciidamada Nabadsugida ,
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2013
|