Madaxweynaha Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Casho Sharaf Uu Gudoomiyaha
Baarlamaanka U Sameeyey Xildhibaannada Ka Kala Socda Puntland Iyo Galmudug
“SAWIRRO” Ka hor casho sharafta uu Gudoomiyaha Baarlamaanka u
sameeyey wafdigan ka socday maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug waxey si
wadajir ah kulan ula qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh
Cismaan Jawaari wafdiga Baarlamaannada ah ee ay kala hogaaminayeen
Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug oo iyagu Madaxda sare ee
Dalka uga waramay xaaladaha hormarineed ee ka jira labada maamul.
Kulankaasi kadib ayaa waxaa guriga Martida ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay
casho sharaf uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey wafdiga ka kala
socda Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug ayadoo casho sharaftanna ay sidoo
kale kasoo qeybgaleen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cismaan Jawaari oo ka hadlay Munaasabadda casho sharafta ah ayaa uga mahad
celiyey Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug sida ay ugasoo
jawaabeen casuumaad uu u fidiyey Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo la xiriirta
iney Gudoomiyeyaashan kasoo qeybgalaan xeritaanka Kalfadhiga Labaad ee
Baarlamaanka. Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee
Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi oo isaguna ka hadlay Munaasabadda casho
sharafta ah ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka sida sharafta leh ee
ay u marti qaadkaan ugu fidiyeen hogaanka Baarlamaannada maamul goboleedyada
Dalka ka jira waxaana uu talaabadan lagu casuumay ku tilmaamay mid muujineysa in
Baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhaqmayo habka Federaalka.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Mudane Xasan
Maxamed Heyl oo isaguna ka hadlay Munaasabadda casho sharafta ah ayaa dhankiisa
ka mahad celiyey marti qaadka loo sameeyey wafdiga ay kala hogaaminayaan
Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug waxaana uu ammaanay sida ay
xiligan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u muujiyeen isbedelka dowladnimo ee
dalka ka hanaqaaday. Casho sharaftan uu caawa Gudoonka Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya u sameeyey Wafdigan ka socday Baarlamaannada maamul
goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa kusoo gebageboowday jawi wanaagsan
waxaana imaanshaha wafdigan uu ka dambeeyey kadib markii uu Gudoonka
Baarlamaanka ku marti qaaday iney kasoo qeybgalaan xeritaanka kalfadhiga Labaad
ee Baarlamaanka. ---DHAMAAD--- Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka
Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Gudoomiyeyaasha
Baarlamaannada Puntland Iyo Galmudug “SAWIRRO” Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiska ku qaabilay
Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug oo maalinnimadii
shalay aheyd soo gaaray magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cismaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada
maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug sida ay ugusoo jawaabeen
marti qaadka uu Baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey waxaana mahad
celintaasi kadib uu Gudoomiyuu ka dhageystay gudoomiyeyaasha
Baarlamaannada labada maamul goboleed sida ay howlahooda u socdaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyey
sida ay u socdaan shaqooyinka Baarlamaanka Puntland waxaana uu xusay
in howlaha Baarlamaanka Puntland ay hada kuwo u socda si wanaagsan
waxaana uu dhanka kale Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi uu tilmaamay in
ay aad ula dhacsanyihiin sida xiligan uu u shaqeynayo Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Mudane
Xasan Maxamed Hey loo isaguna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa si
lamid ah ka warbixiyey sida uu xiligan u shaqeeyo Baarlamaanka
Galmudug oo uu tilmaamay iney dhowaan doorteen Madaxweynaha
maamulkaasi, dhinaca kalena waxa uu soo dhaweeyey hormarrada sii
kordhaya ee uu ku talaabsanayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Gudoomiiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada Puntland iyo
Galmudug ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana ayaga oo ay
wehliyaan Xildhibaanno ka kala tirsan Baarlamaannada labada maamul
goboleed ay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad uu u fidiyey Gudoonka
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wafdigan caawa waxa ay casho sharaf la qaadan doonaan Gudoomiyaha
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan
Jawaari ayadoo casho sharaftaasina ay kasoo qeybgali doonaan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
(Saacid). ---DHAMAAD--- Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2013
|