Xukuumadda oo ka dalbatay dhinacyadda ku dagaalamaya Kismaayo inay si deg
deg ah u joojiyaan dagaalka
Muqdisho, 29, June, 2013….Waxaa saaka shir Jar’id ku qabtay xafiiska Ra’iisul
Wasaaraha Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli, isagoona ka hadlay
dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Kismaayo.
“Waxaa ay Dawladdu aad uga xuntahay in dad badan oo rayid ah oo aan waxba
galabsan ay ku dhintaan dagaaladda kismaayo kasoo cusboonaaday oo ah kuwo marar
badan ay ka digtay Dawladda isla markaana aan loo baahnayn xiligan muhiimka ah,
taariikhiga ah ee dalku uu kasoo kabanayo burburkii iyo dagaaladii gaaray 22-kii
sano. Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatay dagaaladdan, kuwii ku
dhaawacmayna allaha caafiyo” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumaddu.
Baaqa dowladda
• Dowladu waxay ku baaqaysaa in dhinacyada ku dagaalamaya magaaladda Kismaayo ay
u hogaan samaan baaqii IGAD oo ahaa in shir weyne lagu qabto magaalada Muqdisho
si dib-u-heshiisiin dhab ah loo dhex dhigo dadka ku nool gobolada Jubooyinka.
• Dhinacyadda dagaalamaya waxaa ay dawladdu ka dalbanaysaa in ay deg-deg ku
joojiyaan dagaalka, waana in ay maanka ku hayaan in aan loo dulqaada karin in
dhiiga shacabka la daadiyo si micno la’aan ah, lana barakiciyo.
• Dawladdu waxay ka dalbanaysaa in Wixii khilaafaad ah ee jira lagu xaliyo
hanaan siyaasadeed oo wada hadal ku qotama.
• Qoriga waan soo aragnay in aan madaxtinimo lagu gaarayn, cidkasta oo hub iyo
dagaalo damacsan in ay xukun ku gaarto waxay ku danbayn doonaan bur bur iyo ceeb.
Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
ah ee Somalia Mudane Cabdi Faarax Saacid Shirdoon uu aaminsan yahay, horayna ugu
cel-celiyay in badan in xalku uu ku jiro wada hadal iyo in la dhagaysto dawladda
Soomaaliya, waana in gogosha-nabadeed ee dawladdu ay ku howlantahay laga
dhex-raadiyaa xalka Gobolka.
Ugu danbayntii Xukuumadda waxay ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalamaya inay
ixtiraamaan war-murtiyeedkii ka soo baxay UN iyo IGAD oo ku baaqayey in laga
fogaado gacan ka hadalka iyo dirirta.
DHAMAAD
Warbaahinta Xafiiska R'iisal Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka
Kismaayo
Muqdisho, 29 Juun 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta markale ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo
dagaalka ka socda Kismaayo.
Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaaladda ka soo cusboonaaday Kismaayo ayaa yiri “
Waxaan markale ku baaqayaa in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka soo
cusboonaaday magaalada Kismaayo oo dhiig danbe oo Soomaaliyeed aan la daadin.
Soomaalida wey ka soo daaleen collaado iyo dagaallo, xalna uma noqon karaan
xasilinta dalka, nabad-ku wada noolaanshaha iyo horumarinta dhaqanka iyo
dhaqaalaha dalka.
“Dowladdu dhowr jeer bey ku cel-celisay inaan loo baahneyn dagaal sokeeye iyo
dhiig Soomaaliyeed oo macno daro ah ku daata. Dowladdu waxey wadaa qorshe dib-u-heshiisiineed
oo xal waara loogu helayo arrimaha Kismaayo oo keenay collaado iyo dagaallo soo
noq-noqday.
“Waxaan u tacsiyeynayaa intii ku geeriyootay dagaaladdan oo aan Eheladdooda iyo
Soomaalidaba uga baryayaa in EEBBE naxariistii janno ka waraabiyo iyagana Samir
iyo Iimaan EEBBE ka siiyo. Inta dhaawaca ahna waxaan EEBBE uga baryayaa inuu
caafimaad deg-deg ah siiyo.
“Dagaallada iyo collaadahu waxey keenaan kala fogaansho, waana sababta aan u
dooneyno in si nabad ah oo dib-u-heshiisiineed xal waara loogu helo dhammaan
arrimaha taagan. 22sano oo collaado, dagaallo, dagaal oogayaal, dano gaar ah iyo
mid qabiil-ba waa nagu filan-yihiin mana rabno in wiil Soomaaliyeed uu si macno
daro ah ku geeriyoodo. Dowladdu wey ka go’antahay in la sii wado dadaallada
nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta.
“Dowladdu waxey kaloo ugu baaqeysaa Ciidamada AMISOM ee ku-sugan Kismaayo inay
dhex-dhexaad ka noqdaan kooxaha kala duwan ee dagaaalamaya, isla markaana ay ka
islaaxiyaan xabad-joojin oo ay ciidamada dagaalamaya kala dhexgalaan si looga
hortago inay dagaaladdu sii socdaan, si fursad loo siiyo dib-u-heshiisiinta iyo
wadahadallada. Waana in si deg-deg ah loogu gurmadaa gar-gaaridda dadka dhaawaca
ah.”
- DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President,
engabdirahman@gmail.com +252 615 479911 or +252 699
998854
Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2013
|